Ninkii Ku Tar Sheegtay Waxaan ahay Ninkii Meydka Sheekh Ibraahim soo Raacey London Ee Rayaalow Kabahaan Ku Haystaaye Xil Ii Magacow Ayaa Ragii Kartidooda Wax Ku Noqdey Looga Taag-laayahey Cajiib | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ninkii Ku Tar Sheegtay Waxaan ahay Ninkii Meydka Sheekh Ibraahim soo Raacey London Ee Rayaalow Kabahaan Ku Haystaaye Xil Ii Magacow Ayaa Ragii Kartidooda Wax Ku Noqdey Looga Taag-laayahey Cajiib
November 20, 2014 - Written by Editor:

Waxa aan hore u maqli jirey af noolina waa hadlaa Eyna waa Ciyaa,waxa

Aan maanta qalinka u qaatey inaan jawaab qiima badan u celiyo mid

kamid ah shakhsiyaadka bilaa Taariikhda ah,ee xaqxagshada ladaba

fataax(1)

Taagan ragii maskaxdooda iyo maalkooda, iyo muruqooda u hurey

Halganadii iska dambeeyay, ee badheedhahooda laabta u Dhigtey in ay si

Cad ula halgamaan Taliskii Siyaad Barre iyo Xukuumadii hore

Islamarkaana, rukun u ahaa Aasaaskii Xisbiga Kulmiye oo uu Hormuud ka

Ahaa Wasiirka Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Muxumed Samaale oo

Tacabkii iyo badheedhihii ay isla soo muteen Madaxweynihii Hore ee

Xukuumadii Udub Daahir Rayaale saqiir iyo kabiir markhaatiga loo

Yahey,waxaa aan aad ula yaabay in uu ninkaasi layidhaa Cabdifataax

Siciid oo inta ugu badan ee qurba jooga aan kamidka ahay ay ka

Warhayaan Taariikh xumadiisa Guulwadanimadiisa,ducfinimadiisa iyo

Sifaha shakhsiyadiisa ee aadka u liidata,layaabka ka sokow waxa Nasiib

Daro ah in uu isagoo aan is hubsan raga ka hadlaya arimahooda Iyo

Badheedhahooda hadal kii gunta ah iyo fariin lasoo faray ka daba

Tuuro, Waxa aan aad u xasuustaa in wakhtiyada qaar dalkan Ingiriiska

Cida aragtaa ay aad ugu qosli jirtey xiliyadii ololaha Xisbiga Kulmiye

Ee Madaxweyne Siilaanyo loogu halgamayey in kursiga la saaro

Xiisadiisu sida aadka ah u kacsaneyd maxaa yeelay waxa Lagawada

Dharagsanaa waagaas sifihii Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir

Rayaale Kaahin ugu magacaabay safiir kusheeg Natherland ah Kadib

markii uu Meydkii Marxuum Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh

Madar(Gudoomiyihii hore ee Golaha Guurtida Somaliland), kasoo raacay

cariga Ingiriiska London isagoo markii meydka Marxuumka la qorsheeyay

in loo qaado ciidii hooyo isku soo tuurey halkii Cusbitaalka ee laga

qaadayay oo ku ooyay anigaa raacaya anigaa dad ugu xiga tolaayeey aan

qaado tolaayeey aan qaado mabay xumayn oo taasi waa arin aad u fiican

laakiin, waxa aad loogu sii qosley markii Meydka Marxuum Sheekh

Ibraahim Qabriga lagu rogay ee Hargeysa laga soo dajiyay illaahay

naxariistii jano haka waraabiyee ficilkii ninkaasi sameeyay oo ay goob

joog ka ahaayeen dad badan oo maanta qaarkoodna

Geeriyoodeen,qaarkoodna nool yihiin illaahay naxariistii jano haka

waraabiyee Sheekh Axmed Nuux(Kuxigeenkii Gudoomiyaha Guurtida),ayuu

ahaa ninkii maroora dilaacay ee kuyidhi Madaxweyner Rayaale waar

ninkaasi kabaha ku qabsadey u oofi waxa uu kaa doonayo maadaama uu

Madkii Marxuum Sheekh Ibraahim Dibada kasoo raacay isagoo, isagana

dhirbaaxi gaadhay waar sidaada wax u weydiiso Madaxweynaha inkaari

kugu dhacdaye Meydka Marxuumkaan la socdey wax hakaga doonine,waa

Taariikh aan marnaba duugoobayn oo cad oo shaley aheyd, kabahaan ku

haystaaye ninkii Meydka Marxuumka la socdeybaan ahaye Madaxweyne

Safiirka Natherland ii magacow.

Inta caqiga badan iyo dadka Reer Somaliland wey garanayaan in ay taasi

damqasho ku sameyneyso cid kasta oo damiir lihi maxaa yeelay qof

waliba wuu garanayaa in marka hore cindigiisu ahaa ee uu u ooyay in uu

isagu sii raaco Meydka Marxuum Sheekh Ibraahim in uu wax ku doonto ama

xil ha ahaateo, ama wax kale ha ahaatee, haseyeeshee, aanay oohintiisu

dhab ka aheyn in uu u ooyay saciimkaa Somaliland oo dhan oo ka

geeriyooday aad baan uga cudurdaaranayaa inaan qabriga kasoo toosiyo

Sheekh Ibraahim laakiin waxay Taariikhda ninkani Cabdifataax layidhaa

ku suntan tahey in lagawada maroora dilaacay, markii la maqley ficilka

uu sameeyay qof kasta oo qurba joog ahina wuu ka warahayaa oo waalagu

takooray waagaas waxa uu sameeyay,waxa dhacady hadana in Bari dhaweyd

nin kuyidhi waar Cabdifataax walaahi inaanad dhul u dhaceyne waagii

waadigii Rayaale jaaniskii geeridii Sheekha uga faa,ideystaye maantana

Siilaanyo halkeed ka martey waxa uu ku jawaabay maantana xarfad kalaan

sameeyoo Baashaan Lugaha qabsaday, oo Haatufna waan u jawaabay, Cajiib

hadaba waxaan ninkaasi Xasuusin lahaa in ay xaaraan tahey in uu ka

daba hadlo raga tacabkoodii iyo fikirkoodii iyo halgankoodii magaca ku

yeeshay, ee aan meel xun magac ka raadin ee Geesinimadooda iyo

badheedhahooda ka midha dhaliyay maanta yoolkoodii iyo hankodii ku

socda waxaanan leeyahay waar dib isku eeg malaha Cabdicasiis Samaale

iyo Maxamed Biixi ma aha cidaad moodeyso ee waa rag kartidooda wax ku

noqdey waxaanay arintaadu kamid tahey nasiib darooyinka ku hadhey

Reerka (Sacad-muuse), gun iyo gabagabana waxaan ku leeyahay

Cabdifataaxow wax badan ayaan dul marey Taariikhdaadii xumeyd,e ma

jecli inaan lafta jabiyo oo aan soo wada faqo ee iska ilaali inaad

raga qiimaha leh ee dadnimo iyo diin cilmi iyo caqliba kaaga fiican

inaad hadal bilaa qiimo ah ladaba socoto,tanina jawaabtii haatuf wey

ka duwan tahey oo ragani tacabkooda ayay magac kuyeesheene.

 

Wa Bilaahi Towfiiq

Xasan Idiris Cali(odaxe)

London

xasanod13@hotmail.com

COMMENTS
LINKS