Aqbalay inay dawlada Somaliland horumar gaadhsiisey reer Gabiley,haddaba fadeexadan maaliyadeed yaa masuul ka ah! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Aqbalay inay dawlada Somaliland horumar gaadhsiisey reer Gabiley,haddaba fadeexadan maaliyadeed yaa masuul ka ah!
December 4, 2014 - Written by Editor:

“Muwaaddinku wuxu xaq distoori ah iyo mid diini ahba u leeyahay inu qayb ka noqdo go’aannada

siyaasadeed, maamul iyo dhaqaale ee saamaynta ku yeelanaya noloshiisa & fayoqabka degaanka uu ku

dhaqan yahay. Sidaa daraadeed waa inu helo xogaha la xidhiidha maamulka khayraadkiisa iyo

maaraynta caqabadaha hor taagan horumarkiisa dhaqan-dhaqaale”. Nidaamka hogaaminta suubban

ee dimuqraaddiga ah heer kasta ha ahaadee, waxa xuddun u ah hufnaanta shaqada, dhawrista

xuquuqaha madaniga ah, dhismaha kalsoonida bulshada iyo ogolaanshaha la xisaabtan dhab ah

oo dhinaca maamulka iyo xakamaynta maalliyadda khuseeya.

Haddaba aan kuu soo qaddimo in wadarta guud ee miisaniyadda D/hoose ee Gabiley afartii sano ee uu

xisbiga Kulmiye hayey mayalka hoggaaminta dalka oo dhan Sl/Sh. 47,611,108,000/= una dhiganta

xaddi ka badan USD7,106,730 (toddoba milyan oo dollar marka $1@6700Sl/SH). Haddaan gaar u

muujiyona wadarta miisaaniyadda ee labadii sano ee 2013 (13,827,419,000) iyo 2014

(17,789,076,000) ayaa waxay dhan tahay qaddar ah Sl/Sh 24,852,965,000 una dhiganta USD

4,976,509.00 Markan haddaan muujinno sida loo kala shaxaystay sida ka muuqata nuqullada afarta ah

ee miisaaniyadda, ku dhawaad USD 2,508,015.62 ama 34% ayaa loo adeegsaday wax lagu sheegay

fulinta hawlaha maamulka, taasina waxay caddayn buuxda u tahay arrinta ay mudnaanta koowaad loo

siiyey siyaasadda dawladda ee maamulka degmada Gabiley. Si Gaar ahna labadii sano ee ugu

dambeeyey waxa hawlaha noocan ah loo adeegsaday hanta gaadhaysa ilaa USD1, 739,785.28, (ku

dhawaad hal milyan iyo toddoba boqol oo Kun dollar) taasi oo 6 jeer ka badan qaddarka loo yaboohay

hawlaha xarumaha adeegyada bulshada afarta sano oo dhan.

Adkaynta nabadgalyada iyo hawl gallada ciidanka booliska ayaa iyana lagu macneeyey in lagu

maalgaliyey hanti lagu qiyaasay USD 659,800 ama 9% taas oo labadii sano ee u dambeeyey ay ku baxday

USD 415,015 oo ka mid ahi sida ka muuqata. Sida muuqatana 18.5% maalliyadda degmada oo ah

qiyaastii USD 1,345,757 ayaa ku baxday mushaharooyinka & gunnooyinka shaqaalaha halka lagu

muujiyey in hawlaha dhallinyarada ciyaaraha in loo qoondeeyey xaddi kooban oo lagu qiyaasay USD

116,330 ama 1.6% afartii sano. U fiirso adeegga waxbarashada heer kasta ha ahaatee waxa gaadhay sida

ay miisaaniyaddu ku doodayso qaddar ilaa USD 253,279 (3%) halka adeegga caafimaadkana loo lagu

bixiyey kaliya USD 51,600 (<1%).

Marka laga tago sidaan soo sheegnay in hanti ka badan USD 2,508,015 loo adeegsaday hawlo maamul

iyo siyaasadeed waxa iyaduna in loo magac bixiyo u baahan hanti kale oo ka badan USD1, 500,000 (hal

milyan iyo badh dollar). Dhismaha waddooyinka la sheegay in la dhisay ama la dayac tiray waxa ka mid

ah 4500m oo magaalada gudaheeda ah ayna ku baxday hanti dhan USD550, 000 taas oo meel ay ka

muuqato aan la arag.

Waxa jira dhismayaal dhammaad ku suntan isuguna jira dugsiyo, xafiisyo iyo xarumo boolis ayna ku

baxday ilaa USD650, 000. Dhismayaasha dugsiyada, xarumaha booliska, saribadaha iyo kawaannada

ayaa ah qaar aan waxba ka jirin, waxanad ka arkaysaa inay ugu yaraan laba miisaaniyadood ku wada

xardhan yihiin. Ogsoonow in kawaanka Gabiley ay UN-HABITAT sannadkii 2008 ballaadhin & casriyeyn ku

samaysay, dabadoodna aan daasad ranji ahdib loo marin. Sidoo kalena Saribadda dhexe ee magaalada

uu sannadkan horaantiisii casriyeeyey barnaamijka JPLG oo dhammaanba jidadka laamiyada magaalada

isagu hirgaliyey.

Sidoo kale gaadiidka cusub ee miisaaniyadda ku jira ayey qaarkood laba qoran yihiin qaarna aanay

jirinba. Tusaale ahaan hal cagaf oo sheewal ah ayaa labada sanoba ku jirta qiime ahaanna ku kacday in

ka badan USD110, 000 iyadoo waliba xaddiga dayactirka lagu isticmaalay six ad dhaaf ah loo

buunbuuniyey. Waxa kale oo xusid mudan in ay adag tahay qaabka loo bixiyo iyo hanaanka barnaamijka

loo yaqaan JPLG uu u caawiyo hannaanka shaqo ee D/hoose, gaar ahaan marka ay noqoto maamul

Page 2 of 2

daadajinta iyo kobcinta dhaqaalaha maxalliga ah. Hantida barnaamijkaasi ku kabay miisaaniyadda iyo

sida loo fuliyo fahamkeedaba waxan u dhaafayaa shacbiga degmada. Hubaal waxa ah in haddii ay

dawladdu in uun garawshiiyo ka bixiso musuqmaasuqan aan qarsoodiga lahayn, ama ay shacbiga ka

qanciso in sidan ay wax u dhaceen tahay nidaam sax ah oo waafaqsan siyaasaddeeda in ay reer

Gabileyna khasab ku tahay inay ogolaadaan sheegashadeeda horumarka ee jira.

Gabagabadii ummadda aan ilaa maanta xog ogaal u noqonin awooddooda dhaqaale ee maxalliga ah iyo

sida masuuliyiinta ay u igmadeen u maamuleen iyo waxay ka dheefsatay sidee bay ula xisaabtami karaan

dawlad khudbado ku doonaysa taageero siyaasadeed. Waxan ognahay in nooca dimuqraadiyadeed ee

dalkeennu aanu fursad haboon siin shacbigu inay si madax banaan isugu abaabulaan qaabab u suubban

inay kaga jawaabaan tallaabooyinka iyo xeeladaha siyaasadeed ee garabyada hogaaminta talada dalka

ku hirdamaya. Sidaa darteed, inta aanad si dhib yar u aqbalin ballanqaadyada horumarineed ee ku

ladhan ololayaasha ay dabayshoodii soo fool yeelatay waxan ruux kasta oo degmada Gabiley ee lagu

naanayso Gobolka ka soo jeeda iyo guud ahaan reer Somaliland ka codsanayaa inay bilaabaan habab

cusub oo masuuliyiinta lagula xisaabtamo xilalka ay soo hayeen ama uu damacu immikaba kaga jiro si

ugu yaraan aynu wax u qiimaysanno hadhowna aan xigasho ka dhiganno. Nuqullada iyo falanqayn

buuxda oo miisaaniyadaha ahba ka daabaco www.homedemocracy.org.

ALLAAH MAHAD LEH

By: Mohamoud Abdi Mohamed:

yaldo001@gmail.com

COMMENTS
LINKS