“Waxa Aan Shaki ku Jirin In La Dayacay Da,yarta Maantu Oo Aanay Helin Kaalintay Mudnaayeen.”Xildhibaan Cagayare. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxa Aan Shaki ku Jirin In La Dayacay Da,yarta Maantu Oo Aanay Helin Kaalintay Mudnaayeen.”Xildhibaan Cagayare.
February 6, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa-(Wajaalenews)-Xildhibaan Ismacil Jamac Xirsi (Cagayare) oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, ayaa sheegay in layska indho-tiray doorkii dhallinyaradu ku lahaayeen wadanka oo la dayacay Wax-u-qabashadooda.

Xildhibaan cagayare

Xildhibaan Cagayare oo ka hadlay munaasibad saaka lagu qabtay Hudheelka Crown sannad-guurada 4aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay Kooxda Kubadda Cagta ee 17 May,taasoo ay ka soo qaybgaleen Maamulka Dugsigaas, Xildhibaanno, Masuulliyiin iyo marto-sharaf.

Xildhibaan Ismaaciil Cagayare waxa uu ka hadlay doorkii ay dhallinyaradu ku lahaayeen Dub-u-xorayntii dalka, waxaannu yidhi, “Dhalinyaradu waa lafdhabarta bulsho Kasta oo himiladeedu tahay horumar. Dalkeena Bishan February waa mid ku suntan kaalintii ay dhalinyaradu ku lahayd halgankii dalkeena lagu xoreeyey. Waa markii dhalinyaradii UFO shideen dhinbiilihii lagu huriyey halgankaas sanaddii 1982.”

Xildhibaan Cagayare, waxa uu tilmaamay inlayska indho tiray doorkaas weyn ee dhallinyaradu ku lahayd dalka oo la dayacay, taasina ay gayaysiisay inay badaha isku guraan, inta ay soo hadhayna ay dhibaato ugu filanyihiin bulshada, isagoo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi, “Taariikhdaasi waxay in a xasuusinaysaa wax u qabashada ay inooga fadhiyaan ee ay u mudantahay jihayntoodu. Waxa aan shaki ku jirin in la dayacay oo da yarta maantu aanay helin kaalintay mudnaayeen ee ay ahayd in la garab istaago. Waxay taasi in a geyeysiisay in ay noqdaan badh ahaan kuwa ku Le’day badaha qaar kalena ay bulshadoodii dhib ugu filan yihiin. Waxa hadaba jira dhalinntaas kuwo fayaw oo ka bulsho ahaan aynu ku dhaadan karno. Waxa maanta dhalin is abaabushay igu martiqaadeen xaflad ay u sameeyeen sanad guuraddii afraad ee ka soo wareegtay markii ay ku behoobeen samaysanka ay ku yagleeleen koox kubada cagta ah. Dhalinyaradan waxay soo bandhigeen wixii u qabsoomay ee dhismays garoonka dugsiga biyo dhacay. Dhalinyaradu waxay mar labaad baaq u dirayaan wasaaarada ciyaaraha iyo dhamaaan qaybaha bulshada in laga taageero dhismaha garoonkaa ay baahida u qabaan.” Ayuu yidhi Xildhibaan Xildhibaan Ismacil Jamac Xirsi (Cagayare).

COMMENTS
LINKS