|
|||||
WAJAALE NEWS
Fannaankii Maxamed Axmed Kuluc Oo Hargeysa Aas Qaran Loogu Sameeyay Magaalada Hargeysa .
January 18, 2015 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaalenews):-Alle ha u naxariistee Fannaankii weynaa Ee Maxamed Axmed Kuluc, ayaa maanta aas Qaran loogu sameeyay magaalada Hargeysa ka dib markii shalay uu ku geeriyooday Cisbitaalka Guud ee Hargeysa. Masuuliyiin uu ugu sareeyo Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylic,Asxaabta qaranka,Warbaahinta,Bahda fanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan oo kumanaan ah ayaa ka qayb galay Aaska qaran ee loo sameeyay Marxuumka oo Lagu aasay Xabaalaha Naaso Hablood ee Duleedka Hargeysa. Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, ayaa sheegay in Hal abuur Maxamed Axmed Kuluc geeriyooday balse wacyigalintiisa iyo murtidiisu wali baaqi tahay. “Waxaan halkan ka tacsiyadaynayaa Fannaankeenii iyo hal abuurkeenii weynaa ee Maxamed Axmed Kuluc ee geeriyooday. Waxaan leeyahay Eheladii iyo guud ahaan Bulshadaba Alle Samir iyo Imaan ha inaga siiyo. Waxaan Alle uga baryayaa Marxuumka in Illaahay Naxariistiisa ka waraabiyo. Hal abuurku/fannaanku wuxuu ahaa Qof aad inoogu qaali ah, wuxuu ahaa Abwaan iyo fannaan muddo 60 sanno ka badan ku soo jiray fanka, maanta wuu inaga baxay laakiin, wacyi galintiisii iyo wax sheegiisii waa wax mar walba inala jooga. Waxaa dhamaanteen inala gudboon inaan u ducaynoo Illaahay u waydiino inuu Jannadii ka waraabiyo” ayuu yidhi madaxweyne xigeenka Somaliland. Hargaysa Office Related posts:Daawo:Wasiir Sacad Cali Shire Oo Ka Hadlay Wararka Sheegaya In Seefta Madaxwayne Silaanyo Dul Hogana... Rashiid jaamac dhari “Sheekhul Axmar” Oo Soo Bandhigay Xaqiiqada Arinta Ka Taagan Laascanood, Luuqa... Dareenka Xukuumadda Ee In Saylici Haysto Kalsoonida Aqlabiyadda Reer Awdal Iyo Codadka KULMIYE Uga K... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|