Daraasad Iftiimisay Sida Muslimiinta Britain Ku Nool U Arkaan Sawir Kartoonnadii Lagu Baahiyay Wargeyskii Faransiiska | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daraasad Iftiimisay Sida Muslimiinta Britain Ku Nool U Arkaan Sawir Kartoonnadii Lagu Baahiyay Wargeyskii Faransiiska
February 25, 2015 - Written by Editor:

London(Wajaalenews)-Aqlabiyadda Muslimiinta Britain Ku nool ayaa sheegay inay aad u dhibsadeen daabicida Wargeyskii Faransiiska ee Sawir Kartoonkii Nabi Muxamed(CSW) lagu aflagaadeeyay. Waxaa sidaasi muujisay Daraasad Idaacadda BBC-du samaysay oo lagu cabirayay rayiga dadka Muslimiinta ahi ka haystaan arrintaasi.

muslimiinta uk

Kala badh Muslimiinta dalkani waxay qabaan in Diintooda lagu takooro. Daraasaddu, waxay kaloo muujisay in Muslimiinta UK badankoodu ku waafaqsanayn kuwa doonaya in lala dagaalamo danaha reer galbeedka.

27% ka mid ah kunkii Muslimiinta Britain ah ee daraasadda lagu sameeyey waxay sheegeen in ay dareensan yihiin sabibihii ka dambeeyey weeraraddii Wargeyska Paris.

Balse, 80% Muslimiinta UK waxay si weyn uga soo horjeesteen islamarkaana aad u dhibsadeen in la daabaco Sawiro lagaga soo horjeeday Nabi Muxamed (CSW)

 

COMMENTS
LINKS