WAJAALE NEWS

Golaha Guurtida Waxaanu Leenahay Cimri tagay Ceeblaguma Sagootiyo

Xukuumada madaxweyne Siilaanyo way dhamaysatay waqtigii shanta sano ahaa waxayna udhamaanaysaa 26 jun 2015. Komishanka doorashooyinku waxay soo sareen timeline ama waqtiga ugu haboon ee doorasho lagu qaban karo iyagoo shaaca ka qaaday in 1 jun 2016 doorashada laqaban karo.

Xukuumada Siilaanyo laguma aamini karo sanadka kordhay mana ku haboona xukuumada Siilaanyo inay Sanadkaa meesha sii fadhido waayo waxay ku guul daraysteen dalka inay doorashadii madaxtooyadu ka dhacdo waqtigii loo asteeyey oo ku beegan juun sanadkan. Xukuumadu waxay noqotay tii ugu musuqa badnayd ee abid soo marta J. Somaliland waxay iibiyeen afar boqol oo guri oo dowladu lahayd waxay xaraasheen dhamaan dhulkii banaanaa ee dalku laha iyo warshadihii laydhka ee Barbara iyo Hargeisa hadana dekadii dilaal gacanta kuhayo.

Waxayna ku faanayaan 17 guri oo xukuumadu dhisatay halka ay ka cuneen 400 oo guri iyo dhulkii waxay ku faanaan inay waxqabteen lakiin labadii meelood ee ugu daraa nolosha bulshada waxba kamay qaban oo kala ah

1 Biyihii dalka oo boqolkiiba% 90 wadanka lagu biyo laayahay waxana ugu daran caasimada Hargeisa

2 Laydhka wadanka oo ah ka aduunka ugu qaalisan iyadoo halkay dowladu wax ka qaban lahayd baahida laydhka ay iibisay xukuumadu warshadihii laydhka iyadoo ganacsato ku wareejisay si shacabka loogu qaali gareeyo gaar ahaan warshadii laydhka ee Barbara oo ah meesha wadanka ugu kulul laydhkana loogu baahi badanyahay.

Waxaanu ugu baaqaynaa golaha guurtida inaanay wax mudo kordhin ah u samaynin xukuumada faashilka, ah ee Siilaanyo sidaa ha inagu dhaaftee maanta golaha guurtidu waa inay shacabkooda u hiilayaan markii koowaad oo ay iska ilaabaan lacagta lagu quudhsanayo ee laaluuska loo siinaayo iyagoo ah caqligii dalka iyo dadka ka fikira aayaha caruurta aad awawga u tihiin oo mustaqbalkooda haku ciyaarina.

Allaah mahadleh

Abdiqani Salaf (Kaptanka)

Exit mobile version