|
|||||
WAJAALE NEWS
Samaale Tolkii Libaax Kuma Noqone Wuxu Libaax Kunoqdey Ninkii Bisada u Haystey Tolkii Bulshada Somaliland iyo Naftiisana Kalsooni Ku Qaba Oo Aan Boog iyo Nabar Lahayn
November 20, 2014 - Written by Editor:Waxa aan halkan kaga jawaabayaa,maqaal xagxagsho ah oo Mid kamid ah dadka fikirka gaaban wataa uu ku maagay Wasiirka Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale horena, usoo ahaa Gudoomiye Kuxigeenkii koowaad ee Golaha Wakiilada islamarkaana, kaalin laxaad leh kasoo qaatey aasaaskii Xisbiga Kulmiye waagii seeska loo dhigay,isagoo kaambeynadii adkaa iyo ololihii Siyaasada Xisbiga ee sanadkii 2002dii soo bilaabmay laga soo bilaabo doorashadii Golayaasha deegaanka ee diimasambar 15keedii qabsoontey sanadkaasi,isagoo soo qabtey Hormuudka kaambeynadii Kulmiye(Campain-manager),iyadoo xiliyadaa dad badani ku miraaqoon jireen kuna majeerteen inay xubno ka noqdaan Xisbiga Kulmiye khudbadihii wanaagsanaa,ee Samaale sida kalsoonida leh ugu jeedin jirey taageerayaashii koobnaa ee Kulmiye taas oo Xisbiga Kulmiye usoo hoysay guulo la taaban karo maadaama Kulmiye noqdey Xisbiga kaalinta labaad ku guuleystey dalka oo dhan ururadii bilowga siyaasada Somaliland ee usoo baxay Xisbinimada waxa kale oo xusuus mudan doorkii weynaa ee Samaale kulahaa tartankii doorashadii Madaxtooyada ee sanadkii 2003dii bishii abril ka qabsoontey Somaliland taas, oo ay kuwada tartameen Madaxweyne Siilaanyo iyo Daahir Rayaale Kaahin Xisbiga Kulmiyena guusha lagaga qaatey 80 cod oo kaliya,iyadoo aan la halmaami karin doorkii kale ee uu kulahaa tartankii Doorashada ee Golaha Wakiilada sanadkii 2005tii,markaas oo uu doorashadaas ka keenay guul balaadhan oo shacbiga reer Somaliland wada xasuusan yihiin inta maskaxda fayoobi marka dib loo milicsado khudabdihiisii qiimaha lahaa ee uu ka jeedin jirey fagaare kasta iyo goob kasta oo Xisbigu ka hadlo isagoo kaga duwanaa wakhtigaas,guud ahaanbii murashaxiintii ku tartamayay doorashada Golaha Wakiilada ee reerkooda oo kaliya codadka ka doonayay waxa uu isagu cod ka helay shacbiga ku nool Gobolka Maroodi/jeex oo cidkastaba lahaa waxaanay taasi u gashey Taariikhda wanaagsan ee uu Xisbigiisa ugu kasbay khudabadaha iyo lahadlka dadweynaha oo qeyb weyn ka ah kaalinta ololaha Siyaasada, sikasta oo ay arimahaa aan soo sheegnay yihiin Cabdicasiis Maxamed Samaale,waxa uu kamid ahaa shakhsiyaadkii koobnaa ee ay Xukuumadii Rayaale ee Udub la gashey dagaalka goonida ku ah oo xataa qoyskiisa saamaysay hadana mar kaliya lagama dareemin in uu dabciyo mowqifkiisa iyo mabdi,iisa siyaasiga ah marnaba lagama dareemin aarsi iyo cuqdad uu ka kasbadey dagaalkaa culus ee lala soo galay, laakiin waxa mar kasta ka muuqata dhinac kasta oo siyaasadiisa laga jaleeco kalsooni badan oo shakhsi ah iyo hankiisa siyaasadeed oo u qalma in uu ku kasban karo heer Madaxweyne maadaama aanu yareysan qof kasta oo han u haya arimaha Siyaasada, lagana maqal hadalo deelqaaf ku ah shakhsi abaar toos,ah isagoo rag badan dheer aqoonta fiican ee uu leeyahay,diinteena suuban ee islaamka iyo axaadiista quraanka kariimka ah. Samaale oo caan ku ah in aanu cidna udaba fadhiisan,badheedhihiisa siyaasadeed, islamarkaana ixtiraam u muujiyay Madaxweyne Siilaanyo kadib markii ay soo wada galeen dagaal adag oo siyaasi ah,hadana majirto inuu doc kale dabada galiyo hadaladiisana waxa uu u muujiyaa si aan qarsoonayn oo cadaan ah waxana dadka yaqaanaa ku sifeeyeen in uu kalsooni badan ku qabo naftiisa iyo doorkiisa siyaasadeed intaba hadii tolkii laga hadlona, majiro cid uu cuqdad gaar ah u haya oo tolkii ah cid uu soo dhaweeyo iyo wax uu taro mooyaane, laguma sifeyn karo shakhsi wado qaloocan wax ku doonaya, oo casru jaahiligii oo kale,wax ku doonaya, isagoo si siyaasad ah iyo kartidiisa iskaga celiya had iyo jeer Tusaale ahaan Muuse Biixi oo ku yareystey damaciisa siyaasadeed ee cadceeda ka cad,wajigiisa ayay ku qoran tahey in uu ka guuleysan doono rag badan waana xubin firfircoon oo calankiisa siyaasadu taagan yahay,waxaan ugu soo gunaanadayaa saaxiibkeyga Cabdicasiis Samaale ku sheegaya nin tolkii u muruq weyn oo libaax u ah ma aha isagu kaad sheegayso nin walba wuu qadariyaa haduu yaryahay iyo haduu weyn yaheyba,ixtiraam badanbaa loo hayaa oo wanaag badan baa loo hayaa oo waxtar badanbaa loo hayaa oo majirto in cid tolkiis ah oo xyumaan u quudheysa,mana noqon waligii ninkii layidhi Magacaagu yuu noqon mid xyumaan kamara kaca murjinkaagu yuu noqon magli dila walaalkii midigtaadu yay noqon mid tolkeed u muruqweyn waligiina noqon maayo,e ee saaxiib sheeg cida intaasba hore ugu sifowdey waligeedna ahaan doonta,waxey aniga ila tahey in Muuse uu qabey bisad balse uu libaax ku noqdey Cabdicasiisna waa nin kalsooni ka haysta tolkii iyo bulshada Somaliland naftiisana kalsooni ku qaba oo aan boog iyo nabar midna Lahayn .
Axmed Suufi Jaamac(daacad) Hargeysa Somaliland COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|