WAJAALE NEWS

Madaxtooyadeenu Ma Waxay Miciin Bidday Macmalka Waraaqaha ?

fiirsi looma qorin farshaxanimo ha joogtee waxase ciirsi la biday

Hargeysa (Wajaalenews)-Garasho iyo aqoon laguma gudbin warqadaa been abuurka ah ee baraha bulshadu ku xidhiidho dhex meeraysay maalmahan u danbeeyay , fiirsi looma qorin farshaxanimo ha joogtee waxase ciirsi la biday oo ka muuqatay mal-maluuq maanku diidayo. Iyaba waa cibaare waxa ka sii fajac badan warbaahinta baal martay milgihii saxaafadda ee iyagoo ku doorsaday dagsiimo maalin ah oo aan meel gaadhayn kuna xardhay bogagooga. Dadku garte oo dubaaqooga ayay ka keeneen in dulucda loo sameeyay been abuurkani salka ku hayay xukuumadeena oo quudaraysanaysay in goobtaa iyo golahaa madaxda adduunka la isugu keenay iyaga loogu yeedho waxaanay galgalashadii gaadhay in lagu muraaradilaaco waraaq lagu qoray kadle orod aan lala sugin fadhi iyo fiirsasho.

Sideedaba dadnimada sugan iyo damiirka xalani marnaba kuma fikiro been abuur iyo boorobagaando waana mid ka reeban mucaarid iyo muxaafidba waxaanay beentu sii xuntay marka ay ka soo fulayso cidii bulshada masuulka u ahayd iyadoo waxa laga sugayo iyo waxa loo igmaday ay ka culays iyo baaxad weyn yihiin waxa ay ku mashquushay iyo waxa ay dhaadaysaba. Waxaana inay mar walba madaxtooyadeenu inay xasuusato mudan guusha iyo galbiskuba inay samada ka soo fulaan oo aan waraaq iyo wax kale oo la walaaqaaba weecin Karin wuxuu Weyne qoray.

Horeba garaadsan iyo garasho tolmoon ugu gorfayse warqaadan waxaanad markiiba dhadhansateen in qaabka loo qoray iyo luuqada la jajabshay aanay ahayn maanka masuulka lagu maagayo masaladuna ahayn waxa lagu qoray balse falsafadda loo macmalay ay tahay uun meeqaamka sare ee Cirro gaadhay in lagu nusqaamiyo iyadoo xukuumadeenu la tiicayso tabaalaha iyo dayawga kaga yimid dawyadii iyo dariiqyadii adduunka.

Xukuumadeen waxay ilawday inaan ceeb godahaaga taal cid kale loo wareejin Karin waxaanay indhaha ka qarsanaysaa in bulshadu ogtahay waxa wada hadalada aan cagaha adag ku taagnayn loo galay tahay dhadhamo raac iyo dheemaal lulasho lagu ilaaway masiirkii bulshadani gaadhka ka hayso , waxaanay taasi xukuumadu ka dhaxashay in maanta mugdi la galiyo awoodooda iyo dalkoogaba isla markaana loogu hanjabo in dhadhamada laga jari doono haday hadalka badiyaan. Cirro sabab uu muqdisho ula hadlaa ma taallo waayo wuxuu u sharaxan yahay waa badbaadada bulshada ay naafaysay xukuumadu waxaanu gudoomiye cirro si cad u arkaa qaladka xukuumadu gashay isagoo taa badalkeega ku hawlan siduu u sixi lahaa.

 

Qormadan gaaban waxaan kusoo koobayaa dhawr qodob oo tallo ah.

 

1: Xukuumada waxaan leeyahay cid kale ha la doonina ceebtiina ee dalkii iyo dadkii midka ahaa ee la idinku wareejiyay inaad sidiisii ku wareejisaan ka fikira.

 

2: Waxay masuuliyadi idinka saraan tahay mudada yar ee idiin hadhay inaad dhawrtaan milgaha iyo anshaxa siyaasada oo aydaan ka tagin naanays aad hadhaw qoomaysaan.

 

3: Waxaad si weyn u ogsoonaataan inaan bulshadu siday shalay idiin ahayd maanta idiin ahayn codkii iyo saaxadii la idinku badalayna wali ay jirto.

 

4: Waxaad maankiina galisaan in dhalinta wadanku baraarugtay diyaarna ay u tahay in aanay baylahdiina sii eegin balse ay badalka idiin diyaariso.

 

5: Saxaafada intooda toobiyaha ka baydhansan waxaan leeyahay hadaad xisaabta ifka ilawdeen ta aakhirana ha ilaabin .

 

6: Saxaafada waxa looga baahan yahay in ay wax walba ka horaysiiso wadaniyada iyo dhiirigalinta bulshada.

 

7: Saxaafada waxa looga baahan yahay inaanay siyaasiyiinta kala jeclaanin waayo waxay la shaqaynayaan hadba waa kii yimaada.

 

8: Saxaafada waxa looga baahan yahay inay dhaliisha iyo tilmaamtaba aanay cid u daba fadhiisan balse ay u shaqeeyaan dalkooga iyo dadkoogaba.

 

Af-hayeenka Dhallinyarada Xisbiga Waddani

 

Maxamed sadiiq

Exit mobile version