Hal-abuurradeenna ayaa iska codsan jiray in hadalka la isu joojiyo si sheekada loo beddelo oo mowjado kale looga hadlo. Ka-rog oo haddana saar
“Wadaamaha la dawdabay,
Dan-yartay ka maqan tahay,
Raacdadu ma daallana,
Dorraad iyo shalay-jire,
Doorka maanta noo jire,
Dib-u-jire hadhow-jire,
Ninba weel u daray baa,
Deyn loogu leeyahay,
Diiwaanka qarankiyo,
Taariikhdu dug ma leh,”
Maansadii Awrka dooh ma lagu yidhi ee Cabdi Iidaan Faarax ee Deelleeydii kuna taariikheysneyd: 7/4/1980kii, Hargeysa,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com,www.dharaaro.com
Qormada: 15aad
10/1/2015ka Hargeysa,
Dhex-taal dhex-tuur ah
Qaababka aadka u liita ee ay Xukuumaddu isu buriso ama isu maax-dumiso:
Hal-abuurradeenna ayaa iska codsan jiray in hadalka la isu joojiyo si sheekada loo beddelo oo mowjado kale looga hadlo. Ka-rog oo haddana saar, ma maqli jirteen. Si xishmad iyo xarrago leh ayay is-maqalka iyo isu-joojinta isu weydiisan jireen. Hadraawi ayaa maansaidiisa Gol-janno ee 1983kii isaga oo dhiggiisii Gaarriye la hadlaya ku yidhi:
Haki Maxamed geenyada,
Hasha Garow u yeedh-yeedh,
Godol oo u gaal-gaal,
Gabantana ka yara celi,”
Wax kale ugama uu gol lahayn tuducan oo aan ahayn: sheekada ayaan inoo yar beddelayaaye in yar I sug. Waxa hubaal ah in uu ku soo noqon doona mowduucii hore ee socday. Marka dambe ee uu mowduucii hore ku soo noqonayana baaq la mid ah kaa hore oo dareensiin ama dareen-gelin ah ayuu bixinayaa. Aniguna ku-soo-noqodkayga mowduucii inoo socday waan idiin gacan-haadin doonaa markaas e’, ila socda.
Anigana heesta la iguma baran e’, aan tiraab idin kaga codsado in aynu yar hakinno Gorfayntii Barnaamajkii ballan-qaadka afka ah ahaa ee Xisbiga Kulmiye ee taxanaha ahaa ee maalmahanba inoo socday. Qoraal aan badnayn oo qormo, laba ama saddexba gaadhi kara aan dhex geliyo oo aynaan ka maarmayn in aynu wax ka nidhaahno. Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu inagu simo in aynu isagana si fiican u dhex-qaadno oo gorfayn mowduuciya oo aan been iyo afka baarkiisa ahayn ku samaynno. Inta daafacysaana bannaanka ha u soo baxdo, haddii ay wax isla hayaan.
Dhex-taalkan dhex-tuurka ah ee kooban ama gaabanba waxaan u holladay in aynu qoraallada Xukuumaddan isma-og u maragsanno sida aanay waxba isula hayn. Waa habeenkii xalay ahaa ee tegay in ay hawl si fiican oo qurux badan oo farshaxannimo leh u tifaf-tirtaa. Sida ka muuqata, dadka intiisa badanina ka markhaati yahay waxay ku far-san tahay oo aanay cidina kula tartamayn dhaca iyo boobka hantida ummadda. Dhoofka, dhar-xidhashada iyo dhurashada kheyraadka dalka ee ay koobka ku qaadday oo ay horyaal iyo hormuudba ku tahay sida dadka intiisa badani aamminsan yihiin. Ma aan sheegin dhuuni-raacyada dalqada indhaha ku leh ee waxba ka xishoon ee dhar-xishada, dhurashada hantida iyo dhoofkuba maanta u yahay, ma se lagu waari doonaa! Bal adba!
Hore waxaan idiin ku sheegay in wax ballan-qaad loogu yeedho laba arrimood oo keliya laga hayay Xukuumadda iyo Xisbigan Kulmiye ee aynu sida cad u og nahay in aanu wax talo ah gacanta ku haynin. Labadaa arrimood waxay ahaayeen:
1. Barnaamajkii Ballan-qaadka ahaa ee Xisbiga Kulmiye ku galay ololihii dorashada ee 2010kii oo aan ilaa maanta qoraal iyo qiimayn rasmiya oo mowduuciya (objective) midna laga samayn. Run ahaantiina lagama samayn karayo oo Xisbi Barnaamajkaa fuliyaana ma jiro, Xukuumadduna Golaha Wasiirrada ma ay geynin oo ma sharciyayn fulintiisa ama hirgelintiisa, horena si faah-faahsan ayaan idiin ku soo bandhigay,
2. Arrinka 2aad waa qorshihii horumarinta ee 5ata sannadood ahaa iyo Hiigsigii 2030ka ee Wasaaradda Qorshayntu daabacday, bal se aanay cidina isku hawlin fulintiisa, ilaa maantadaa aynu joognana aanay cidina ka war hayn wuxuu ku dambeeyay.
Intaas oo jirta ama dhacdayba, ayay Xukuumaddeenna Isku-filan Isu-boga, daabacday wax Buug u eg oo lagu magacaabay ama lagu suntayba: Wax-qabadka Xukuumadda sannadkii 2013ka. La-ye waa Buug. Waa sida ay yidhaahdeen. Dadka qaarkii waxay u yaqaanniin Buuggii Cagaarnaa. Waxaan iska saaraa magac-bixintaas ninkii suxufiga ahaa ee Khamiistii, 1/1/2015ka iigu deeqay nuqul ka mid ah. Waa 115 Bog. Waa 115 Bog oo u badan aswirro aan macno badan xanbaarsanayn, bal se lagu marriimay waxyaabaha la leeyahay waa la qabtay ee aan macnaha sidaa u sii ridan lahayn. Sawiirradan bogagga lagu tuulay waxa kale oo ay ka tarjumayaan in markii la waayay wax run ah oo meesha lagu qoro la iskaga buuxiyay xaashadaha bug-ku-sheegga. Hadda bogagga qaarkood wax kuma qorna ee afar ilaa sawir ayaa lagu buuxiyay.
Mararkood ayaan u holladaa in aan qoraalladan joojiyo, maxaa yeelay waxaan is-idhaahdaaba Xukuumadda abaal-daran ayaa wax taraysaa oo waxyaabo ay faafin kari weyday aad u faafinaysaa oo dadweynaha gaadhsiinaysaa. Barnaamajkii ballan-qaadka ahaa ee ay ku gashay doorashadii 2010kii dadka intiisa badani ma arag. Waxa dhab in ay in badan qoraalkaygan ka daalacan doonto. Waa qaan aan ku leeyahay oo falanqayntu bal ha joogto, dadkii ayaan barayaa Barnaamajkoodii ay gaadhsiin kari waayeen. Wax-tar inta ay u qaataan mahadsanid I odhan maayaan e’, weliba anigii ayay doonayaan in ay af iyo qoraalba igu xagxagtaan. Xaggee lanagu kala xisaabayaa. Bal tabaaladaa daya. Waa intaas oo xil-side, xil-dhibaan, xil-ma-qaad, xil-ma-dhaad haddana mid soo roganaya ma laha. Maxay sheegi karayaanba, waxaan duunyo ahayn indhahoodu ma arkaan e’.
Waxa buug-ku-sheeggan soo saaray oo weliba ku faanaya Xafiiska Madaxtooyada, qaybta u qaabbilsan Is-gaadhsiinta ama Xidhiidhka Xukuumadda (Government Communication). Jeldiga sare oo keliya, hadda waa ka ugu horreeya ee ay ishuba ku dhacayso, waxa ku yaal afar sawir oo ay leeyihiin Madaxweynaha iyo Madax-weyne-ku-xigeenku. Hadda waa afar sawir. Miyaad wax sidaas oo kale ah weligiin maqasheen ama aragteenba. Ma aamminsani in ay Madbacadda Sagaljet sidaa garatay, bal se waxay u badan tahay in nimankii la ordayay ee Buug-ku-sheeggan sitay sidaa dalbadeen. Iyaga quruxda iyo habaynta Buuggu macno caynkaas ah uguma fadhido. Waa niman diihaal la sahaya oo waxa keliya ee u darani waa kharashka ugu jira iyo sidii ay Madaxweynaha u tusi lahaayeen sida ay sawirradiisa ugu shaxeen Buug-ku-sheeggan.
Jeldiyada hore iyo dambe iyo waraaqaha buugguba waa qaar culus oo dhalaalaya (galvanized paper). Gebi ahaanba waa midab. Si qurux badan ayaa buug ahaan loo daabacay oo madbacaddu si xarrago leh ayay xilkeedii u gudatay. Waa Sagaljet, Hargeysa. Ma hubo, waxaan se is-idhi Jeldigu waa 250mg, halka ay xaashiyuhu ka yihiin ilaa 150 mg oo warqado qiime leh oo fiican ah. Badanaa buugaagta aynu akhrisanno waraaqaha lagu daabacaa waa 70 ilaa 80 mg. Halkaa ayaad ka qiyaasi karaysaa tayada jeldiga iyo waraaqaha la adeegsaday oo midab iyo dhalaalba leh.
(La soco berri, haddii eebbe idmo)