Golaha Wakiillada Oo Maanta Laga Hor Akhriyey Waraaq Ku Saabsan Xilliga Rasmiga ah ee Madaxweyne Siilaanyo Jeedin Doono Khudbad-sanadeedkiisa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golaha Wakiillada Oo Maanta Laga Hor Akhriyey Waraaq Ku Saabsan Xilliga Rasmiga ah ee Madaxweyne Siilaanyo Jeedin Doono Khudbad-sanadeedkiisa
March 22, 2015 - Written by Editor:

Hargaysa:(Wajaalenews) Golaha Wakiillada, waxa Maanta laga hor akhriyey Waraaq uu madaxweyne Siilaanyo Labada Gole qaran kaga codsanayo inuu Maalinta Sabtida ee Soo Socota jeedin doono Khudbad-sanadeedkiisii.

siilaanyo iyo golaha wakiilada

Mudanayaashii Maanta Fadhiga Golaha Wakiillada Soo xaadiray, ayaa loo akhriyey warqadda ballanta ah ee Madaxweynaha ka timi, waxana lagu wargeliyey inay soo ajiibaan Maalinta uu Madaxweynuhu labada Gole la hor iman doono Khudbad sanadeedkiisa oo muddo la sugayey.

Cabdiraxmaan Ciro ayaa golaha u sheegay in Ay soo gaadhay Golaha warqada ka timid Madaxwaynaha Somaliland waxaana ka hor akhriyay Xog-hayaha Golaha wakiilada cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

“Halkan waxa aynu ku Haynaa Waraaq ka Timid Madaxwaynaha somaliland oo ku saabsan Khudbad Sanadeedkii Dastuuriga Ahayd ee laga rabay Madaxwaynaha somaliland oo Labada Gole Sanadkasta ka Hor Akhriya.Ayaa uu yidhi Cabdiraxmaan Ciro

Warqadaas Golaha soo gaadhay ayaa waxa Golaha ka Hor Akhriyay Xog-hayaha Golaha wakiilada somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle waxaana uu yidhi.

“ku Shirguddoonka iyo Dhamaan Xildhibaanada Golaha wakiilada,ku Shirguddoonka iyo dhamaan Xubnaha Golaha Guurtida Ujeedo Khudbad Sanadeedka Madaxwaynaha somaliland,Mudanayaal aniga oo cuskanaya Qodobka 46aad ee Dastuurka Jamuuriyada somaliland waxaan Si sharaf iyo Qadarin mudan idiinku baaqayaa inaad iskugu timadaan Maalinta Sabtida oo Bishu Tahay 28 Bisha 3aad ee 2015ka.

Intaas waxa uu raaciyay Xog-hayaha Golaha wakiilada somaliland. “Maalintaas waxaan jeedin Doonaa Khudbad Sanadeedkii Dastuuriga Ah labada Gole Hortooda ee 2015ka waxaanan idinka Codsanayaa inaad ka hawl gashaan Arintan Inaad ka soo qayb gashaan Sidii Shirku U Qabsoomi Lahaa Fadhiguna waxa uu Siwada jir Ah uga Qabsoomayaa Aqalka Golaha Guurtida Somaliland.”

Shacabka Reer Somaliland, ayaa si weyn ugu dheg taagaya Khubadda Madaxweyne Siilaanyo, waxana si gaar ah loo xiisaynayaa arrimaha uu ka odhan doono Doorashooyinka Waddanka ka qorshaysan oo u muuqda qaar aan qabsoomi dooni

COMMENTS
LINKS