GUDAHA KA AKHRI ;GABAYGA (RAAD ABEESO) ABWAAN MAXAMED AW CALI CARTAN “Haldeeq” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
GUDAHA KA AKHRI ;GABAYGA (RAAD ABEESO) ABWAAN MAXAMED AW CALI CARTAN “Haldeeq”
December 31, 2014 - Written by Editor:

Gabaygan RAAD ABEESO” waxa curiyay    Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan “Haldeeq”, 25.10.2014 Gabaygani waxa uu si qoto dheer u iftiiminayaa dhibaatada iyo aafada culus ee ay qabyaaladdu nolosha bani aadamka gayaysiiso. Iyo sida ay bulshada Soomaaliyeed u ragaadisay. Gabaygan loolama jeedo cid gaara, balse bulshada guud ahaan iyo gaar ahaanba waa mid khuseeyaa waxana uu ka digayaa cidhib xumaanta Qabyaaladdu gebi-ahaanba nolosheenna ku hayso, maamulka, caddaaladda, shaqada, horumarka, midnimada iyo jidka nolosha cagaaran, waxa uu Gabaygu waano u yahay inta ummadda xilka u haysa, hoggaanka, siyaasiga, xisbiyada, goleyaasha, madax dhaqameedka, inta ummadda u hormuudka ah, da’yarta iyo shicib waynaha, laga dhaadhiciyey qabyaaladda, Wuxu ku bilaaday sidatan:

 

Rakaal gabay Cashuuruuw inbadan, maan rogaanrogine

Ma rakaadin raasiga midhii, ridimku saarraaye

Ma riddaynin rooxaanigii, raahibka ahaaye

Ma rakibin manaan rabin, umana roorayne

Ma racwiyin ma raaridin tixii, sooma raarogine

Maanso uguma raaxayn dhegaha, raatibtaan baraye

Maantana rabbaa ii diraye, kuma riyoonayne

Rigta danab riddaa waran dhulbaan, riig ku qodayaaye

Rokodkeeda faallee halkaan, rabay inay gaadho

 

Inkastaba ka raagoo qalbiga, reel godlaa jira e

Waa raysin gaaxdoo marbaad, ramad salaaxdaaye

Riigaanka xiinkiyo marbuu, roob ku kiciyaaye

Ruxankiyo dabayluhu marbay, riix ku mariyaane

Ruxay dawanka raadaal caroog, riin dhawaaq kulule

Suugaan rankeediyo midhaha, raar horlaan furaye

Ruuddanaan Sandheeroow rabaa, reer ku doogsada e

Aftax raawa-raawaha Ra’ doo, Reged ku weedhaami

 

Oday nolosha raadshoo rog-rogay, amase raad goobay

Saadaasha raajici godkii, ribban ka faallooye

Rag malluugta raaca iyo xidigis , ruuxiyaa jira e

Ruug caddaagu hillaad raaran buu , talo ka reebaaye

Anna ruuf rajalaha dushaan, raanta falanqayne

Rokodkeeda faallee halkaan, rabay inay gaadho

 

Rucdi baa ku yuurura dadkiyo, raaquf laasimaye

Rixim -goys raxmad nimaan lahayn, nalagu soo raafye

Rabbi nimaan aqoon iyo runbaa, raysinkii helaye

Liciin ruxaya daaf iyo qabiil, reer ballaysime e

Rog-rog malaha rajo iyo gadaal, taliyo raadkeede

Ra’yi lama wadaagiyo aqoon, yawgu midho roone

Raganimo waxaw mudan rubaab, ruux adduun sida e

Riyo-raac hadduu yahay milgaha, tiisa lagu raacye

Ruuggaa laysu faytoo adduun, shilin la raacdeeye

 

Raba-rabada been raamsigiyo, ruufka iyo taaha

Ruquunbaha dalaal raadintiyo, reer isugu baanka

Lufad raradka ribo orod ku doon, rubuc ku haaraanka

Rogob duugge ruux dagan ajale, raar indhaha saare

Is rogaan-rog raqad laba wejile, subaxba qaar raace

Raran huriye risiq olol ku doon, riximka jaajuuse

Ragaad kiciye Qaran ruugga jare, raq iyo mayd duuge

Riyo geliye wadnaha roorka sudhe, hadalka raaxeeye

Ramad gudhiye hal aan rimin sallaax, reer indhaha saabshe

 

Ri’ ma dhaafe riyaal saxar ku qaad, raashin ma hanbeeye

Raad jiirle halkuu rudhay afuuf, ra’ iyo been dhaarte

Af raxiimle agoon rodol ka xade, raad-gad salabayste

Isku ride kuraan ruug ku dare, liqe ma riixoode

Isku riixe Rati soo fadhiya, roog iskaga biiye

Lafta ruuge gondaa kama ruqade, raamsi kama daale

Dhibiiq roora raran iyo kudkude, nalagu rookeeye

Riq-riq iyo raxaad bays bedelay, raaquf been sida e

 

Ruux waliba ruux buu god dheer, dib ugu riixaaye

Rifaa waliba raadkii horuu, dib u rusheeyaaye

Raqle waliba raqda wixii hadhuu, raaquf leeyahaye

Rite waliba rubuc yaallay buu, rodol ku duubaaye

Rubad waliba riyaal bay kuraan, raaci leedahaye

Raxan waliba ruushkii tegay, qalinka raacdaaye

Rajiim waliba reer buu u yahay, ina Rasuuleede

Radiiqaaba reer baa u xulay, raamsi iyo boobe

 

Raggu horumar riyuu kaga jiraa, beliyo reer-reere

Ruuxii guul rumaynlaa qabiil, reebayaa dilaye

Rajadeedu waxay raaran tahay, meel runduuda ahe

 

Rogaal celiska maansada adaan, kuu rog-rogayaaye

Bal aan rays-ma-gaadhadan mar kale, yeel ku raarido e

Ka rakaado oo dhuux wax baa, la iska reebaaye

 

Afartaa sidii roob onkoday, ma uga riigaanshay­?

Ma riddeeyey sida leeb halkaan, rabay ma liishaamay?

Ma raseeyey gabay raagayoo, arar ma riigeeyey?

Sidii raysin aan horay midhii, ma u rakaad saaray?

Sida riinka dhiilada la rido, ma ugu reexaamay?

Rogaal celiska maansada adaan, kuu rog-rogayaaye

Bal aan rays ma gaadhadan mar kale, yeel ku raarido e

Ka rakaado oo dhuux wax baa, la iska reebaaye

 

Reer muslima riijam gaalo taal, ama cawaan ruusha

Raas waliba dhaqan uu raboo, raacayaw qorane

Ruuxba xeer rabbeeyiyo dhigaal, riixayaa xidha e

Reer qabyaalad diin raaciyoo, raba dastuur gaalo

Dhaqan reer galbeed iyo nidaam, laysku raray haysta

Oo raadsha nolol raagta iyo, raaxo lagu waaro

Maw rumoowdo rabitaanka qaran, waa riyoo kale e

 

Ruqan wayaday ruqo kii lahaa, dabada riixaaye

Ra’yi malaha raacdada nin yidhi, reer ku soo xulo e

Rajadaada waw cadaw nimaad, qolo ku raacdaaye

Wax ku riiqay rifaagaad adduun, ugu rixlayseene

Sooma ramadsho rijaalkii dhurwaa, geela raacsadaye

 

Sidii raad carruureed dib baad, isu rogaysaaye

Raad arooryo weeyaan illaa, Raydab khaatumo e

Markaad roor tidhaahdaba dib baad, fadal u riixdaaye

Waa dhego radeebmiyo ilaan , dayaynin meel roone

 

Rogaal celiska maansada adaan, kuu rog-rogayaaye

Bal aan rays-ma-gaadhadan mar kale, yeel ku raarido e

Ka rakaado oo dhuux wax baa, la iska reebaaye

 

Rag ninkii aqoon iyo garaad rabbi, ku maansheeyey

Waajib baa ku raran oo inuu, reebo loo diraye

Maad rumaysan raggii hore murtay, kugu rakaadeene

Maad rumaysan rankii Tima-Caddiyo, inan rijaalkiiye

Maad rumaysan ramad iyo Gaariyoo, ruudda kuu xulaye

Maad rumaysan Af-qallooc rajada, raysin kuu godolye

Maad rumaysan Iidaan raabiguu, reemi jiray waa e

Maad rumaysan riddii Qaasim iyo, rididimkiisiiye

Maad rumaysan rucubtii Gadhliyo, raarkii maansada e

Maad rumaysan rigtii faarax nuur, midho rasayntiiye

 

Gabay raagay Hadraawoo rakibay, kaama raaridine

Arar raad leh Ganay maad rumayn, tixaad ka reeb taane

Rabbuun baa dhegtuu waaniyaa, talada raacdaaye

Aniguna rarkeeda iyo xilkaa, wayska ridayaaye

Rogaal celiska maansada adaan, kuu rog-rogayaaye

Bal aan rays-ma-gaadhadan mar kale, yeel ku raarido e

Ka rakaado oo dhuux waxbaa, la iska reebaaye

 

Riga_rigada maansada waxaan, gabay ku rookeeyey

Rogmashiyo halaag iyo raxaad, aafo lagu riiqday

Rucdi iyo masiibiyo xanuun, raaftir lagau sheegay

Rafaad belo khilaaf baa u wayan, lagau ridaa duule

Rar-raroo dhammaantood haddaad, gees isugu riixdo

Rabbiiloow qabyaaladi dhib waa, rixim u hooyaahe

Rugna kuma negaatoo ifkay, raran ku oogtaaye

Waa Raad-Abeesoo majiro, ruux ku doogsadaye

Bal aan rays-ma-gaadhadan mar kale, yeel ku raarido e

Ka rakaado oo dhuux waxbaa, la iska reebaaye

 

Ruug jabay ruclaha diid luguhu, fadal ma riixaane

Roorka dhabarka riciraha miskaha, raar is wada dhaafay

Haddii raqabad rubad iyo afwayn, riin ku kala boodo

Raamsiga ilkaa iyo indhuhu, ruxan ma daayaane

Noloshuna rabbay kaa rabtaa, ruul la qaayibo e

Raas caddaaladeed baa naflaha, raaxadii tahaye

Meel kalood u raacdaaba waa, daw ragaad badane

 

Noloshii rafaad badanba waa, lagu raxaadaaye

Raaf dillaaca ruux kastaaba waa, raran gubyoodaaye

Guri raran leh raas dulin ka kacay, waad ka rogataaye

Hoggaankii ruquusaana waa, raygalaa qarane

 

Raqdan ubadka baddu soo rogtaye, Rooma lagu daadshay

Inta bahalku raamsaday dadkaa, dhidarku ruugaayo

Raxan raxan maydkays barkaday, waa rag kaa maqane

Waa runtoode rajo xumay lafaha, ugala rooreene

Dan baw riixday inay raadiyaan, nolol ka door-roone

 

Rogaal celiska maansada adaan, kuu rog-rogayaaye

Bal aan rays-ma-gaadhadan mar kale, yeel ku raarido e

Ka rakaado oo dhuux waxbaa, la iska reebaaye

 

Intii lays riq-riqayaa hir kale, soo ruqaansadaye

Ruux halkuu ka guuraba dar baa, lawdh ku soo roga e

Rugtaad gacal ka riixdaba dar baa, reer ku soo fura e

Wakhti aan ridnayn baa guryahan, ruush hantiyayaaye

Rabboo caynsha mooyee ma ogi, raaftar kuu hadhaye

Raad qabyaaladeed iyo jid kaad, raacday soo xidhanye

Raasamaalka raandhiiska hadha, nolosha raadkeeda

Riyadaadan reer hebel waxay, reebto la arkeeye

Rajadaadii aayaha haddaad, sii rafacaysaaye

Rawaxaadda uun dhawr dal aad, rahantay weeyaane.

 

Dhamaad

 

COMMENTS
LINKS