Jiritaanka nolosha aadamiga waxa asaas u ah is qadarinta dhexdooda waxaana jacaylka nolosha udub dhexaad u ah is dhagaysiga, isu tanaasulka, is cafinta, is ka warhaynta xaaladahooga nololeed iyo in niyad wanaag mar walba lagu waaro.Hadab waxaan halkan idinkula wadaagayaa qormo ka duwan intaas aan kor ku xusay.
Goor ku beegan abaaro 10:30 subaxnimo ayaan soo fadhiistey barxadda makhaayad aad u camiran oo shaaha laga cabo. Dadku dhamaantood way wada hadlayeen hadana way is maqlayeen. Muu jirin qof kaliya ood tidhaahdo kaasi ayaa ah kii sheekaynayey, islamarkaa muu jirin qof kale ood tidhaahdo kan ayaa ah ka loo sheekaynayo. Inamada shaaha sida may ku waydiineyn dalabkaaga balse waxey donaan ayey kuu dhigayeen, shaah, coffee ama xanshar kolba waa kii lagu dhigo. Ku kale oo isna shaqaalaha ka’mida ayaa biyo qubqubanaya badhna kugu daadinayey badhka soo hadheyna hortaada dhigayey.
Tarayga shaaha lagu qaado, waxa ka da’ayey qoyaan, qoyaankaasi markuu dhacaba qofbuu ku dhacayey, dadka qaar ma dareemayn waxa ku daatey iyo wax kale toona halka qaarkoodna ay kadaba tuurayeen erey’yo cay ah. Xataa ka caytamaa caydaa kadib biyo yar ayuu ku dhibqinayey meesha wasakhdu kaga dhacdey wuuna iska aamusayey. Kii tarayga daloola ee qoyaanku ka da’ayo meesha la dhexmarayey ee isaga la caayey wuxuu u haysta in ninka caytamayaa dalab dhiibanayo wuxuuna mid kale oo shaah qaada ku sii leeyahay halkaa shaah dhig. ” Halkee” waxa sidaa ku jawaabey kii kale “waar odeygaa xun ee wada qaylada ah shaaha naga sii” ayuu hadan ku celiyey kii caydiisa dalabka la moodayey “naw!” waa xaaraamigii idaacada ahaaye, anaa siine iska daa” waxa sidaa yidhi shaah qaadihii kale.
Waxaan isweydiiyey xageed joogtaa!! Hadana waxaan nafta u sheegey in aan fadhiyo makhaayad shaaha laga cabo. Shaahi la ii dhigey ayaan laba jeer kabadey. Dhadhankiisu wuxuu I xasuusiyey bahal aan caruurnimadii ka cuni jirey iskuulada hortooda oo dumar samayn jireen. Magaciisi ayey maskaxdu hore usoo qaban waydey mar danbe oo maskaxda uu cabaar dhex wareegey sawir u muuqdey dareere cas oo isjiid jiidanaya ayaa xasuustaasi ku dhamaatey malashaan haa wuxuu ahaa malashaan. Waxaan is waydiiyey sida ay isu maqlayaan ama isu fahmayaan dad dhamaantood wada sheekaynaya hadan waxaan isku qanciyey in aadamuhu si sahlan ula qabsado dabeecadaha cusub hadii uu in mudo ah ku dhex noolaado.
Waxaan go’aansadey in aan hore meesha ugu baxo. Lakiin inta aanan kicin ayaa waxa makhaayada horteedii soo marey dhawr gaadhi oo aayar socda oo laydhka bidhbidhaha ridaya. Gaadhiga labaaad wuxuu ahaa iskarogo dad badani dusha ka saaranyihiin waxeyna ku dhawaaqayeen “haadaa xaqu lahaa xaqu daa’imu laah”. Waxaan xaqiiqsadey iney tahey geeri waxaan idhi “inaal illaahu wa inaa ileyhi raajicuun, allah ha u naxariisto”. Mid aygtayda fadhiyey oo isku kabanaya qiiqa sigaar uu si daran u qiijinayo iyo shaah kulul oonu mar qudha dabada dhulka u dhigin sidii loogu keeney ayaa iigu jawaabey “ midhkaa ilaahey u naxariisanmaayo, allah ha u naxariisto ayey iska wada odhanaysaa”. “Miyaad garanaysaa maydkan aad allah ha u naxariisto iska leedahey? Ayuu hadana isagii I waydiiyey.
Shaydaanka ayaan iska naarey !!! waayo waa markii iigu horeysey een arko qof ka xanaaqey qof dhintey oo allah ha u naxariisto la leeyahey kadib waxaan ku idhi; “maya ee miyaanu qof muslim ah oo dhintey aheyn, maxaa ku jaban haddiii allah ha u naxariisto la yidhaa”. Wuxuu ku jawaabey “Maya; waxa weeye ninkan anagaa jaar aheyn waliba dadna waanu iskugu xignaa saaka markii xabaashiisa loo dareerey anigu waan iska soo dhaafey mana ka qaybgalayo aaskiisa, waaniga halkaa iska fadhiya, waayo isaga oo nool ayaan ku idhi xabaashada ma imaado ee tayda ha iman”.
Maxaa idin dhex marey ee arinkiina halkaa adag gaadhsiiyey” ayaan ku idhi? Wuxuu yidhi ninkani wuxuu ahaa dadkii markaynu wadanka soo galey dhulkii banaanaa boobey. “haye” ayaan idhi. Maalin maalmaha ka mida ayaan u imi oon ku idhi “waar dad-baynu isugu xignaaye dhulkan aabahaa ma laheyne wax naga sii”. Intuu afka cirka u taagey ayuu yidhi; “afka laydha ka qarso, waxaanad shaqaysanbaad iska dooneysaaye”. Aniguna markiiba waxaan ku idhi; “hadaa ma adigaa shaqaystey tuugyow xoolihii ummadaa boobey waar way inoo kala dhamaatey, waxeynu kala nahey maka iyo yuhuud, xabaasheyda gub taadana waan gubayaa, ehelu naar yahow ehelu naarku dhaley ee xoolihii ummadaa cuney. Adna kaasi ayaad allah ha u naxariisto iska leedahay anaguna allahii umada ka qabtey ayaanu mahadinaynaa.
Cajaa’ib! anigoo yaaban ayaan hadana qosol isku mashquuliyey waanan istaagey “ waar hoo lacagta shaaha” ayaan ku idhi kii makhaayada. Wuxuu iga soo daba yidhi isagoo qaylinayaa waar taydana raaci adaa meelahaas ka yimiye. Anigoo ka baqaya in uu ana xabaashayda gubo ayaan ku idhi waayahay anaa bixinaya. Sidii ayaan lacagtii ku bixiyey. Waxaan isaga dhaqaaqey halkii hortayda aheyd ileen marka horeba makhaayada banaankeeda ayaan fadhiyee. Inyar markaan ka socdey ayaan dib jaleecey, waxey ishaydu qabatey ninkii oo durba qof kale sheeko la wadaagaya. Mar kale ayaan qosley kadibna aniga oo yaaban ayaan iska tegey!.
Akhriste waxba fikirka ha fogayn maskaxdana ha daalin kolay waan hubaayo waxaaad is weydiinaysaa makhaayada sidaa u dhimatay ee wax waliba maqluubka isku badaleen halkay ku taal.?
Akhriste dulucda sheekadani waa mid aan ku sawiray sida xaalka wadanku maanta ka dhigan yahay.
Qalinkii: Liban Ismail Abdilahi
Email: Liibaanhanad79@gmail.com