Qabanqaabada Mudaharaad Salmiya oo lagaga soo Horjeedo Boobka Xukuumada Siilaanyo ku hayso Hantida Dalka Oo Socda Caasimada Hargeisa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qabanqaabada Mudaharaad Salmiya oo lagaga soo Horjeedo Boobka Xukuumada Siilaanyo ku hayso Hantida Dalka Oo Socda Caasimada Hargeisa.
November 2, 2014 - Written by Editor:

Dallada siyaasada Dhallinyarada Somaliland Oo Lagu Taageeray Mudaharaad Ay Ku Baaqeen Kana Dhici DoonaTodobaadkan Gudihiisa Magaalada Hargeysa

Hargeysa(Wajaalenews) Dhallinyarada xaafadda Goljano ee Hargeysa ayaa cod dheer ku taageeray mudaharaad Salmi ah oo Maalinta Khaamista ka dhici doona magalada Hargeysa oo ay Icaamiyeen Dhallinta qaban qaabada Shirka dhalinyarada Somaliland ee lagu aasaasayo Dallada siyaasadda dhallinyarada somaliland ee dhawaan qabsoomi doona.

Waxaana dhallinyarada Xaafadda goljano ee Magaalada hargeysa sidaasi ku sheegeen baaq Taageero ah Oo ay Soo Saaren, Waxanu Udhignaa Sidan:-

Anagoo ah dhallinyarada xaafada Goljano waxanu taageersanahay mudaharaadka ay ku baaqeen dhalinyarada qabanqaabinaysa shirwaynaha dhallinyarada Somaliland oo dhici doona maalinta khamiista ee ay bishu tahay 06/11/2014, goobtuna waa dhakhtarka wayn ee magaalada hargeisa.

Markaanu aragnay boobka hantida guud ee qaranka lagu hayo sida iibka magtabada Gaandi liberari, iyo gurigii ay oxformtu ku jirijirtay ee xaafada goljano in mulkiyadiisii lagu wareejiyay wasiir xirsi waxaananu go,aansanay in si buuxda aanu ugusoo baxno mudaharaadka lagu baaqay.

Magacyada dhalinyarada

  1. Axmed maxamed Hassan
  2. Maxamed cabdi jaamac
  3. Maxamed nuur faarax
  4. Cali faarax xandule
  5. Maxamuud ibraahin xeef
  6. Muuse nuur jaamac
  7. Aadan axmed liibaan
  8. Cali aw axmed jaahuur
  9. Diini axmed diine
  10. c/raxmaan suudi aadan
  11. c/fataax axmed taani
  12. c/qani maxamed jaamac
  13. faarax nuuradiin aadan
  14. saynab maxamed cigaal
  15. suhuur ilyaas cabdiraxmaan
  16. layla axmed buuni
  17. manaar caydruus haybe
  18. muuna maxamed gahayr
  19. muuna c/casiis muumin
  20. maryan axmed kawniin
  21. ilhaan maxamed xaaji aadan

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS