Isbedelada dhaqan-dhaqaale iyo horumarined ee dunida ka dhaca guud ahaan ama gaar ahaan dalalba, in wax laga tilmaamo lana taxliiliyo isbar-bardhigna lasameeyaa umadana loosoo bandhigo waa lagama maarman muhiimadeeda ayayna leedahay. Warbaahinta kala duwana waa mid ay xili kasaaran tahay.
Haddaba, warbaahinta HALSAN MEDIA GROUP waxay halkan idiin kusoo gudbinaysaa qisooyin xusid mudan oo dalkeena ka dhacay . bal dib iila milicsada 23sanno ka hor arintii ka dhacday Qasriga looga talinayey Jamhuuriyada Somaliland oo ah Madaxtooyada hadda dalka laga maamulo. Waa axdigii xukuunaddii uu Madaxweynaha ka ahaa (AHN ) Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali, ku-xigeena uu ka ahaa Muj; Xasan Ciise Jaamac. waxaa dhacay maalin ka mid ahayd muddadaa aynu sare kusoo xusnay. Akhristayaal, aan ka yara horeey siiyo intaanan qisadan u galin waxogaa guud mar ah oo ku aadan Xukuumadii wakhtigaa. May 1991 ayaa lagu doortay Shirwaynihii Beelaha Somaliland ee Burco ee lagaga dhawaaqay gooni isutaaga Somaliland iyadda oo la doortay muddo laba sanno ah. Xukuumadaasi waxay hirgalisay in dadku ku midoobo dawlad Somaliland ah , ha noqdaan dadkii halganka iyo kuwii kasoo horjeedayba. Waxay isku keentay beelihii Somaliland oo dhan si qaran cusub loo yagleelo, waxay ka hortagtay wakhtiyadda inay dhacdo wax aargoosi layidhaa taas oo aynu manta midheheedii hayno .inkasta oo habsami u socodkii maamulkii wakhtigaa ay saamayn ku yeelatay kala qaybsanaantii ururkii SNM . haddaba, aan hore usii socda, oo aynu usii dhawaana ujeedada qoraalkaygan iyo qisadii wakhtigaa dhacday. Maalin maalmahaa kamid ahayd ayaa waxaa Qasriga Madaxtooada kasoo baxay Madaxweyne xigeenkii wakhtigaa oo markaa ahaa ku-sime Madaxweyne Maadaama oo Madaxweynihii dalkuna uu Dibeda kusii maqnaa, ayaa waxa uu usoo jarmaaday dhinaca suuqa , markuu saacado sii maqnaa ayaa waxaa yimid wafti balaadhan oo dibeda ka yimid , waxay ku ciirtay masuuliyiintii Madaxtooyada waxaan ku adkaatay inay helaan meel ay ugu hagaagaan wayna jahawareereen, illeen wakhtigaa madaxweynaha iyo kuxigeenkuba iyaga oo kali kali ah ayay suuqa isaga soo bixi jireen oo may jirin baabuur iyo illaalo badan oo daba yaacdaaye; intaa kadib, waxaa suuqa usoo baxay kooxo hawlwadeenadii Madaxtooyada ka tirsanaa oo baadi-doon ah waxaa laga raadinaayey meelihii uu fadhiisan jirey , saacado badan aya la raadinaayey oo meel walba laga eegay , waar Madaxweyne xigeenkii ma aragteen iyo waakii mar dhaweyd halkan lugaynaayey, waar idinku ma aragteen ? iyo maya….! Goor aan goor ahayn ayaa lagasoo helay meel agagaarka hotelka Hadhwanaag issaga oo lafadhiya odayaal ay isku SNM ahaayeen iyaga oo ku gudajiry bahal sheeko ah oo kusaabsan Dagaaladii halganka. “Waar Madaxweyne xigeen waftibaa kuu yimid oo intaas oo saacadood kusugaayey anaguna meel walba waanu kaa eegnay” sidaas waxa yidhi mid kamid ah ragaa baadi-goobka madaxweyne ku hawlanaa. halkii bay iska raaceen illaa madaxtooyadii si uu ulakulmo Waftigii yimid dalka.
Haddaba, waxaa lagayaabaa akhristayaal inaad isweydiisaan miyaan la ogayn waftida dalka imanaayey. Balse jawaabtu waxa weeyi ; isgaadhsiin la iskula soo xidhiidhaaba ma jirin. Cida telofoon u baahata waxay u safri jirtay Jigjiga iyo Djibouti. Intii aan macluumadka maqaalkaygan aan ku guda jiray ayaan waxaan la kulmay nin ii sheegay inuu Djibouti u tagay telefoon. Oo markuu gaadhay halkaa nin kamid ah dadkii uu ku dagay waydiiyey “ Maxaad u timid halka(Djibouti)” waxaan ugu jawaabay ayuu yidhi “ Tel aan dibeda kula hadlo ayaan u imid” dankale maan lahayne!
Gabagabdii, waxaa xusid mudan Maamulka iyo hawlwadeenada SHIRKADA TELESOM ee Inaga haqabtiray Baahiyaha isgaadhsiinta casriga ah iyo waliba tiro aad u badan “features” oo lagama maar maan u ah isgaadhsiinta casriga ah. In la bogaadiyo ayay dhab ahaan mudan yihin, waxaana marka hore Mahada aynu u celinaynaa ALLE (SW) marka xigtana Khuburada hogaanka u haysa shirkada TELESOM oo koobsaday aqoonta qaybeheeda kala duwan mid maamul iyo mid farsamo intaba. Marlabaad waxaan leeyahay waad mahadsantihiin Umada iyo dalkana waxaad u qabateen iyo sidaad adeegyadiina kala duwan uga haqabtirteen abaalkeeda waa la idiin hayaa. Dawlad kasta oo dalka ka talisa mida joogta iyo kuwa iman doonana waxaan leeyahay hala dhiiri galiyo, wixii caqabado ku yimaadana halaga qaado. Waxaa kale oo iyana xusid mudan SHIRKADA SOMTEL oo sanadihii u dambeeyey dalka ka hirgashay adeegyo badan oo muhiimana dalka kusoo kordhisay.
Cabdirasaaq Askar
Halsan Media Group
Hargeysa , Somaliland