Xaq uma laha! SHEEKO GAABAN– W/Q. Sakariye Riiraash | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xaq uma laha! SHEEKO GAABAN– W/Q. Sakariye Riiraash
April 20, 2015 - Written by Editor:

Sumadiisu waa maya, wuu suurad wacan yahay, sawdkiisa xabeeb buu u

sameeyaa, uu raganimo ka baadh baadho, si buu u siloonyahay, wax kasta

dhanka xun buu ka eegaa isagoo ku eegaya

10626795_10203639894212574_3043796164478673161_n

indho xun, ficil kastuu samaynayo wuxuu ka horaysiiyaa maxaa iga soo

galaya, wuxuu moodayaa inuu ogyahay wax soo socda, oo muxuu u moodi

waayay, isaga wuxuu sameeyaaba makala duwana, wadadii uu shalay maray

ayuu maanta hayaa, wuxuuna aaminsanyahay in dunida wax wanaag la

yidhaahdaaba jirin.

Wuxuu ku xisaabtamaa halhays si xun uu u adeegsado oo odhanaya “

khayrba ha falin shar kuuma yimaadee”, qofku salaamayo wuu u dhoola

cadeeyaa isagoo hoosta ka xaqiraya, uguna yeedhaa, qofku wuxuu

jecelyahay sida “dhakhtar,engineer ama madaxweynaba” xisti baana ka

buuxa qofna uma ogola inuu heer gaadho, oo muxuu ugu ogolaan,

soomaalidaa iska saasa oon wanaagaba isku ogolayne, libintooda wuu ka

gubtaa,waxyeelada soo gaadhana waa ku gam’aa, da’ahaan waa curdin,

caqligase waa ka cajuus.

Dugsiga waa aadaa, duruustana waa bartaa, wuxuuse u bartaa sida

waxlaysku waydaariyo oo musuqmaasuq ku dhex jiro, malcaamado dhawra

wuu galay imikana tiisii ugu dambaystuu ku jiraa, oo uu qarka u saaran

yahay in laga eryo sidii kuwii hore looga eryay,oo maxaa looga eryaa?

Waxaa looga eryaa diintuu ku kaftamaa, dadkana kaga qosli yidhaah,

qofna uguma qiro cilmiguu leeyahay ama wanaagiisa, isagu se waa is

aqoonsanyahay, calan gaarana waa iska dul taagay, wax kastoo

wanaagsana waa isku sheekaa, mar waa siyaasi xilalka waaweyn kala

xakameeya, mar waa waaniye dadka walaaleeya ,marar kalena waa suldaan

beelaha colaaduhu ka dhaxeyso heshiisiiy.

 

Maanta wuxuu rabaa inuu xil qabto, uma qabanayo inuu dadka baahan ku

daryeelo, uma qabanayo inuu walaalahii wax ugu taro, ama inuu umadiisa

ku taageero, wuxuu u qabanaya dano gaar, xilka loo igmado sidiisuu uga

soo baxayaa, maxayse ugu taala hadii aana laga anfacayn.

 

Waxa agtiisa ka muqadas ah ninka cad, oo uu moodo rasuul loo soo

dirayba, markuu u soo galena, fadhiguu uga kacaa, wuxuu ka dalbadana,

deg deg ugu fuliyo.

Sida xoolaha umada loo gurto waa hawshiisa, sida xeedho looga

buuxsadana waabuu ku heshiiyay, xafiiltana waa lagu xantaa, dadka

dhibaatada ula yimaada sida loo diido waa yaqaanaa, markuu dadka u

baahdana sida loo baryootamo waaba ku xariif.

Maanta wuxuu ku taaganyahay suudh madaw oo nooca ugu qaalisan ee dalka

laga helo ah,waxaana ka amarqaata boqolaal shaqaale oo u jajaban

eraygiisa, golle kastana nin buu dhigtay, ganjeelkiisa waxaa ka soo

baxa gawaadhi mad madow oon la arag cida ku dhex jirta, waxaana

ilaaliya nin madow oon garanayn afka, ruuxa wax waydiiyana madaxa u

lula, xoogiisana waxaaba la moodaa inuu jimicsiga shahaadada ugu

sareysa ka sito, maalin ba qofbaa taga golihiisa, qofkastoo uga

muraadyeeshana isagoo faraxsan wali ma soo noqon, waana wax aan dhicin

dhawr mooyaane, intayna isaga gaadhinba dhawr ka amar qaataa soo

celiya, oo idhaahda intuu isagu odhan lahaa oo bilaa naxariisa, ruux

kasta uu muraadkiisa ka hor istaaga si buu isku ciilaa, waxooganaha

wuu sii calaacala, mid markuu salaada dhamaysto habaar u yara quusiya,

mid meelaha mareegaha si dadban uga abaara, ka aan habaarina waa ka

yidhaahda isagoo ku qaylinaya xaq uma laha, iyo mid ka gabyo ba, waxaa

cisho aan fogayn dhegahayga ku soo dhacday mid ka maansooday oo leh.

 

“Golihii arimiskuu

Amarqaate joogaa

Lagu yidhi adoomaha

Aabahood la garanayn

Arjigooda diidmee”

Sida dadka loo xado waa yaqaana, mase yaqaan sida dadka loo xaqdhawro

, sida loo tawaawaco waa yaqaana mase yaqaan sida wax loo taageero,

sida qof loo hunguriyeeyo waa yaqaan, mase yaqaan sida loogu

hambalyeeyo, xaaskiisu way xuub dhacsatay iyadoo aad moodo geed

qalalay, ciyaalkiisa markuu la joogo wuu cadaadiyaa, iyaguna hoostay

ka colaadiyaan, camalkiisa waa ogyahay, wuxuuba u haystaa in sidaas

inuu falo dunida loo keenay, dagaalada wuu maal galiyaa, intii

karaankiisa ee uu dad kala gayn karana waa kala geeyaa, waxa ugu

qaalisan ee uu agtiisa qiimo kale waa qabyaalada, habeenkii indho

iskuma geeyo, haduu

 

isku keeyana umadii u dhaxalkooga cunaa, ka dhex dhawaaqda.

Xaq waxad u leedahay inaad ila yaabtid, ood igula yaabtid ninkan bilaa

wanaaga ah een dadka u soo bandhigayo, isaguse xaq uma laha inuu ina

maamulo, Xaq waxad u leedahay inaad ninka noocan ogaatid si aad iskaga

dhex qabatid, isaguse xaq uma laha inuu isku keen dhex qariyo, xaq

waxaan u leeyahay inaan ninkan sheego, adna xaq waxaad u leedahay

inaad shaacisid, isaguse xaq uma laha inuu ku shakaalo, oo aad shib

tidhaahdid.

Hadaad dhab ahaan rabtid, inaad ogaatid, gadaashaada eeg iyo afarta

geesood, yayna ku dagin qosolkiisa iyo qawlkiisa dabac san, waadigaa

judhiiba indhaha qac, ku siiyay adayse kuu taalaa waxaad ka yeeleyso,

aan kusoo kala jeediyo shaydaankaan idiin waday.

Wuxuu jeedaalinayaa hareerihiisa, wuxuu isku quulaaminayaa sharaabo

kala duduwan, cuntana hadalkeedaba daa, wuxuu isku haystaa inuu figta

sare saaranyahay, markay dadka damiirka lihi qiimeeyaana isagaa ugu

dulaysan, aakhiriyo aduunba aan waxba u dhigan, wadaadada wax u sheeg

is idhaah wuu quudhsada, qunyar qunyar buu arkayaa oo xoolihiisii u

sii baaba’ayaan, xilalkiina laga xayuubinayo.

Haddeer jeebkiisu waa madhanyahay, maamuuskii iyo magacuu lahaana

hawaday raaceen, xoolihii iyo xilalkuu hayay ma jiraan, oo miyuu ku

waarayay? Maya, ilaahii siiyaa imikaba ka qaaday, wuxuu afka ku hayaa,

xabad sigaara wuxuu dib u milicsanayaa waayihiisii hore, iyo siduu

dadka u waxyeelayn jiray, xaaskiisii iyo caruurtiisii waa horay ka

carareen, wuxuu arkayaa aqalkiisii iyo agabkiisii oo lagu dul

xaraashayo, wax calala intaa u huwanyahuu haystaa, waliba deynbaa dib

loogu sii leeyey, maxkamad kasta oo dalka ka jirtaana waa laga rabaa,

cishaba meel buu isku qaadaa isagoo quud ka eegaaya, isagoon waxba ku

jirin ayay laba xoog waaweyni garbaha laalaadiyaan, laamigana afka u

saaraan, wax waydiintii wuu ka rajo beelay, waayo wuu sii ogyahay war

celinta, wuxuu galaa buulyaroo ka dhex qotoma kharaabad dagaaladii

sokeeye ku aafowday, maryahiisa uu kabkabay buul socda ayay u

egaadeen, caruurtuna waxayba ku yidhaahdaan ninka waalan, wuu

doorsoomay wajigiisa hadaad eegtidna isagii aad garanaysayba maaha ,

dadbadani inuu dhintay u haystaan, aniguse inuu damiirkiisu dhintaad

ogahay.

Wuxuu dib u xasuussanayaa, maalin isaga maalmaha uga duwanayd, oy

waalidkii dhalay ay caawimo, ugu soo carareen, isagoo qalbigiisa

naxariis uga baadh baadhayaa, ayuu si dabacsan ugu sheegay

waashmaankii, inuu dibada uga saaro, maalintaasay xaafadoodu tir

tirtay, liiska xaafada ka masaxeen.

Intii uu tusaale u ahaa, ee tilmaamsanaysay, waxay ku baroordiiqaan

geesi naga baxuu ahaa, imika ma hadlo haduuse hadli lahaa wax khayrleh

kumuu hadleen, isagoo meelahaa marmaraya ayay dhagahiisu soo qabteen

maanso uu islahaaba malaha adigaa laguu jeedaa,

Xeerbeegti baa tiri

Kolka aad xabaal gasho

Xaalkaagu meel maro

Xukunkana laguu jaro

Markuu intaas ka dhagaystay ayuu ka cararay waayo wuu ogyahay inta u

xigi lahayd intaas, noloshu waa u gabaabsi, gabalkii u dhacaaba waa u

dhiilo, dhaayahiisu way basaaseen, habeenba wuxuu isku eegaa daroogada

cusub ee magaalada soo gasha, oo tallow muu iibsadaa, mayee wuu xadaa,

maalintii dambe waxaa maydkiisa laga helay luuqku xiga buulkiisa oo uu

ku miyirbeelay halkaasna naftu kaga haaday, Lagana baahiyay war

sidayaasha. Wuu sii tawaawacay ilbidhiqsiyadii ugu dambeysay ee

noloshiisa isagoo leh:

Dharaarti qiyaame mooji

Halkuu rabi ii dhaqaajin

Siraadka halkaan ka dhaafi

Markuu dhididkaygu hooro

Cadeeda lasoo dhaweeyo

Mayl iyo dhudhun lay jirsiiyo

Waraaqaha laysu dhiibo

Mid dhawrsani igu yidhaahdo

Nafeyba camalkaaga dheeho

Maxaan dhahayaa jawaabta?

COMMENTS
LINKS