|
|||||
WAJAALE NEWS
Boqor Buurmadow Waakii Cali Gurey Inoo Sheegayoo Waa Jaajuuska Is Jaajuusaya,
January 29, 2015 - Written by Editor:Marka hore waxaan salaamayaa bahda hadhwanaagnews ee had iyo jeer dadweynaha usoo deysa aragtida iyo cabirka fikirdaha kala duwan, hadaan intaa ku dhaafo waxa aan Maqaalkeygan kaga hadlayaa ninka layidhaa Boqor Buurmadow oo Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ku sheegaan Been madow waxa aan xasuustaa oo aan maskaxdeyda ka bixin hadalo deelqaaf oo uu ku weerarey ninkaasi Siyaasiga Cali Gurey kaas oo ahaa mid ka aradan oo ay ka maqan tahay milgaha iyo dhaqanka qof sheeganaya Magaca madaxdhaqameed taas, oo aad ku ogaan karto in dhaqanka hogaamintiisu tahay hido la iska dhaxlo oo ka awoow ka awoow lagu abtirsado, waxaad moodaa ninkan la baxay Buurmadow in bilowga taariikhdiisu madoobayd, intii aan la baran iyo markii la maqleyba waayo marka dib loo raaco raadadkiisa xunxun ee sumada Taariikhdiisa waxa cad in ninkani lagu maqley markii ay isaga iyo koox kale afduubeen Nin weyn oo oday ah oo Gancasade ah(Juujuule) taasi waa markhaatiga cadeynaya inuu markii hore ahaa budhacd ama tuugo aan la aqoon haseyeeshee, waxa igaga filan in aan halkaa kaga hadho odhaahdii Mujaahid Cali Gurey ugu jawaabay ee aheyd Jaajuuska is jaajuusa taas oo mahadho ku ah marka dhinac walba laga rogo sooyaalka noloshiisa bal xasuuso akhristow wixii uu ku maagay Mujaahid Cali Gurey, Salaadiinta Gobolka Awdal iyo Madaxdhaqameedkooda,Jamaal Cali Xuseen, Reer Gabiley iyo dilkii Qorilugud waa ayaamo is daba socda oo aan raadkoodu qarsoomin marka uu hadana Samaale ku maagayo Rayaaluu aflagaadeeyay isagoo Madaxweynaha la jooga aleylehe makaasaan is jaajuuseyn kolay Samaale laaluushbuu ku dilayaa ee waa rag is aqoon bay ila tahay halkaaba aan kaga hadho.
Axmed Cabdi Habane Boorame Somaliland habane13_09f@gmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|