Xisbiyada Qaranka Oo Soo Bandhigay Aragtidooda Ku Aaddan Mudadda Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Loo Ballamay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiyada Qaranka Oo Soo Bandhigay Aragtidooda Ku Aaddan Mudadda Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Loo Ballamay
March 9, 2015 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews)-Xisbiyada Somaliland Kulmiye, Ucid iyo Waddani, ayaa aragtiyo isku dhaw kaga jawaabay Muddaynta Diiwaangelinta Codbixiya-yaasha, iyadoo xisbiyada Mucaaridku ku gacansaydheen inay doorashadu dib u dhacdo.

Hoggaanka Xisbiyada qaranka oo maanta ku sugnaa Xaruntii lagaga dhawaaqeyey mudada diiwaangelinta, ayaa muujiyey inay taageersan yihiin in dalka diiwaangelini ka dhacdo, balse Labada Xisbi Mucaarid, ayaa carrabka ku dhuftay inaanay diyaar u ahayn in doorashadu dib u dhacdo.

Ugu Horrayn Naasir Qodax oo Katirsan Saraakiisha Xisbiga Ucid, ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo qabashada Diiwaangelinta Codbixiyayaasha, isagoo carrabka ku adkeeyey inaanay saamayn ku yeelan doonin mawqifkii ay hore uga qaateen Dib u dhaca Doorashada Wixii ka dambeeya Muddo-xileedka Madaxweynaha oo ku eg 26-ka Bisha June ee Soo Socota,“Naasir Qodax, Runtii waanu la qaadanay waanu ku kalsoonahay, waxana aanu usoo jeedinaynaa inaanu wakhtigaas isla dhamayno oo sidii uu u qabsoomi lahaa iyo sidii ay u hirgeli lahaayeen aanu falawgeed qabanno, Arrinta 26-Ka June hore ayaanu mawqif uga qaadanay oo waxba iskamay beddelin, wixii aanu ka yeeli lahayn waanagii Guddida u saarnay labadayada xisbi.”ayuu yidhi Naasir Qodax.

Cabdirashiid Riya-raac oo ah Sarkaal katirsan Xisbiga Waddani, ayaa isaga laftiisu muujiyey inay soo dhaweynayaa hirgelinta Diiwaangelinta, isagoo carrabka ku adkeeyey In talo qaran la iskugu iman doono wixii Ka Dambeeya Muddo-xileedka Madaxweynaha, waxana uu yidhi, “Doorashadu maanta dib umay dhicine horaa dib loogu riday, qarankuna ma aha Komishanka 26-ka June Talo qaran baa u taalla Haddii Doorasho dhici waydo, Markaa Cid Doorashada gaadhsiisa ayuu dalku yeelanayaa.”

Jaamac Shabeel oo isaguna ku Hadlayey Afka Xisbiga Kulmiye, ayaa sheegay in qorshahaasi yahay mid raalli laga wada Yahay, waxana uu xusay in xagga ilaahay ay Doorashadu dib uga dhacday,

“qorshahaas Diiwaangelinta Codbixiyayaasha waa la isla qaatay, Doorashadana ilaahay baa dib uriday, laakiin annagu saacadii la yidhaahdo doorashaba diyaar baanu nahay.” Ayuu yidhi Jaamac Shabeel.

Hadalka Saddexda Xisbi-qaran ayaa imanaya xilli maanta Komsihanka Doorashooyinka Somaliland iclaamiyeen inay muddo Sagaal bilood Gudahood ah ku qaban doonaan Diiwaangelin, iyagoo iska diiday inay ka Hadlaan Wax Doorasho ah.

 

 

COMMENTS
LINKS