Bulshooyinka Baylahsan (Q1aad)
Boholyowga garashada
Iyo baaqa hirashada
Allahayoow badbaadada
Iyo baydhka xilashada
Ha ku xidhin intii baas
Bakhti-yahan xalaal neceb
Iyo booli-quutaha
Damac lagu balleysimay
Maxamed ibraahim warsame “Hadraawi”
Maanta waxaan qalinka u qaatay arrin masgax-deyda raadweyn kuyeelaatay maal-mahan dambe oo aan ka gam i waayay arintaasi oo keentay in aan ka aamusi waayo oo aan qalinka u qaato, maxaa yeelay waxaan filayaa in qofkasta oo damiir lihi aanu ka aamuseen oo uu ka hadli lahaa.
Waa arrin uurku taallo kugu reebaysa marka ay indhahaagu qabtaan waa arrin loo baahnaa inay ka hadlaan culimadda, siyaasiyiinta,ganacsatada,salaadiinta iyo cidkasta oo u fikiraysa sida wanaagsan ee saaxibul caqliga ah.
Waxba yaanan hadalka idinku dheerayne aan idiin kala baxo dulucda qormadani iyo bayaaminteeda,sidaynu wada ognahay waxaynu ku jirnaa wakhtigii dhaxanta waxaana habeennadii ugu dambeeyay dhacaysay dhaxan aad u ba’an oo saameyn togan ku yeelatay dhammaan bulshada reer somaliland ee ku nool dalka waxaanay in dhahaygu qabanayeen dadka ku nool caasimadda oo xidhan koodhadh iyo funaanado waaweyn oo ka celiya dhaxanta aadka u daran ee ka dhacaysay caasimadda iyo gobolada dalka guud ahaan.
sidoo kale waxay ishaydu qabanaysay dadka inta badan wata baabuurta ay gaarka u leeyihiin oo intooda badan muraayaduhu u dalacan yihiin iyo basaska dadweynuhu raacaan oo qofkii soo koraaba daaqadaha tiigsanaayo oo uu dalacaayay ama xidhaayay dhaxan awgeed.
Laakiin nasiib darro waxaa jira dad iyagu guud ahaanba ka duwan dadkaas aan soo sheegnay, waxa jira dad aan koodhadh iyo funaanado waaweyn oo dhaxanta kaceliaya aan xidhneyn oo feedho qaawanaan ku maraayay dhaxanta iyo duufaanta qabaw ee habeen oo dhan dhaacaysa.
Waa dad aan gaadiid raacaynin
Waa dad uu hoy u yahay dooxa weyn ee hargaysi
Waa dad hugoodu yahay kartoomada iyo bacaha daadsan suuqyadeenna
Waa dad aan helin cid cunto siisa
Waa dad aan helin cid daryeesha
Waa dad markaad aragto xaaladooda nololeed aad quluubta ka ooyayso
Waa dad dhibaatada hooyo iyo aabo la’aanta ay u dheeryihiin duruufaha noloshooda ku gedaaman.
Waxay wehel u yihiin:
Hoy la’aanta
Huy la’aanta
Dhaxanta
Gaajada
Cabsida
Caafimaad darrada
Dil joogto ah.
Daryeel la’aanta dhinac kasta oo nolosha ah
Waa dad aan haysan guud ahaanba baahiyihii aasaasiga ahaa ee nolosha
Waa dad aan helin xaqa iyo xuquuqda ay helaan caruurta dhigooda ahi
Waa dad aan helin xaqa iyo xuquuqda ay ku leeyihiin dalkooda iyo dawladdooda
Hadday noqoto:
Hoyga
Dhuuniga
Huga
Caafimaadka
Waxbarashada
iwm.
Aan idiin bayaanshee waa caruurta Darbi jiifka ah ee kusoo badanaaya suuq-yadeenna waaweyn ee dalka caruurtaasi oo ku tabaalaysan dalkeenna kuwaasi oo aan haysanin cid daryeesha oo door muhiima ka qaadata dayac tirka noloshooda.
Akhriste haddii aad u fiirsato dadkaasi waxaad arkaysaa qaar kamida oo bixinaaya dhawaaq aad u dheer oo dhaxantu ka keentay, sidoo kale qaar kamida oo dhaxanta markay u ad keysan waayaan oohin miciin sanaaya oo cid u jawaabtaana aanay jirin.
“Cidina uma maqna, ceelna u qodna”
Qaar kale waxay dhaxantu kulaysay dooxa weyn ee Hargeisa, sida marar badan dhacday in goor subax-nimo ah meydkooda loogu yimaaddo dooxa weyn ee hargeisa.
Akhriste waxaan isku deyaynaa inaan dhawr qaybood u kala qaadno dadka darbi jiifka ah ee aan soo sheegnay……
Lasoco…………….. Q2aad
Qalinkii: Khadar muxumed muuse (koodh)
Khadar_dagane@hotmail.com
Hargeisa,Somaliland