WAJAALE NEWS

Wasiir Xirsi Iyo Biixi Laba Wasiir Oo Ku Saaxiiba Danta Qaranka , Jawaab Maqaalkii Abdirashiid Saed

Bismilaahi raxmaani raxaiim dhamaan waan idin salaamay shacabkayga somaliland, sidoo kale salaan baan idiin soo dirayaa Warbaahinta madaxa banaan iyo ta maxaligaa ee somaliland, intaasi ka dib waxaan doonayaa inaan ka hadlo maqaal uu soo qoray isku magacaabay Dr Abdirashiid Saed oo sida uu sheegay yidhi waxaan joogaa Cardiff.

Maqaalkaasi lagu baahiyey qaar kamida shabadaha wararka, markii aan akhriyey waxaan aqoonsaday in qoraalkaasi uu qoray qof aan haba yaraatee wax aqoona lahayn magaca uu mesha ugu qoran iyo waxa maskaxdisa ku jiraa anay islahayn, waxaa ii cadaatay inuu yahay jaahil jecel isku dirka iyo qabyaalada, ninkaasi waxaan u sheegayaa saxib waxaad ka qoraalkaaga ku sheegtay oo aad ku turtay oo aad bartilmaameedsatay Wasiir kamida Wasiirada Xukuumada Somaliland adigoo leh wuxuu fara geliyey shaqo wasaarad kale islamarkaana halkaasi ay ka muuqato isku dir labada wasiir oo kala ah Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis .

Labadaa Masuul oo runtii mudan sharaf, ixtiraam baad is tidhi ka dhex abuur isku dir iyo munaaqnimo, waxaan se kuu sheegayaa inay iyagu kaa saaxiibsan yihiin kuna saaxiib yihiin danta qaranka, waxan aad meesha soo mal maluuqday ee is hor iyo daba marsana wax ka jiraa majiraan, hadaad qof islaama tahay oo waliba muwaadina waxan oo kale kaama suurtowdeen inuun baad wax u tudhi lahayd, diin maad xeerin oo munaafaqad baad ka shaqaysay, wadanimo maad xeerin oo laba wasiir baad midna amaantay midna cayday, anigu se waxaan kuu sheegayaa in labaduba wadaan danta qaranka .

Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo umada ilaahayba makhraati ka tahay inuu yahay nin ilaahay ku manastay karti shaqao wanaag, shikhsiyadiisuna tahay mid aad u wanagsan se adoo kale aad tahay dadka aan lahayn mabda,a ee qabiilka iyo cunfiga wax ku doona dadkana ku taageeera, waxaan kugula talin lahaa intaad qof ku taageeri lahayd qablaayad waxaan kaaga fiican adoo ku taageera mabda,a iyo fikir taasaana kaaga wanagsan oo kaaga sharaf badan inaad qabyaalad cid ku raacdo diin ahaan iyo dhaqan ahaana kuuma fiicna, Wasiir Maxamed Biixina waa nin waayo arag ah waan nin habeen iyo maalinba u maqan qaranka somaliland sharaf iyo buu dadka reer somaliland ka mudan yahay.

Markaad aqoontan oo kale sheeganayso waxaa fiican inay ka muuqatao maankaaga iyo garaadkaaga Dr baad sheegatay hadana qoraalkaag kama muuqato aqoonta aad sheegatay qof   aqoon lehina sidaa uma hadlo, xitaa kuwa jaahilkaa ayaan qaarkood sidaa u hadal ee ka xishoodaan waxaad adeegsatay, waxaan ku leeyahay ilaahay ka cabso iska daa xag xagashada iyo cayda madaxda qaranka sida diintu ku tidhi karaamee intaasian ,waa iga dar daaran.

Exit mobile version