WAJAALE NEWS

Halista Biraha Isgaadhsiinta Iyo Telefonada Gacanta?

Ganacsigan siloonka ah, rag buu Saaray Heegadae.

Qashin saydh ayaan ahay u wadhan sayladaha JAYNE iyo reer YURUBE.

Waa Qorme Taxana ah oo aynu kaga hadli doona dhowr arimood oo ay kamid yihiin khatarta biraha iyo telifonada gacanta,

Waxaynu ka hadli doonaa arin laga yaabe inay gacantaada ku jirto waana walaxda loo yaqaano telefonka-gacanta (Xidhiidhka telefoonada aan xadhkuhu dhulka ugu xidhnayn ee loo yaqaano afka qalaad mobile) oo sanadadan danbe soo maray marxalado kala duwan, sida muuqaalka hoose aad ku aragtaan waxa uu ahaa kuwo noocyada uu yahay ay kala duwan yihiin isla markaasina horumar fiican laga gaadhay isticmaalkiisa iyo soosaaristiisaba oo maalinba maalinta ka danbaysa la sii hormarinayo noocyadiisa kala duwan, iyagoo ay ku tartamayaan shirkado. Shirkadahaas oo ku yaala wadamada hore u maray ee ka faa’iidaysta awoodaha ILLAAHAY ina siiyey ee aynu

dayacnay inagu, iyaga oo maalgashanaya maskaxaha dadka aqoonta u leh waxsoosaarkooda kana faadiidaysanaya fikradaha ka soomaaxanaaya shaqaalahooda kala duwan oo had iyo jeer ku foogan cilmi baadhis ku taxaluqda siday u soo saarilahaayeen mobile qaab cusub leh oo indhaha dadka soo jiita, tayo fiicn leh, wakhtigii loogu talagalayna soo saaraya, qiimo jaban oo dadka raaligaya, iyaga oo eegaya furayaasha guusha shirkadooda sida ugu macquulsan ee macmiishooda ku kasban karaan ayna uga iibinlahaayeen waxsoosaarkooda iyaga oo kula tartamaya suuqa shirkado kale. Shirkadahaasi waxay leeyihiin waaxyo kaantaroola wixii dhib ah ee ay gaadhsiinayaan qofka bini-aadmiga ah iyo deegaanka ay ku noolyihiin saamaynta uu ku yeelankarto ama qoraalo ayay ku soo lifaaqaan dhibtiisa oo dhan iyo sida loo isticmaalayo, iyaga oo u hogaansan sharciga wadankooda u yaalaa nidaamka uu farayo.

Hadaba Telefonka Gacanta waxaa laga gaadhay horumar fiican oo dhinacyo badan taabanaya oo ka ugu mihiimsani yahay hadalka. Telefoonada gacantu waxay suurto galiyaan inaad maqasho qof kaa durugsan codkiisa, qoraalkiisa iyo muuqaalkiisaba waliba adiga oo foolka fool aad isku daawankartaan muuqaalkiina indinka oo kala jooga laba qaaradood ama laba wadan.

Telefonka gacanta waxa uu leeyahay faa’iidooyin badan oon halkan aanan ku soo koobikarin.

Hadaba waxay iswaydiintu tahay waxyeelo ma leeyahay Telefonka gacantu waxaa soo hawla kuu dhibyareeyey?   Haaaaaaaaaaa wuu leeyahay telefonku, sababtoo ah Telefoonka gacantu waa mid qalabkale ay u soo laliyaan codka, qoraalada iyo muuqaalada iyo hadba waxyaalaha kale ee la iskugu dirayo.

Markii hore dunida waa loo riyaaqay 100% laakiin imika waxaa bilaabay dildilaac tilmaamaya dhibaatooyinka caafimaad ee dhinaca maskaxda ah oo uu sababayo mobileka marka aad dhagta saarayo ee aad isticmaalayso falaadhaha shocaaca ah ee birta dheer ee samada ku laalani ku soo ganayso.

Waxaynu u gudagali doonaa oo aynu ku qaadaadhigi doonaa inaga oo soo bandhigayna musawirka dhabta ah ee shocaaca ay bixiyaan telefoonada gacanta iyo biraha suurta galiya isku xidhka telefoonada-gacanta hadaba birtani (Tawarkani) waxay si sahalan u suurto galisaa inaad maqasho qof kaa durugsan codkiisa, qoraalkiisa iyo muuqaalkiisa. Hadaba waa maxay waxa dhaca inta u dhaxaysa birta dheer ee samada iyadu ku laalan (Tawarka) iyo Mobilekaaga gacanta aad ku hayso ee aad boga ku haysatid oo laga yaabo inaad weheshanaysidba?

LASOCO

BY ABDIRISAAK MUUSE HASSAN

TELL: 00252 63 4420838

 

Exit mobile version