|
|||||
WAJAALE NEWS
Suxufi Axmed Cismaan Batuun Oo Maanso Baroordiiq iyo Duco ah Ka Tiriyey Geeridii Ku Timid Marxuum Maxamed-rashiid
January 3, 2015 - Written by Editor:Hargeysa (Wajaalenews)-Suxufi Axmed Cismaan Batuun oo ka mid ah suxufiyiinta ay sida aadka ah isugu dhawaayeen Marxuum Maxamed-rashiid Ilaahay naxariistii janno haka waraabiyee ayaa maanso baroordiiq iyo duco ah ka tiriyey geerida naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, Xoghayihii Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo 29-kii December 2014-kii ku geeriyooday cusbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo lagaga daawaynayey dhaawac ka soo gaadhay Shil-baabuur oo duleedka Berbera ku haleelay, waxaana marxuumka si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha xeedho ee duleedka caasimada Hargeysa. Maansadan uu curiyey Suxufi Axmed Cismaan Batuun oo la yidhaa DAADIHIYE ayaa waxay ku bilaabmaysaa sidan:- Dhegta waxa u daranoo Marna aanay doonayn Dantu waxay khasbaysaa Adigoon is diidsiin Waa daa’in tiisee Degdeg inaad u fulisee Waxa damay ilays shidan Daadihiyihii iyo Haldoor-baa xaqii helay Dadka ururin jirayoo Daacadnimada hadalkiyo Dalka horumarkiisiyo Deeqsinimo ku caan baxay Danyaraha la quudhsado Dawankii codkoodiyo Diri jiray warkoodee Laga doonan jiray hiil Xabaal lagu daboolyoo Durugyoo adduun kale Geesigii u diga rogay Ana waxaan damqanayaa Markaan dayo dhankiisii Docda igu banaan iyo Dabaysha iyo fooraha Waxa aan i daynayn Isku soo dabaalkii Labada isku duda iyo Dulqaadkiyo xishoodkii Waxa aan i daynayn Dardargalinta hawlaha Isku dubbaridkii iyo Dabuubtii haboonayd Waxba yaan durdurinoo Marba doc isku qaadine Waxa damay ilays shidan Haldoor-baa xaqii helay Daayinoow Allahayoow Waxaan kaa dalbanayaa Danbigiisa dhaafoo U door maxamed khayrkoo Janadii durduursii Ehelkiyo dadkiisana Samir deeqa waligood………. Waa baroor diiq kooban oo aan ugu talo galay walaalkaygii qaaliga ahaa maxamed rashiid muxumed faarax eebe ha u naxariisto oo ha ugu deeqo janatul fardowsa. Aamiin COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|