WAR Deg Dega; Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Cukuse Oo la Filayo In Uu Iscasilayo Iyo Fadeexadaha Dul Hoganaya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WAR Deg Dega; Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Cukuse Oo la Filayo In Uu Iscasilayo Iyo Fadeexadaha Dul Hoganaya
March 16, 2015 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews) Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo dhanka somaliland Cabdilaahi Daahir Cukuse oo maalmihii udanbeeyay uu khilaaf xoogani ka dhaxeeyay shaqaalaha wasaarada warfaafinta ismarkaana ay ku eedaynayeen musuqmaasuq iyo kala qaybin shaqaalaha qaarkamida hawl wadenada wasaardu iska casileen halka qarkale u balan san yihiin in ay maalmahan soo socda is casilaan Wasiir cukuse ayaa markuu garowsaday cabashadii shaqaalaha islamarkaana ogaaday meeqaamka siyaasadeed ee saaxiibadiisii shalay,

Wararka xogogaala oo aan caawa helayno ayaa sheegaya in wasiir cukuse moran iyo khilaaf xoogan oo caawa ku dhexmaray madaxtooyada xubno ka tirsan qoyska madaxwayne siilaanyo ee talada saamaynta ku leh ayaa tibaaxaya in warqada iscasilaada usoo gudbiyay madaxwayne siilaanyo isagoo wacad ku maray in aanu xilka sii haydoonin.

Xukuumada siilaanyo ayaa mudooyinkii udanbeeyay waxaa fadeexad wayni ka raacday wasaarada warfaafinta oo noqotay meel ay saamaysay qabyalad iyo musuq ku salaysan mushaharka shaqalaha oo la caadaystay in mushaharkooda la cuno,

si kastaba ha ahaateed iscasilada wasiir cukuse ayaa hadii ay noqoto dhab waxa la filayaan in wasaarada warfaafintu mudo sii shaqayn doonto. Wasiir cukuse uu noqon doono wasiirkii sedexaad ee mudo sedex week Gudahood isku casila

COMMENTS
LINKS