|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha JSL oo Caawa Booqday Suuqyada Caasimadda
December 12, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews) Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa caawa si shaqsi ahaaneed u booqday qaybo ka tirsan Caasimadda isla markaana suuqyada kulamo la yeeshay dadka muwaadiniinta ah. Madaxweynaha JSL oo caadiyan sameeya socdaalada noocan ah ayaa waxa ujeedadiisu tahay sidii uu u xog waraysan lahaa bulshada Somaliland, sida ganacsatada oo uu meherahooda ugu tago iyo dadweynaha caamka ahba. Socdaalkiisa caawa ayaa Madaxweynahu waxa uu ku gaadhay goobaha ay dadweynuhu isugu yimaadaan oo uu ka mid yahay Hotel Summer-Time, Garoonka Kubadda cagta ee Turkiga oo dhalinyaradii ku ciyaaraysay si weyn u soo dhoweeyeen iyo goobo kale oo ka mid ah suuqyada caasimadda, iyadoo meel kasta oo uu tagana ay Dadweynuhu farxad ku qaabilayeen. WAJAALENEWS DESK
Related posts:DAAWO;-Warbixin Laga Diyaariyay Deegaanka Beeraha Ee Ceel Giniiseed Ee Gobolka Gabiley Iyo Sida Uu U... Caa'isha Romano: Sababaha aan ku jeclaaday diinta Islaamka, Itusayna in Qur'aanku yahay kalaamka All... Madaxweynaha Jsl Oo Xadhigga Ka Jaray Haamaha Keydka Shidaalka Ee Dahabshiil, Kuwa Gaastana Dhagax D... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|