Ujeeddo; TACSI
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , ka hogaanka xisbiga, Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu Tacsi u dirayaa qoyskii,qaraabadii, Asxaabtii iyo Bahda saxaafada Somaliland ee uu ka baxay Xoghayihii Ururka Solja Marxuum Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax oo ku geeryooday magaalada Nairobi.
Gudoomiye Biixi wuxuu Alle uga baryayaa marxuumka inuu u naxariisto Eheladii,qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iiman ka siiyo.
Aamin Aamin Aamin
ALLAH MAHAD LEH
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Md. Muuse Biixi Cabdi