WAJAALE NEWS

Madaxweyne In Gudoomiye Gobol Aad “Dibjir” Ugu Yeedhaa Waxa ay Muujinaysaa In kacaankaagu Akhlaaqda Qoraalka Ka Arradanyahay!.

Casrigan adduunku qoraal buu ku xidhiidhaa, qoraalkuna xeerar iyo qawaaniin dadyowga adduunku isku raacsan yahay ayuu leeyahay, intaaba marka laga yimaado waxa jira asool ama anshax uu qoraalku leeyahay, kaasi oo la rabo in laga dheehdo asluub iyo qurux.

gaar ahaanna marka ay timaado (warqad madaxweyne ama wareegto) waxaa loo baahan yahay in ay dhammaystirnaato oo xumaanta iyo gefefka qoraalka oo dhan laga soo haadiyo ka hor intaan uumiyaha lagu soorin.

Bal abwaankii weynaa ee Gaarriye ila dhawra siduu arrintan u fahmay;

Waligay abidkayba

Annoon jiiftada haadinoo

Insha aan ka dhammaynin,

uumiyaha kuma soorin,

warqadda wareegtada ah ee xafiis madaxweyne ka soo baxaysa ma jirto warkad ka maamuus mudan, waan la yaabaa markaan akhriyo akhlaaq darrada ka soo burqanaysa wareegtooyinka ka soo baxa xafiiska Afhayeenka madaxtooyada.

Xitaa madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud maamuus kuma qabo oo waxaa ku qoran markuu arkay, markuu la tashaday,

Murti maahmaaheed soomaaliyeed ayaa tidhaa ( waayeel hortiisaa caano lagu badhxaaye) waxaan durayaa waraaqdii ugu danbaysay ee madaxweynuhu ku magacaabay gudoomiyaasha gubolada, xitaa haddii masuulkan lagu naanayso Dib jir waxa ay ahayd in madaxweynuhu ka xishoodo, haddii kale waxaa imanaysa xabag le’na madaxweynuhu ma soo wadaa.

 

Qalinkii Cabdinaasir Axmed Ibraahim

Exit mobile version