|
|||||
WAJAALE NEWS
Sir :Madaxwayne Obama Oo Warqad Qarsoodi Ah U Diray Hogaamiyaha Ruuxiga Ah Ee Iran
November 7, 2014 - Written by Editor:Hargeisa(Wajaalenews)-Wargeys kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa shaaciyay in Madaxweyne Obama uu si qarsoodi ah warqad ugu diray hoggaamiyaha ruuxiga ee ee Iran, uuna kala hadlay suuragalnimada iskaashi ay labada dal ka yeeshaan la dagaalanka ururka Daacish. Qof galangal ku leh dowladda Iran ayaa BBC-da u xaqiijiyay in Ayatullah Cali Khamenei uu dhawaan warqad ka helay Obama. Sida uu sheegay wargeyska The Wall Street Journal, Obama ayaa warqada diray bishii lasoo dhaafay, waxaana uu ku xusay in Iran iyo Mareykanka ay wadaagaan khatar kaga soo fool leh ururka Daacish ee ka dagaallama Suuriya iyo Ciraaq. Balse Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku adkeystay in iskaashi kasta oo labada dal dhex mara uu ki xidhan yahay sida ay Iran u aqbasho heshiis wax ku ool ah oo laga gaadho barnaamijkeeda nuclear-ka. Waqtiga kama dambeysta ah ee loo qabtay heshiiskaasi ayaa ku eg 24-ka bishan November, waxaa kulan arrintaa looga hadlayo maalinta Axada ah yeelan doona wasiiradda arrimaha dibada ee Iran iyo Mareykanka. Iran ayaan qeyb ka ahayn duulaanka uu Mareykanka hoggaaminayo ee ka dhanka ah Daacish, balse waxa ay iskeed dagaal ugula jirtaa ururkaasi. Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in Iran ay kala hadleen iskaashi ku aaddan dagaalka, balse ilaa iyo hadda aanu jirin iskaashi u dhexeeya oo dhanka ciidanka ama sirdoonka ah. Related posts:DAAWO;-Badhasaabka Gobolka Gabiley Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Kormeer Ku Tagay Degmada Agabar. Guddoomiye Golaha Wakiilada oo Cisbitalka ku Booqday Xildhibaan Xasan Cawaale oo Ujiifa Dhaawac ay S... Gudoomiyaha Guurtida Somaliland oo Wacad Ku Maray In Mushaharka iyo Gunada Laga Jarayo Xildhibanada ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|