Reer Awdal Maaha Dad Nabadgalyadooda Qori Lagu Ilaalin Karo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Reer Awdal Maaha Dad Nabadgalyadooda Qori Lagu Ilaalin Karo
December 22, 2014 - Written by Editor:

Taariikhada hore u soo jirka ah ee Dadka Awdal degan waa mid sal iyo raad ku leh gabi ahaanba Somalia

Waxaan halkan salaan qiimo leh uga soo gudbinayaa akhristayaasha

sharafta leh ee ku xidhan warbaahinta ku hadasha afsoomaaliga intaas

ka dib hadaan u soo daa dago dulucda maqaalkayga oo ah halka ay

qabyaaladu inaga gaadhay hadaan nahay dadka soomaaliyeed gaar ahaan

waxaan maanta awooda saarayaa gobolka Awdal.

markaan dib u raacno taariikhda dhaqameedka reer Awda(lHalkan Ka Akhri

Taariikhda Reer Awdal) waxa ay ahaayeen umad soo jirtay qarniyo aad u

fog kuwaas oo u badnaa xoolo dhaqato reer mi’i ah iyagoo ay ku yarayd

in ay guur guuraan sababtoo ah dhulka ay daganaayeen ayaa ahaa dhul

aad u barwaaqo badan dhinac kaste marka aad ka eegtid waxa ay ahaayeen

umad ay u dhamaystiran tahay wax walba oo uu u

 

 

 

 

baahan yahay qof in uu

helo.

Taariikhada hore u soo jirka ah ee Dadka Awdal degan waa mid sal iyo

raad ku leh gabi ahaanba Somalia gaar ahaan Qaybta Gobolada Waqooyi

Halkaasi oo ah meesha sida rasmiga ah ay degan yihiin.

Hadaba dadkani waxaa lagu magacaabaa dad matali kara bulsho weynta

Somaliyeed qaybaheeda kala duwan, waana dad kasbaday arintaasi qaybo

badan oo udub dhexaad u ah qaybaha bulshada oo ay ka mid yihiin

(dadnimo la dhaqan, Aqoon, Waayo aragnimo iyo xeeldheeri).

Reer Awdal waa dadkii ugu horeeyay ee madaxtinimo Soomaaliya ka

sameeya taasi oo ahayd Boqortooyadii (Ifad/ Adal Empire) oo ay

fadhiisimaheeda ugu waa weyn ahaayeen Gobolka Awdal, waa meesha uu

magaca Awdal ka yimiday.

Gobolka Awdal waxaa uu ka tirsanaan jiray duulimaadkii Ingriiska,

waxaanu ahaa gobolka Awdal halkii ugu horaysay ee uu ka soo galo

Ingiriisku markii u soo dagayay Somaliland ama gobolada waqooyi ee

Somalia.Madashii ugu horaysay ee qorshaha ugu jirtay in uu dego waxay

ahayd Magaalada Saylac oo markaasi hoos iman jiray ismaamulka Adal

Empire.

Hadaba dadka degan gobolka Awdal waa dad aan lagu aqoon in ay

qabyaalada ku dheereeyaan maxaa yeelay haday qabyaalada ku talax tagi

lahaayeen halka ay maanta joogaan may joogeen.

aan ka soo qaadano markii la samaynayay Somaliland 1993 waxa la

fadhiyay Borama mudo gaadhaysa 6 bilood hal erey ama hadal ka soo

yeedhay oo ah in ay qabyaaladeeyaan walaalahooda martida u ah ee u

dhiibtay in ay hogaaminayaan ma jirin.

aan u gudbo magaalada Borama oo ah caasimada gobolka Awdal waa magaalo

marka ay dadku maqlaan niyadooda ku soo dhacda labo shay oo kala ah

Nabadgalyo iyo Aqoon.

Daliilka ah in Borama ay ku talaabsatay horumar iyo nabadgalyo waxa

aan ka soo qaadan karnaa maqaal ku qornaa joornaalka ka soo baxa

caasimada Kenya ee Nairobi lana yidhaahdo Daily Nation uu kaga

sheekeeyay horumarka iyo nabada ka jirta magalada Borama isagoo ku

sheegay in ay tahay magaalada ugu amniga badan geeska Afrika(Halkan Ka

Akhriso Maqaalka) isagoo sii wata hadalkiisa waxa uu sheegay in dadka

Soomaalida wax bartay ay ka yimaadeen gobolka Awdal, dadka haysta

shahaadooyinka ugu sar sareeya Soomaalidana ay 90% yihiin dadka degan

gobola Awdal.

Hadaba Maxaa ay tahay sababta aan imika u aragno saan saan

qabyaaladeed oo ka soo ifbaxaysa gobolkeena Awdal.

dadka qaar ayaa waxa ay tilmaamayaan in ay sabab u tahay

shaqaaqooyinka ka jira gobolka maalmihii la soo dhaafay halka ay

qaarna u arkaan in ay soo bilaabantay xiligii lagu jiray in magaalada

Borama lagu soo dhaweeyo Ugaas Abdirashid Ugaas Rooble Ugaas Doodi.

sida aan filayo idinkuna aad ila qabtaan weli dadka degan gobolka

Awdal waxa ay u bisil yihiin in ay aayahooda ka tashadaan iyagoo

xeerinaya dhinacyo farabadan.

aan jaleecno hadaladii ka soo yeedhay suldaan Abubakar Cilmi Wabar.

Suldaan Wabar waa shaqsi aan anuu si dhab ah u aqaano mana doonayo wax

aan ahayn in uu dhalinyarta aan ka midka ahay waxa ay beri la kulmi

lahaayeen uu u sii gogol xaadhayo uuna jecel yahay in ay dhalinyarada

gobolkan ku nool ka helaan waxa ay sharciga u lahaayeen mana rabo wax

dheeri ah.

odayada aan taladooda ka dambaynaa waa udub dhaxaadka nabada ay reer

Awdal ku faanaan iyaguna waxa ay dhawrayaan in wixii la ilaalinayay

mudada dheer ee ahayd nabad galyada aan ugu faano qayrkayaga ee looga

yimaado meel walba oo ay somalidu dagto ayna ku bur burin si dhayal ah

oo aan laga fiirsan iyagoo ku doodaya in arin marka la gaadhayo loo

baahan yahay in la isla ogaado oo nina uu dhiishiisa buuxsanin iyadoo

aan la ogayn.

waxa aan guntii iyo gebo gabadii leeyahay dhalinyarada iyo wax garadka

reer Awdal in aan sidii la inagu yiqiinay ee ahaa wadatashiga iyo isku

tanaasulka aan muujino oo wixii inaga hor imanaya aan iska qabano.

ugu dambayntii waxa aan hadalkayga ku soo koobayaa in wanaaga iyo

tixgelinta reer Awdal yahay waxa ay Somaliland ku dhisan tahay

ciidamada la keenay gobolkana ay uga lexe jeclo badan yihiin nabada ay

leeyihiin waan ilaalinaynaa.

 

 

WA BILAAHI TAWFIIQ

 

Abdirashid Abdi Jama (rashka)

Free Journalist

Borama Awdal –

COMMENTS
LINKS