Markii ay midoobeen Soomaaliland oo xornimadeedii ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska( 26/ June/ 1960kii), iyo dalka Soomaaliya oo iyaguna xornimadoodii ka qaadatay gumaystahii Talyaaniga (1 /July/ 1960kii , mudo yar ka dib waxa madaxwayne loo doortay (AHN) Aadan Cabdulle (Adan Cade), balse xukumadii uu hogaminayey Adan Cade waxay kuso hagaagen wakhti adag, may jirin dawaldnimo iyo nidaam sax ah oo la raaco ama sii dhisna marka laga yimaad nidaamkii laga dhaxlay gumaystaha.
Dalku wakhtigaas waxa uu ku jiray xaalad kala wareeg iyado mudo yar uun ka hor xoriyada laga qaatay gumaystihii, ma ay jirin dhaqaale u kaydsanaa dalka ama meel u yaalay, mana jirin warshado tayo leh oo shaqeeynaayey oo u gumaystuhu dhisay , bilicda guud ee dalku haddii ay noqoto xaga dhismayaashii magaalooyinka iyo wadooyinku waxay ahayen kuwa aad u liita, waxa sidoo kale u dib u dhac badani ka muuqday awoodii ciidanka dufaaca, iyaga aynu ognahay inay yihiin mid kamida tiirarka dawladnimo, may lahayn wax tababar ah iyo qalab toona, arimaas oo is biirsaday ayaa xukumadii marka jirtay ku noqotay caqabad sidii looga gudbi lahaa.
Xukumadii wakhtigaas jirtay waxay xoga sartay inay xidhiidh Siyaasaded ay la sameyaan Wadamaddii Caalamka gaar ahan Maraykanka iyo Reer Galbeedka, si looga caawiyo arimahas aynu xusnay, waxa iyadana dhinaca kale socday Dagaalkii Qabooba ee ay isku hayeen labbadi quwadooda ee U.S.S.R iyo U.S.A , iyo tartankii ay ugu jireen sidi ay xidhiidh ula samayn lahayeen dalalkii Geeska Africa ee wakhtiyadaa xornimada qaatay, si ay uga dhaadhiciyan dalalka cusub ee Geeska Africa nidaamkii iyo aragtiyiii siyaasadeed ee ay kala wateen, tasoo sababtay in si dagdaga ay Soomaaliya dhaqaale uga hesho Maraykanka iyo Midawgii sofiyati.
Waxa kale oo iyaguna dhinac socday China iyo dalalkii Reer Galbeedka oo iyaguna ka mid aha dalalka in dhaha ku hayey Soomaaliya.
Waxa ay Somaaliya markiiba jawaab ka heleen dalalkii Caalamka iyaga oo lagu caawiyay dhaqaale badan, waxa deeqihii ugu horeyay loo asteyay in dib u dhis lagu sameeyo cidankii military-ga iyado loogu deeqay gargaar milatary (Military Aid) ciidankii xooga soomaaliyeed oo wakhtigaas tayadooda ay aad u liidatay xag tababar iyo xag qalabba sidaynu hore uso sheegnay , waxa dalakii reer galbeedka qaar ka mid ah ayaa iyaguna ku deeqeen horaantii sanadkii 1962kii aduun dhan toban malyuun oo dollar($10 million) iyado loogu tala galay kharashkaas in lagu tayeeyo ciidanka, Midawgi sofiyati ayaa iyaguna deeqahaas kaso jawaabay oo isna markiiba ugu deeqay dhaqaale dhan soddon malyuun oo dollar ($30 million), isagoo sido kale tababar siiyay cidankii Soomaaliya sanadihii 1960kii-1965kii.
Dhinaca dhaqalaha tooska ah ee so gaadhay Soomaaliya sanadahaas waxa ka mid aha, wadanka Maraynkanka oo ku deeqay shan iyo todobaatan malyuun oo dollar ($75 million) kharashkaas oo qayb ka mida loogu tala galay hurumarinta reer miyiga, iyo qayb loogu tala galay in lagu xoojiyo arimaha bulshada , dalka Talyaaniga ayaa isaguna qayb ka aha dhaqalahaas, Talyaanigu dhaqalaha u siinayey Soomaaliya mu ahayn mid bilowday 1960kii, balse waxa uu bilowday ka hor intii ayna Soomaaliyi xornimada ka qaadan 1-7-1960kii, dhaqalalaha uu siyay Soomaaliya intii u dhaxaysay 1953kii ilaa 1975kii waxa uu aha addun dhan boqol iyo sagaashan malyuun oo dollar ($190 million ) dhaqalahas boqolkiiba todobaatan (70%) waxa lagu bixiyay qaybihii wax soo saarka, waxana dhaqaalahaas badankiisa loogu tala galay in lagu xoojiyo wax soo saarka.
Waxa haddana mar kale Midawgi sodiyati ugu deqay Soomaaliya addun dhan boqol iyo labba iyo konton malyuun oo dollar($152 million) dalka china oo isaguna qayb ka ahaa dalalka dhaqalaha bixinaayey ayaa waxa u isna ku deeqay boqol iyo saddex iyo soddon malyuun oo dollar ($133 million) dalka Maraykanku waxa u isna ku deqay shan iyo todobaatan malyuun ($75 million), waddamadii reer galbedka marka laysku geyana waxay bixiyeen kharash dhan afar iyo lixdan milyuun,($64 million), guud ahaan dhaqaalahas boqolkiiba soddon (30%) waxa loogu tala galay in lagu dayac tiray ciidamada, boqolkiiba konton (50%) waxa lagu bixiyay oo lagu dayac tiray madaaradii iyo dakadihii dalka,halka boqolkiba labbaatanka soo hadhayna (20%) lagu bixiyay adeegyadii bulshada qaybo ka mid ah.
Hadaba markii la soo gaadhay sanadkii 1969kii waxa si kadis ah hakad uu ku yimid deeqihii ay Soomaaliyi ay ka helaysay Caalamkii kale, iyado ay sabab u ahayd markii wadanka uu ka dhacay Af gambigii ee uu hogaminayey Gen. Maxamed Siyad Bare, in qilaab kaas oo sababay in is badal ku dhaco siyaasadii arimaha dibada iyo xidhiidhkii ay Soomaaliya la lahayd calamkii kale gaar ahan Maraykanka iyo qaar ka mid ah dalalkii Reer Galbeedkii.
Mudo yar ka dib waxa uu Siyad Barre uu xidhiidh dhaw la sameyay Midawgi sofiyati, waxa ay somaliya qadatay nidaamkii hantidawaaga, dhinaca kale xidhiidhada u Siyaad Barre la sameyay U.S.S.R waxa u sii fogeeyay dhaqalihii ay Soomaaliyi ka heli jirtay Maraykanka iyo dalalkii reer Yurub qaar ka mid ah, iyadoo gaar ahaan dalka Maraykanku u arkaayey inay Soomaaliya saaxib dhaw la nooqotay cadawgii ay isku hayeen dagaalkii qabooba.
Gen. M. Siyaad Barre waxa u heshiisyo gaar gaar ah uu la galay quwadii Midowgi sofiyati, heshisyadas oo u ka mid aha heshiiskii ( Treaty of Friendship and Cooperation ) ee uu la galay sanadkii 1972kii, heshiiskas oo aha mid iskaashi, wax u kor u sii qaaday dhaqalihii ay soomaaliyi ka heli jirtay Midawgi sofiyati.
Heshiiskaas ka dib quwadii Midawgii sofiyati waxay gacan wayn ka gaysten oo ay sii saddex jeer jibaareen dib u dhiskii iyo qalabayntii ciidankii xoga soomaaliyeed, waxa markiiba siyaaday tiradii ciidanka, tusale ahaan horantii 1970kii ciidanka xoga somaaliyed waxa ay ahayen 12,000 oo askari, sanadkii 1976kii ilaa 1977kii waxa ay noqdeen 32,000 oo askari.
Sidoo kale isla sanadahaa waxa dayactir lagu sameyay goobihi ciidamada, waxa ayna ciidamadii qateen tababaro (Military training ) dadkii Midawgii Sofiyati waxa uu gacan wayn ka gaystay dib u dhiskii iyo tayayntii hayadihii sirdoonka, waxa sido kale Soomaaliya loogu deeqay tangiyadii dagaalka nooc loo yaqaanay (T-54 tanks), waxa lagu qalabeeyay hubka ay ka midka ahayeen gantaalihii ridada dheere (SAM- 2 missile ) waxa kale oo ka mid ahaa diyaradaha Miiga lo yaqaan (MIG -21 ), waxanay sanadihii 1973kii ilaa-76kii ay Soomaaliya uso direen sarakiil sar sare iyo waliba ciidan si gaara u tababarnaa (Military advisors/combat advisors) kuwaaso qayb ka ahaa xooga tababarka cidankii somaliyeed, waxa kale oo uu dalkii lasyku oran jiray Midawgii sofiyati tababar ahan loogu qaaday ciidan tiradoodu ahayd 2,400 oo askari iyada oo 150 askari oo kalana tababar loogu qaaday qaar ka mid ah dadalka barriga yurub.
Tixraaac……
The Horn of Africa, State politics and International Relations ( Peter Wood)
An Introduction to African Politics ( Alex Thomson)
Senior Student at New Generation University College
Email. Xaajifaarax12@hotmail.com
tell. 0926685837
- Cabdixakiim Mukhtaar Cali
Addis Ababa, Ethiopia