|
|||||
WAJAALE NEWS
Wafti Sare oo Ka Socda ONLF oo Caawa Gaadhay Magalada Ooman Ee Dawlad Deegaanka Soomaalida+Sawirro
March 30, 2019 - Written by Reporter:Af-dheer (WJN)- Wafti balaadhan oo uu Hogaaminayo Gudomiyaha jabhada ONLF Admiral Maxamed Cumr Cismaan, ayaa Goor dhawayd oo caawa ah si diiran loogu soo dhoweeyay magalada Ooman oo katirsan Dagmada Hargeelle ee xarunta Gobolka Afdheer ee dawlad deegaanka Soomaalida. Waftiga oo saaka subixii hore ka soo baxay Dagmada Godey ee xarunta Gobolka Shabeelle ayaa socdaal dheer kusoo maray Tuulooyin aad u badan, kuwaas oo u dhaxeeya Magaalada Godey iyo Tuulada Ooman ee Gobolka Afdheer. Madaxda jabhada ONLF oo ujeedadoodu ay ahayd in ay u kuur galaan xaalada shacabka dawlad deegaanka Soomaalida ayaa soo dhawayn balaadhan kala kulmay shacabka deegaanadaasi .
Halkan hoose ka daawo muuqaalka sawirada
Related posts:Wasiirka Deegaanka Jsl Shugri Bandare Oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Hadal Kasoo Yeedhay Col Caare Iyo f... Xubno Wasiiro Ah Iyo Madax-dhaqameedka Gobolka Maroodi Jeex Oo Bulshada Ugu Baaqay In Ay Isdiwaan Ga... Halkan Ka Daawo; Aragtida Shacabka Magaalada Jig-jiga Oo Ka Dareen Celiyay Isbadalka Ka Dhacay DDSI... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|