WAJAALE NEWS

Cisbitaalka Magaaladda Berbera Waa Caddaabtii Ifka! (Warbixin)

Berbera,(Wajaalenews) Xaalada cisbatalka Guud ee magaalada Berbera ee gobolka Saaxil ayaa laga dayrinayaa kadib markii adeegii cisbatalkaasi uu maalinba maalinta ka sii danbysa uu hoos u sii dhacaayay, waxa gabi ahaanba meesha ka baxday gacan ku hayntii cisbatalkaasi oo u adeega gobolka Saaxil iyo deegaanada ku dhow dhowba, waxa sii bakhtiyaaya shay baadhada cisbatalkaasi oo ah kuwo duug ah isla markaasina aan si fiican xiligani aan u shaqaynin iyada oo gabi ahaanba ay meesha ka baxday oo aanu cisbitalkaasi xiligani lahayn khashaafda lagu sawiro lafaha ama lagu eego lafaha qofka jaban ama cad go’u uu la soo gudboonaado sidoo kale waxa gabi ahaanba meesha aan oolin daawooyinka mihiimka ah ee aasaasiga ah ee cisbitaalada magaalooyinka kale yaala, cisabtalka ayaa lagu soo xoomaa sanadkii mar ama labadii sanadoodba mar xiligaasi oo ay dhakhtarka yimaadaan dhakhaatiir dadka indhaha u jeexda oo si bilaash ah dadka u daaweeya, xiliyada qaarkoodna laga qaado xoogaa guno ah, adeegaasi mooyaane ma jiro wax adeeg caafimaad ah oo ka socda cisbitalka guud ee magaalada Berbera.

Waxa gabi ahaanba aan jirin dhakhaatiir joogto ah oo cisbitaalkaasi ka hawl gasha taasi oo ay ugu wacantahay xukumadda Siilaanyo oo aan xooga saarin adeega bulshada gaar ahaan caafimaada siiba magaalada Berbera oo hadii ay sidaasi ku sii socoto cisbatalkeeda albaabada loo laabi doono.

Dhakhaatiira ka hawlgasha cisbatalkaasi ayaa ka yimaada magaalada Hargysa iyo mararka qaarkood oo laga keeno magaalada Buerco si ay halkaasi uga hawl galaan, mana jiraan xiliyada habaynkii ah hadii wax dhib ahi ay magaalada ka dhacdo dhakhtar joogto ah oo loogu iman karo cisbatalka iyada oo dhakhaatiirta maalintii ka hawl galaa ay u caraabaan dhanka magaalada Hargysa, marka laga reebo dhakhaatiirta gaarka ah ee iyagu fadhiista meelaha gaarka loo leeyahay sida Faramasiiyada, iwm.

Isku soo wada duuboo hadii aan cisbatalka magaalada Berbera oo sii bakhiyaaya aan loo guirman waxa si dhakhso ah loo arki doonaa cisbatalkaasi oo gabi ahaanba meesha ka baxay, taasi oo maantba qofka gacan ama lug ka jaba loola cararo dhakhtarka Hargysa ama Burco si loogu soo sawiro isla markaasina loogu soo kabo.

Magaalada Berbera ayaa dhaqaalaha dalka soo galaa uu badideedu ka yimaadaa dekada magaaladaasi oo camiran isla markaasina maalin walba ay soo galaan maraakiib iyo doonyo sida badeecadooyin kala gadisan

Exit mobile version