Da’yar farabadn oo reer Somaliland ah ayaa dalka ka suudalay,iyadoo sanadihii u dambeeyay ay qaar farabadan oo ka mid ahi u haajireen wadamada shisheeye,iayagoo sii maray rafaad iyo dhibaato badan,halka qaar badan oo ka mid ahina ay ku naf waayeen saxaraha lamadegaanka ah ee dalka Liibiyo iyo waliba badda cad.
Dhalinyaradaas ayaa isugu jira wiilal iyo gabdho jaamacaddaha dalka ka qalinjabiyay oo markii ay shaqo waayeen isla markaana ay xukuumaddihii hore iyo tan madaxweyne Siilaanyo-ba ay jihayn wayday da’yartaasi miciin biday inay u tahriibaan wadamada Yurub oo ay nafahooda biimo geliyeen.
Mashruucan tagriibta dhalinyarada ayaa sare u kacay iaydoo ay xukuumadda Siilaanyo ku guuldaraysatay inay wax ka qabato isla markaana ay samayn weyday qorshe dhalinyaradan dalka ka sii qulqulaysa ay nafahooda kaga badbaadiso halista iyo dhibaatada ay ku mutaan tahriibta,sidoo kalena wax shaqo abuur ah oo ay u samayso dhalinta jaamacaddaha ka soo baxay ee tabaca muruq iyo maalba la galiyay.
Waxa tan iyo wakhti xaadirkanba dalka jamhuuriyadda Somaliland ku soo qulqulaya oo u soo tahriibaya dadka carruuraha iyo cirrooleba isugu jira ee qoomiyada Oromoda ee dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya,kuwaas oo si bilaa sharci ah ku soo maraya xuduudaha aynu leenahay isla markaana soo buux dhaafiyay magaalooyinka dalka Somaliland gaar ahaan caasimada Hargeysa oo si weyn looga dareemayo.
Dadkan ka soo jeeda qoomiyada Oromada ee dalka Itoobiya ayaa iayu u badan qaar aan wadanka soo gelin wax dhaqaale ah,shaqooyinka ay dalka ka samaystaana uu yar yahay,Waxaanay inta badani ku shaqeystaan dawarsiga iyagoo dadka gacanta hoos dhiga si loo siiyo Lacag iyo wixii kale ee cuno ah,dawarsiga ay dadkani la dhex qaadan dadyowga ku dhaqan Hargeysa ayaa waxa uu noqday mid saamayn ku keena dhanka dhaqaalaha,maadaama aanay dadkani lacagaha ay dawarsadaan inta badan noloshooda ku dabarin oo ay meel ku ururiyaan isla markaana ay u bedelaan lacagta dalkooda laga isticmaalo isla markaana ay u diraan qoysaskooda jooga dalkooda Itoobiya ee ka soo tageen kuwaas oo inta badan ah dad beeralay ka ganacsada Jaadka.
Dhanka kale waxa jirta in dadkeenu had iyo jeer guryahooda ka shaqaaleysiiyaan dadka Oromada ah gaar ahaa dumarka oo inta badan xaafadahu ay u shaqaalaysiistaan adeegto guri sida dhar maydh iyo hawlaha guryaha ee dumarku qabtaan,halka ragooda waa kuwa Oromada ahe ay inta badan dadkeenu u shaqaaleysiistaan Watch man oo ah waardiye waxaana in badan oo guraha magaaladda Hargeysa kuwaas oo dadkeena qurbaha jooga ay soo dhistaan isla markaana guriga ay waardiye uga dhigaan Nin oromo ah iyagoo aad moodo in dadkeenu ay si uga yara cararayaan eheladooda iyo muwaadinka inay shaqaaleysiiyaan marka tan oo kale loo baahan yahay,balse ay dadka Oromada ah loo doorbido dhanka dhaqaalaha oo ninka oromada ah ee guri ka waash maan ahi lacagta la siiyo ayaa ah mid aad u yar taasina waata keentay in dadkeenu shaqada u baahani suuq cidhiidhi ku dhaco,maxaa yeelay dadkan oromada ahi waxay dadkeena ugu shaqeynayaan lacag aad u yar oo ah (waxaan ii dirto waan qaban,waxaad I siisana waan qaadan)
Waxa garab socda tirade dadka Oromada ah ee dalka ilmo ku dhala,isla markaana ay ku koraan luuqada afkeenana (Soomaaliga) kaaga badaniya xaga midabkana aanu in badan is shabahno,kuwaas oo aad moodo inuu xawli ku socdo tarankoodu,iyagoo hadaf ay ka siman yihiin wata,oo dadkeenu inta badani ka war qabaan.
Waxa iyana jirta marka laga hadlo dadkan dhibaatada ay dalka ku hayaan,ayaad waxaad arkaysaa dadkeena oo ku odhanaya iska daaya masaakiinta,taasina waxay keentay si dhiiran u dhex joogaan magaaladda dhiiranaantaas oo noqotay imika mid xadkeedu gaadhsiisan yahay inta qofka muwaadinka ahi ku haysto dalkiisa (calashaan Oromada iyo muwaadinka Somaliland wax faraq ah oo u dhexeeya ma jiro wakhti xaadirkan sabab?)
Guntii iyo gabagabadii arrintan oo inta badan dadkeenu aad u dareen sanyahay aa ilaa hadda aan wax talaabo oo dowladdeena iyo dadkaba kala gudboon aanay meesha wali iman laakiin waxa isweydiin u baahan isbedelkan dhanka dadka ah ee xawliga u socdaa ee dhalinteenii dalkuna sii socoto kuwa Oromada ahina soo gelayaan maxaa xiga????
Wa Bilaahi Tawfiiq
Qalinkii: Cabdilaahi Xasan Budul (Wariye Wargeyska Haatuf)