WAJAALE NEWS

DHAGAXII BISLAAN WAA….(Q.3aad)Muj Cali Guray

Dadwaynaha Degmada Farawayne waftigii Madaxaynaha waxay nasiib uga heleen laba siigo. Mar iyagoo xaga Waddo Makaahiil kaga yimi oo muraayaduhu u wada dalacan yihiin oo lunsan ayay dhex mareen oo wadada Hargeysa hoos u raaceen, hadana Maraaga ayay iska soo rageen oo way dhex mareen iyagoo wadadii xuduudka oo loo tilmaamay iyo bari iyo xagii Baligubdle u raacay waana gabal dhac waana loogu talogalay. Dadkii Hargeysa uga yimi waftiga iyo kuwii sii joogay iyo goolashii la sii qalay kaam lama odhan. Ilayn waa sebenkii dhagax dhegga eh iyaguna sida ay tilfoonka iiga soo sheegeen waddo ayay is lahaayeen idinkana ha idiin dhagax dhigo Madaxwaynuhu ilayn waaka kuwa kaleba u dhagaxyo dhigaya eh mase dhicin.Inta u dhaxaysa Allaybaday iyo Baligubadle waftiga Madaxwaynuhu waxad garan kartaa in aanay u socon dan iyo muraadna ka lahayn sida, Waddo Makaahiil, Farawayne, Bender Amaan, Wado Bariis, Balicabane, iyo Gumar.

Dadkii baabuurta waftigu ay labada goor siigada ku rogeen runtii way ka cadhoodeen si fiicanna way u fahmeen fariintii Madaxwayne Silanyo oo noqonaysay KALA QUUSANAYE QOOMAMO LA’AADA, in kasta oo dadka qaar ay qabaan in ay arinku khilaafka gudaha ee xisbiga KULMIYE ku lug lahaa oo cid gaar ah lagu xumaynayay.

 

Waxa la yidhi laba abeeso kala goosatay cad lamay kala tegin. Waftiga Madaxwaynaha iyo Baligubadle ama Gobolka Hawd waxa la odhan karaa waxay ku baandheeyeen daroo. Waxa muhiim ah in la xuso sida wayn ee loogu diyaar soo dhawaynta Madaxwayne Silanyo iyo waftigiisa gaar ahaan magaalada Baligubadle, caasimadda garoobay Gobolka oo aan loo kala hadhin hadii ay tahay hogaamiye dhaqameedkii ka soo jeeday gobolka oo uu hogaaminayay Suldaankii Guud Suldan Cumar Suldaan Maxamed,siyaasiyiinta oo wasiiro iyo xildhibaano, aqoonyahankii iyomasuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka heer qaran, gobol, iyo degmo, iyo guud ahaan dadwaynaha reer Baligubadle. Waftiga Madaxwaynaha wax lagaga hortegay oo lagu Qaabilay Balicabane oo ah xuduuda dhinaca galbeed ee Gobolka hawd ka dibna waxaa loo soo gelbiyay dhinaca Baligubadle in kasta oo habeenku u dumay oy in badan dib uga dhaceen wakhtigii la filayay.

Habeenimadii wax kulamo oo rasmi ihi may dhicin lakiin inta madaxda dawladda ahayd ee waftiga la socotay iyo muqarabiintu odayga way la joogeen waxana la qorsheeyay kulanka beri dhici doona dadka ka hadli doona waxa laga odhan doono oo muujinaya taageerada Gobolka Hawd iyo in aan wax tabashooyin ah iyo dhaliilo dhinaca Maamulka Madaxwayne Silanyo ah aan goobtaa laga soo jeedin. Lakiin sida la sheegay sidii la qorsheeyay wax umay dhicin kulankii subaxnimada. Qaladka ugu wayn ee dhacay wuxu ahaa sida la sheegay furitaanka shirka oy ahayd in lala sugo Suldaanka Guud oo goob joog ahaado oo ama ha loo kaso ama kama’ba ha ku dhacdee gef ku ahayd Suldaanka iyo dadkiisaba. Hadalkii uu Suldaan Cumar ka jeediyay madasha uu madaxwaynuhu fadhiyay wuxu ku muujiyay tabashooyin iyo gefaf uu sheegay inay dhaceen iyo in dadka ku dhaqan gobolka ee wakiilka uu ka yahay aanay raali ku ahayn sida wax loo wado, gaar ahaan dhinaca xukuumaadda oo uu sheegay in aanay waxba ka fulin balan qaadyadii hore loogu balan qaaday gobolka oo ay ku jirto kaalintii ay xukuumaddu ku balan qaaday inay ka qaadan doonto dhismaha wadada Hargeysa/Baligubadle. Hadalka Suldaanka ayaa si gaar ah uga cadhaysiiyay madaxdii iyo qaar ka mid ah siyaasiyiintii ka soo jeeday gobolka iyo weliba ragii caanka ku ahaa guulwadaynta oo iyaga qorshahoodu ahaa in la yidhaa wax waliba waa tamaam dadwaynaha gobolkuna boqolkiiba boqol waxay taageersan yihiin Madaxwanaha iyo xukuumadiisa, taas oo dadkii ka hadlay madasha qaarkood ay si cad u xuseen. Wax kasta oo amaan iyo faanin iyo taageero odayga loo muujiyay waxa isku fuuqsaday hadalkii Suldaan Cumar.

Madaxwaynuhu in kasta oo laga yaabo in dhegeysiga beenta oo keliya ay dhegihiisu jeclaysanayeen hadan runtii qadhaadhayd ee Suldaankana maqal ama wax ha ka qaato ama beenta oo qudha ha wada qaato eh. Si kastaba xaalku ha ahaado eh in mawqifka dadwaynaha gobolka Hawd aanu ahayn sidii odayga loo sheegay way cadaatay odayguna arag cid ka cadhootay iyo cid ku faraxdayba

Exit mobile version