WAJAALE NEWS

Madaxweyne,Waxaan Kaa Codsanayaa Inaanad Cidna Ii Sheegin” Sheeko Gaaban- W/Q: Muj. Cali Xaraaro

Beri baa,Maxamed Siyaad Barre oo baddu liqeyso ayaa waxa ka soo saaray oo bad baadiyey nin ka kaluumey sanayey meel wax yar u jirtey, markuu xeebta keeney ee uu ka sii daayey biyhii badda ee uu cabey ayuu dhabarka u jiifiyey inyar ka dib ayuu Siyaad Barre soo fadhiistey, dabeeto ninkii ka soo saaray badda ayuu ku yidhi; Jaalle nin fiican ayaad tahay, qarankii Soomaaliyeed ayaad bad baadisey markaa hada sheeg waxaad jeceshahay oo aan kuu qabto.

Ninkii ayaa uugu jawaabey; adigii ayaa liitee orodoo waxaad cunto dadkaa sii weydiiso, ka dibna Siyaad Barre oo ka cadhooday hadalka uu ku yidhi ninku, ayaa soo kacay oo ninkii ku yidhi; Jaalle aniga ima kaseysid miyaa? anigu waxaan ahay jaale Maxamed Siyaad Barre.

Markaasuu ninki u soo dhawaadey wejigiisiina aad uugu fiirsaday, dabeeto inuu isaga laftiisii yahay ayuu xaqiiqsaday waxaanu ku yidhi; Jaalle Madax weyne hal wax ayaan kaa codsanayaa dadka ha u sheegin inaan anigu ahay qofkii badda kaa soo bad baadiyey.

Intaas hadaan ka gudbo Maalintii dhaweyd ee Axmed Siilaanyo ku leexday Cusbataalka guud ee magaaladda Hargeysa, markuu dhex marayey waadhadhka raga xanuun sanaya, mid ka mid ahaa kuwii ayaa arkay nin ay Axmed aad iskugu fiicnaayeen xiligii uu macaaridka ahaa ka dibna intuu Axmed Siilaanyo dhegta u saaray ayuu ku yidhi “waa ninkii hebel ee berigii aynu mucaaridka ahayn inala socdey”, dabeeto ayaa ninkii bukaanka ahaa ku leexdey, kuna yidhi; iska waran maxaad cid iigu soo diri weydey”, markaasuu ninkii bukaanka ahaa soo sara fadhiistey, kuna yidhi Axmed siilaanyo; “Afar sanno ayaa iigu dhamaaday sidaan albaab kaaga u hor taagnaa oo sedex bilood ka hor ayaan ku dhacay,dabeeto inta la iga soo qaaday anigoo aad u liita halkan la isoo digey, waa Alla mahadii hadaba intaanay ogaanin bukaanka iyo kuwa la joogaaba inaan ka mid ahaa kuwii madax weynaha kaa dhigey xaga hore ii dhaaf waayo wey i dilayaan ama debeda ayey ii tuurayaan, halkuu xaal marayana kama war hayside iska soco cidna ha ii sheegin intaas ayaan kaa codsanayaa” buu ninkii bukaanka ahaa ku yidhi Axmed Siilaanyo.

 

Mujaahid Cali Cismaan Libaax (Cali Xaraare)

Hargeysa…….Somaliland

Exit mobile version