WAJAALE NEWS

Wasiirka Madaxtooyada oo Soor Ceebeed ku casuumay Ardaydii Ka Qalin Jebisay Jaamacada Timacade.

Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi x Cali oo had iyo jeer in lagu amaano madal kasta oo uu ka qayb galo aadna u jecel in magaciisa iyo muuqiisaba dadku aad u bartaan, ardayda jaamacadaha ka qalan jebisa ayaa waxay ay ka mid yihiin qaybaha bulshada uu aadka u xiiseeyo inuu xidhiidh dhaw la yeesho isaga oo jecel inuu ku kasbado casho uu sameeyo marka ay qalin jebiyaan
Hadaba cashadii uu u sameeyay ardaydii ka qalin jebisay jaamacada Timacade ee Gobolka gabiley ayaa isku bedeshay soor ceebeed kadib markii cashadaa laga soo tahriibiyay magaalada Hargeysa soona gaadhay madashii cashada loogu talogalay iyada oo qabowday , halkaasi oo ay dhamaan dadkii loogu talo galay cashadu kaga dul dhaqaaqeen miisaskii hoolka dushoodii markay ka biyo diideen cashadaas
Hadaba maxay ahayd ujeedada wasiirkan??????????

Exit mobile version