|
|||||
WAJAALE NEWS
Ma Dhabaa In Madaxweyne Siilaanyo Badhasaabka Awdal U Magacaabayo Ramaax Oo Ah Badhasaabka Sanaag?
February 7, 2015 - Written by Editor:
Badhasaabka gobalka Sanaag Md. Maxamuud Cali Saleban (Ramaax) ayaa la filayaa inuu noqdo badhasaabka cusub ee gobalka Awdal oo uu xilka kala wareego badhasaabka wakhtigan Cabdoo Axmed Aayar. Lama garanayo in Mr. Aayar loo wareejin doono gobal kale iyo in xilka laga qaadi doono. Waxa kale oo uu Madaxweynuhu xilalka ka qaadi doonaa madaxda hay’adaha madaxabanaan ee dawladda qaarkood oo la filayo in loo magacaabo siyaasiyiin ka soo jeeda gobalka Awdal oo ay dhawaan madaxdhaqameedkiisu madaxweyne Siilaanyo u gudbiyeen tabasho dhinaca saami qaybsiga ah. Isku shaandhaynta iyo xil ka qaadista madaxweyne Siilaanyo oo ay bulshadu isha ku hayso ayaa la filayaa inay toddobaadkan soo baxdo. Related posts:Xildhibaano Si kulul Ucanbaareeyay Xadhiga Cismaan Cumar Dool Iyo Fariinta Ay Udireen Xukuumada! Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Si Dad-ban Ula Hadlay Siyaasiyiinta Ku Bahoobay Madash... Daawo:Sheekh Aaden Siiro Oo Si Adag Uga Hadlay Saldhiga Militari Ee Dawlada Emaaraatka Laga Siinayo ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|