|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha JSL OO digreeto madaxweyne dalka Kaga Joojiyey Isticmaalka Bacaha
April 14, 2015 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3178/042015 uu dalka kaga Joojiyey Isticmaalka Bacaha iyo Fayo-dhawrka Deegaanka. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobbada 90aad iyo 18aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Qodobada 68aad iyo 75aad ee Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Xeer Lr.23/2007; Markuu Arkay: Soo jeedinta Guddida Heer Qaran ee Bilicda Magaalooyinka; Markuu Tixgeliyey: Xilka iyo Mas’uuliyadda Dawladda ka saaran ilaalinta fayo-dhawrka deegaanka, bilicda iyo nadaafadda guud ee Magaalooyinka Somaliland; Markuu Garawsaday: In jaangooynta kormeerka iyo wax-ka-qabadka bulaacadaha, Musqulaha iyo goobaha qashin qubka iyo nadaafadda Goobaha Ganacsiga sida Sariibadaha iyo Goobaha Cuntada ay aas-aas u tahay kor u qaadida iyo ilaalinta fayo-dhawrka; Markuu Arkay: Dhibaatada ay Bacdu ku hayso Dhirta, Xoolaha, caafimaadka guud ee Bulshada iyo Bilicda Magaalooyinka Somaliland; Wuxuu Go’aamiyey:
In Dawladaha Hoose iyaga oo fulinayo Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka ay ku ilaaliyaan, kuna kormeeraan Goobaha Ganacsiga iyo Warshadaha in Bacaha u yaalla ay ku dhammeeyaan muddo 120 maalmood, muddadaa wixii ka danbeeyana ay ku dedaalaan wixii beddeli lahaa Bacaha.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|