WAJAALE NEWS

Waxa Xilalka Orodka Luugu Jiraa waa Sidii Loo Cuni Lahaa Xoolaha Ummadda Iyo cashuurta Yar Ee ka soo baxaysa Shicibka miskiinka ah

Markuu dhintay Abo baker Al sidiiq naxariis korkiisa ha ahaatee ayaa asxaabtii u garatay Cumar Binu Al Khataab (N.K.H.A) inuu noqdo Amiir Al Muminiinka wuu diiday oo uu ka galgashay isaga oo leh waryaadheeheen ridda ama neefka xoolaha ee kuffa ee ku jabba sham “waa intan imika ah Suuriya, Lubnaan, Falastiin iyo Joordan la isku yidhaahdo” neefkaas Saw yuumal qiyaamaha la iweydiin maayo oo la i odhan maayo waddo siman maxaad ugu sameen wayday Cumarow.

Bal Sheekadan u fiirsada xaalkeena maantana eega wakaaf iyo kala dheeri eega sida xilalka loogu ordaayo, waxa loo tartamaya waa xoolaha umadda, waa cashuurta ka soo baxaysa shicibka miskiinka ah oo ay qaar dirqi ku ah hadda cashuurtaas tartami maayo sidii dadka iyo dadka loo horumarin lahaa ee waxa loo dig iyo dam leeyahay waa sidii inta xilka la hayo lacagta loo cuni lahaa, guri looga dhisan lahaa, gaadhi looga iibsan lahaa, caruurta iskuulada ugu qaalisan loo gelin lahaa ka bacdina loo dhoofin lahaa.

Waxa u sii dheer ku takri falka shidaalka loogu tallagalay hawlaha wasaaradaha oo asxaabta, qaraabada, xididka iyo qofkii beri dayn ku lahaa iyo qaadka uu u qaadayo dadka shaxaad tagga ahaa ee uu ku deeq baranayo inaas uu xilka hayo.

Madaxweyne waxaas aan soo sheegay waa shay dadku ay dhaqan ka dhigteen amaba itooda badan ay caadi ay u arkaan laakiin adigu uma aragtid sida ay ila tahay waayo markaad xilka aad qabatay waa adigii magacaabay Guddiga Musuqmaasuqa waayo dadkana waa taqaan mas’uuliyada ku saaranna waad fahansan tahay ku saaranna waad fahansan tahay ee Mudane Madaxweyne mudadii aad haysay xilka ma kula tahay inay xukuumadaadu ka nasi han tahay musuqmaasuq?

Hubaal jawaabtu waa maya, maraa maxay ku dhacday mudadaa 4ta sanno ka badan in G. Musuqmaasuqa ee aad magacawday in aanu wasiir, agaasime guud, agaasime lacageed ama lacag haye ay ku soo qaban waayeen oo lama sharciga ay hor keeni waayeen qof lagu qabtay xaditooye ama lunsi hanta qaran?

Ma guddiga ayaan dhaarsaneen ma tayadooda iyo aqoontooda aan gaadhsiisneen in qabtaan farsamooyinka wax lagu xadayo? Ma iyaga ayaa laaluush qaatayaala?

Ee Mudane Madaxweyne bal su’aalahan iswaydii inta aan lagu weydiin maalinta qiyaamaha walaahi shanta boqol ee shillin ee la lunsaday waa lagu weydiin doona ee danbiga ay walaaqanayaan oo talaabooyinka horumarka aad u horseeday ku dar tallaabadan oo “Guddigan ka dhig mid Active ah, horumarkan afar laabkiiba la gaadhayaa oo Wallaahiya Wa bilaahi Al tawfiiq.

Axmed Max’ed Maxamuud Jaarle

4411066

Exit mobile version