Xildhibaan Sharaxanoo
Shaxaad Raadinaayoon
Koob shaaha haynbaan
Shalay soo arkee maqal !!!
Xildhibaan xilkii gabay
Xaaraan la quutiyo
Xoolo siistay sharaftii
Oo xaday dad weynaha
Xaakimbaa xaqeeniyo
Xuquuqdeenna weydiin?
Maxamed sadiiq dhamme
Waa yaabka yaab kiiye !!!
Markiiba waxaan ku dhejiyay shaaric yada waaweyn ee magaalada Hargaysa.
Maalin maalmaha kamida ayaa suldaankii reerkayagu isagoo maraaya suuqa weyn ee magaalada Hargaysa wuxuu arkay boodh weyn oo dhinaca midig ka soo ee gaaya kadib indhaha Qac kusii?
Suldaankii beerka ayuu ka naxay!!!
Maxaa yeelay ilayn suldanka “Madax fuqii ayaa foodda ugu jiray” oo wiil ay hayb wadaagaan oo ay isku sii jufo yihiin anigana iska sii kay xigaan ayuu sannad kahor u cummaamadey ninka reerka u matali doona Musharaxa golaha Baarlamaanka ee Foodda inagu soo haysa.
Suldaan kii reerka: waa ayo wiilkani isa soosharaxay?.
Qawdhan inaadeerkii: waa reer kiina waliba jufadiina.
Suldaankii:Yaab iyo Amakaag !!!
Suldaankii:Ayaa u ogolaaday in uu musharax noqdo wiilkani?
Qawdhan inaadeerkii: Oo suldaan ma cidbaa laga xigaa musharax nimada?
Suldaankii: Haa. Qofkaan anigu sharaxo ayuun baa musharax noqonaaya.
Qawdhan inaadeerkii: Kadaa suldaan sidaas maahee waa dimuquraadi wadan kuye.
Suldaankii: Waar wadanka suldaano ayaa xukumee Dimuquraadiyadi ma xukunto,sidaas awgeed imika ayaan u tagayaa seddexda xisbi qaran ee kajira somaliland oo aan odhanayaa anagu haddaanu nahay beelweynta reer Qudhac gaar ahaan jufadda reer Galool wali maanu keenin wiilkii nooga sharaxnaa golaha baarlamaanka ee fooda inagu soo haya ee sidaas ula socda?Asxaabta Qaranka???
Waar adiguna u sheeg inaadeerkaa qawdhan in uu is casilo sida ugu dhakhsaha badan.
Qawdhan inaadeerkii: Suldaan jaair ah? Waad qaldan tahay suldaan? Maxaa yeelay? Waad ka warhaysaa in inaadeerkay Qawdhan sharaxan yahay markaas waa maxay waxaan aad wadaa?
Miyaanu kharash badani kabixin inaadeerkay Qawdhan ?
Suldaankii: Waar waa loo celinayaa dhammaan lacagtii kaga baxaday intii uu sharaxnaa ee hasoo qiimaysto sida ugu dhakhsaha badan?
Qawdhan inaadeerkii: warkii qaad una gee inaadeerkii Qawdhan kuna taabey in uu is casilo wixii kharash ka baxayna loo celinaayo.
Musharax Qawdhan: waaka markiiba go’aan saday in uu is casilo lacag tiisana qaato.
QAWDHAN QIIMEYNTII LACAGTIISA:
Musharax Qawdhan: Lacagtaydii waan qiimaystay waxaan ku qiimeeyay $2000 dollar.
Markiiba waxaan inaadeerkay u sheegay in aan is casilaayo haddii lacagtaydii la ii celinaayo oo uu suldaanka sidaas ugu sheego.
Qawdhan Inaadeer: Markiiba suldaakii ku taabay?
Suldaankii: Waa imisa inaadeerkaa kharash ka ku baxay?
Qawdhan inaadeerkii:Adeer walaahi kharash badan ayaa kaga baxay laakiin markii uu soo qiimaystay wuxuu ii sheegay $6000 dollar.
Suldaankii: Adeer $2000 ayaan waliba ugu daraynaa ee miyuu iscasilayaa?
Qawdhan inaadeerkii: Haa suldaan wuu is casilayaa haddii aad imika iigu dhiibto lacagta.
Qawdhan Inaadeerkii:Igu taabay suldaankii $8000 dollar dabadeed ula tegay inaadeerkay qawdhan.
Musharax Qawdhan: oo durba miyuu kugu taabtay sulaankii lacagtii?
Qawdhan inaadeerkii: Haa.
Musharax Qawdhan: Hadaba $2000 qaado oo $6000 isii inaadeer waad mahad santahay kunjeer.
Qawdhan Inaadeerkii: Adaa mudan inaadeer.
Musharax Qowdhan: Qosol iyo rayn_ rayn dheer kadib.
Maxaa kadambeeyay!!!
W/Q:Khadar Muxumed Muuse {Koodh}
Hargeisa,Somaliland