WAJAALE NEWS

Inlabedalo/Eryo Madaxda Hay’adaha Dawladu Waxay Ka Mid Tahay Sunnaha Dawladnimo.

Si loo hirgaliyo siyaasad degan oo jihaysan oo dalka gaadhsiin karta horumar la taaban karo waxaa muhiim ah in mas’uul kasta oo dawladeed marka la bedalayo/eryayo ay la xisaabtanto cidda uu u idman yahay ee awooda bedalaadiisa/erigiisa iska lihi.

Si aanay u baabi’in adeegyadii aasaasiga ahaa ee loo qabanlahaa bulshada waa in mas’uul kasta oo dawladeed inta aan la bedalin/eryin nidaam dawladeed Lagu qiimeeyo, iyada oo laga duulayo qorshihii xafiiskiisa Lagana eegayo dhinacyada horumarka nabadgalyada iyo siyaasadda guud ee dalka Lana qiimeeyo.

1- Maxaa kuu qorshaysnaa?

2- Maxaa Ka qabsoomay qorshahaagii?

3- Maxaa caqabad Ku noqday wixii aan qabsoomin?

Kadibna laga duulo natiijada kasoo baxda qiimayntaasi.

Haddii hadaba natiijada qiimaynta kasoo baxday noqoto in qorshihii xafiiska uu Ku shaqeeyey mas’uulku, wixii macquula ee Ka fuli karayey qorshihiisana uu si habsami ah u fuliyey, wixii aan fulinna looga garaabay jawaabaha uu Ka bixiyey. Waa in la abaal-mariyo, la dhiiri galiyo wixii caqabad Ku noqdayna laga horqaado.

Haddii natiijada qiimayntu noqoto in aanu mas’uulku qorshihii xafiiska Ku shaqaynin, oo wixii u qorshaysnaa intooda badani aanay fulin, jawaabaha mas’uulka la qiimaynayona lagu qanci waayo. Markaana waa in isna lagu abaal-mariyo, la bedalo/eryo ama laga qaado tallaabo sixitaan oo Ku haboon.

Haddii hadaba bedalka/eriga masuuliyiinta hay’adaha dawladda loo marro nidaamkaasi waxa la gaadhi doonaa.

1- In la garto sababta keentay bedalka/eriga mas’uulka xilka laga qaaday Laguna qanco.

2- In mas’uulka la magacaabay garto ujeedada loo magacaabay kuna xisaabtamo in la bedalayo/eryayo hadii uu shaqadiisa kasoo bixi waayo.

3- In laga boxo nidaamka maanta ka jira dalka ee mas’uuliyiinta hay’adaha dawladda lagu bedalayo/eryayo ee ah odayada reer hebal ayaa TVga ka hadlay oo yidhi hadaanu nahay beel heblaayo mas’uul hebal ha lanaga bedalo, ama hebal yaan naloo keenin, sida maantaba ka dhacday magaalada tog-wajaale ee iyada oo aanay wasaarada arrimaha guduhu wali xilkii ka qaadin gudoomiyihii degmada ku cusubna soo magacaabin hadana TVyada looga sii qaylinayo si saamayn loogu yeesho isbedalka la filayo in ay samayso wasaarada arrimaha guduhu hadii uu jiraba.

Gabagabadii waxaan wasaarada arrimaha gudaha u soo jeedinayaa in ay ka fiirsato isbedalada ay ka samayso degmooyinka dalka khaasatanna degmada tog-wajaale oo ah meel aad u xasaasiya oo ku taala xuduud u muhiim ah dalka oo dhan, oo loo baahanyahay in laga fiirsado oo la keeno cidd dawladu ku kalsoontahay in ay hanan karto nabadgalyada xuduuda, ilaalina karta daris-wanaaga labada dal.

 

Ahmednasir Suldan C/rahman

togwajaale1@hot mail.com

0634467755/0915114164

Exit mobile version