Waxa jirta xisaab laga maamulo “MADAXTOOYADA” oo rasmi ahaan loo yaqaano “ KHASNADA GUUD EE QARANKA- SUBHEAD 152”. Odoroska 2015 waxa loo qoondeeyay $ 39.5 Million(( SHL 236 Billion) .Wasiir Samaale wuxuu mas’ool ka yahay uruurinta ( CollectIion )). Guddoomiyaha Bangiga Dhexe wuxuu u xilsaaranyahay yahay kaydinta ( Custodian). Wasiir Xirsi wuxuu maso’ol ka yahay bixinta ( Disbursement). Madaxweynahu go’aminta ayuu leeyahay.Hanti Dhawraha Guud ma laha awood uu ku baadho. Distoorku wuxu siiyay Golaha Wakiilada awood daba gal iyo la xisaabtan,laakinse waajibkaas ma gutaan. Waa la aamusiiyay.
KHASNADA GUUD SUB-HEAD 152-
2014- 2015 Increase/korodh%
US $ 27.5 Million US $ 39.5 Million US 11.8 Million 43%
SHL 165 Billion SHL 236 BILLION SHL 71 Billion
43%
Xigasho : Budget 2015/ Exchange rate SHL 6,000
KHASNADA MADOW oo loogu tallo galay $ 39.5 Million ,waxay u dhigmaa 16% Budgetka guud ee Somaliland “$ 251 Million”. Sanadka 2015 waxa la kordhiyay $ 11.8 Million una dhiganta i.e 43% . Waxay ka badantahay budgetka Ciidanka Qaranka oo dhan US $ 30 Million (( SHL 180 Billion )) . Hadaba, waxa mudan in lays waydiiyo, halka ay lacagtaasi kasoo xerooto iyo sida ay u baxdo:
HALKA AY KASOO HOYATO (( SOURCES OF FUNDS )). Waxa ka mid ah : lacagaha laga qaado shirkadaha shidaalka & Macadan baadha (( Royalties)); lacagaha sida tooska loogu caawiyo shacabka Somaliland (( Direct Foreign grants)); Xaraashka & iibinta hanitda guud ee qaranka “ ; Qayb ka mid ah cashuurta Dekedda Berbera , bacadlayaasha iyo wadhatada suuqa “ WAHEEN”
HALKA AY KU BAXDO(( USES OF FUNDS))
Waa lacagta ku baxda kala xadka xildhibaanada Golaha Wakiilada; Casho gaynta dhalinyarada Jaamcadaha ka qalin-jebisa; Duqayda iyo madax- dhaqameedka la fadhiisiyo TVga Qaranka ; Xafladaha lagu maaweeliyo Marwooyinka Mudan ‘Ladies of high esteem “.Waa lacagta lagu aamusiisay siyaasiyeen iyo salaadiin bulshada ku lahayd qadarin iyo maamuus,laakinse maanta cudkooda hoos u dhigay.Waa lacagta guryaha looga dhisay qaar ka mid ah Hogaamiyaasha saddedxa Xisbiyada qaran “ Siduu Faisal sheegay”. Waa lacagta ku baxda safarada “Travel” , sacabka sagootinta iyo soo dhawaynta ; Waa lacagta ku baxda dhagax-dhiga mashruucyada madalayska; Waa lacagta ku baxda rinjiyaynta iyo nuuradaynta xafiisyada ;Waa lacagta loogu tallo galay iibsiga codadka – 2015 Election.; Waa khasnadda Madow ee lagac baxday “ BOOBA YA WADDANI”. Danyarta, bacadlayaasha iyo bulshawaynta Somaliland way soo jeedaan, way la socdaan , waqtigeedana way la sugayaan.ABWAAN HADRAAWI, wuxuu beri hore yidhi:
LACAG AAN DUR WADAN0 ;
LABA DAABAC SIDATIYO;
HANTI AAN DAL DHEER IYO
LAGA KEENIN DIBEDAHA;
DUCO WAALID SOO HAYNIN;
CARSHIGANA KASOO DEGIN;
DEEQDAA LA YAABKA LEH;
NINKA WEEL DARSANAYEE;
DIGASHADA SABOOLKIYO;
KU DARSADAY BADHAAHDAHA;
GODOBTIISU DEDANADA;
DOQONIIMO WAA KOW.
Hoodo Yusuf,london