AKHRI;GABAY BAROOR-DIIQ DIIRIYE BOOBE YUSUF DUCAALE – Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
AKHRI;GABAY BAROOR-DIIQ DIIRIYE BOOBE YUSUF DUCAALE – Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile
April 12, 2015 - Written by Editor:

GABAY DUCO BAROOR-DIIQ

Magaca: Buhaankii lawada raacsanaa

Gabaygan waxaa tiriyey Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile oo ugu baroor-diiqaya marxuum Diiriye oo Boobe yuusuf ducaale aabo u ahaa, kuna geeriyooday magaaladda Djibouti oo caafimaad loogeyey, taariikhda 28/3/2015ka.

  1. Bogga fayska-buug goor dhexgalay, aniga oo booqday
  2. Bilowgii ogaalkay badqabid, naxay war kaa baase
  3. Baarrigii ilaah oofsadiyo, beerki kugu yaaley
  4. Boobow adduun belo jirtaan, ruuxna baal marine
  5. Amba baarax uma ladin hurdada, maalintu baxaye
  6. Si uun bay barkimodii ahayd, soo baraarugiye
  7. Si uun baan bullaalow ahaa, baahsan oo wadhane
  8. Si uun baan cabdow baal u qoyey, balaf anoo mooday
  9. Boobe oo safaarigi xidhna, ma i bildhaamaayey!
  10. Xusuusta qalbigu soo burqaday, belel dareenkayga
  11. Ba’da gabay bisinka aan cuskaday, ducada oo buuran
  12. Baroor-diiq tacsidan aan baxshiyo, beladan loo joogo
  13. Baxsan hooyadiisii jeclayd, samirka waa beere
  14. Barbaartana intaa nool ilaah, beri ha noo daayo
  15. Cawil khayr leh rabbow noo bedela, nagu bannaanaaye
  16. Buuggiyo qoraalkaan arkaba, boobe sumadiisa
  17. Sow boos qalbiga aan ka dhigo, iguma biiraayo
  18. Barbaartuna sidoo kale ayay, tahay bahdaydiiye
  19. Adna beydadkaad marisay baa, boog isii qodaye
  20. Goortaan xusuustaba boggay, talo miyeey baahday
  21. Bariidiyo xidhiidhki bulshadda, boholyow saaxiibo
  22. Buhaankii lawada raacsana, baaxaddii maqane
  23. Diiriyana barwaaqada ilaah, waa bustaan gudhine
  24. Badhtankii jannada midho ku yaal, toggaga oo buuxa
  25. Yaa baari qabrigii u nuur, deeq adaa bixine
  26. Baryadaada kama caajisnee, waa bushaarada e
  27. Barkhad iyo wanaag lagu galbiye, barakadii eebbe
  28. Caalaamka barsaqa caadilkeen, kugu badhaadhsiiye
  29. Adiga oo gugaagii badnayn , mawdkan kula booday
  30. Adduun bilicdi way gaaban tee, aakhiro badbaado

 

Alle ha u naxariisto, Aamin aamin

INAA LILAAHI WA INAA ILAAHU RAAJICUUN

 

COMMENTS
LINKS