|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirada Maaliyada Oo Mudo Bil Gudaheeda Kormeerkii Sedexdaad Ku Tagtay Kastamada Abaarso Iyo Kalabaydh.+Dareenada Ku Xeeran
April 24, 2015 - Written by Editor:Wasiirka maaliyada oo xiliyo ku cusub kormeerka dalka ku tagtay kastmada abaarso iyo kala baydhGABILEY(Wajaalenews) Wasiirka wasaarada maaliyada marwo samsam cabdi aadan ayaa kormeerkii sedexaad mudo bil gudaheeda ku tagtay kastamada abaarso iyo kalabaydh kormerka ay joogtaysay wasiir samsam ayaa ah kuwo aan hore loogu arag wasiiradii ka horeeyay ee wasaarada soo maray oo dhamaan tood rag ahaa Marka laga eego xiliga ay kormeerka samayso oo ah xili habeenimo ah
wararka aanu ka helayno dad goobjoog ahaa xiligan ay wasiiradu kormeerka samaysay ayaa noo xaqiijiyay in ay 23 bishan canbaaro 1kowdii habeenimo ay kastamka kalabaydh ka dhextoostay xiligaa oo ay kastamka ka socotay shaqadiisii caadiga ahayd mar kaliya lagu war helay wasiiradii ay weheliyaan dirawalkeeda iyo laba askari oo istaafa, iyo hal qof oo dumara Kormeerkan ayaa layaab ku noqday ganacsatada jaadka,qaad cashuurka halka ay argagax ku noqotay maamulka kastamka, shaqaalaha maaliyada, shaqaalaha laanta ganacsiga iyo booliska ilaalada cashuuraha Halka ay kastamka abaarsona soo gaadhay cabaaro 2 habeenimo xili saacadihii habeenimo intoodii badnayd tagtay saqbadhna ah sas iyo argagaxaa shaqalaha kadib ganacstada xiligaa hawshoodu ka socotay kastamka kalabaydh iyo abaarso iyaa dareeno kala duwan ka bixiyay kormeerka wasiiradda sheeko falanqayn badan laga yeesho iyadoo dad badan kormeeradan wasiiradda ku macneeyeen dadaal dheerraada oo wasiiraddu la timid halka qaar kalena ay ku doodeen kormeero warwar badani ka muuqdo oo ay si xoogan uga warwaryso in ku fashilanto miisaaniyadan ay kala wareegtay wasiirkii hore ee maaliyada Cabdicasiis Maxamed samaale Wasiir samsam ayaa kormeerkeedii ugu horeeyay ku tagtay xili subax hore ah 24/03/2015 maalintaas oo ay ka qaybgalaysay xafladii xilwareejintii maayarka gabiley laba kormeer e danbe ayaa dhamaantood ahaa habeenimo tasi oo dareeno kala duwan ku abuurtay maamulada kastamka iyo guud ahaan bulshada ku dhaqan galbeedka hargaysa Arinta ayaa abuurtay dareeno kala duwan oo ku saabsa safarada wasiirada oo ah kuwo ku cusub wasaarada iyo hoos u dhac xaga dakhliga ah oo laga cabsi qabo kuwaaasi oo maalmihii udanbeeyay la sheegay in guud ahaan dakhligi soo xaroon jiray hoos u dhacay kastamada dalka iyo dakada barbera iyadoo loo aanaynayo dagaalada yemen oo saameyay dekeda barbera kastamada oo iyaguna ay sameeyen wixii dalka soo galayay oo yaraaday sida jaadka wax kala iibsiga magaalo ganacsiyeeda wajaale iyo arimo kale Isku soo wada duuboo waxaa lasugi doonaa dadaalka wasiirada isdul saarka shaqaalaha maaliyada iyo dakhliyaranta guud halka ay caga dhigandoonaan
WAJAALENEWS DESK GABILEY OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|