WAJAALE NEWS

“Jabuuti Dal Is-ku Filaansho iyo Horumar Muuqda Ku Tallaabsaday. Faallo”

“siyaasadda Jabuuti waa dal aanay haba yaraatee ka jirin axsaab mucaarid ahi marka laga reebo nin kelidii shandad dalalka dibadda la wareega, waxaana la rumaysan yahay in taasi ay u sabab tahay hogaaminta wanaagsan ee uu madaxweyne Geele”

Waa dalka ugu yar wadamadda qaarada Afrika, bedkiisana waxaa lagu qiyaasaa 23,200 km2, waxaanu dhacaa   Geeska bariga qaaradda Afrika, Tirada dadka ku nool waxaa lagu qiyaasaa 792,198, hadana waxa uu ka mid yahay dalalka uu dhaqaalahoodu sida xawliga ah u soo kordhayay sanad-ba sanadka ka dambeeya.

Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti waxa gumaysan jiray Faransiiska waxaanu   xornimadiisa ka qaadatay 22-kii bishii Juun sanadkii 1977. inkasta oo uu dalka Jabuuti yahay dal aad u yar haddana waxa uu ka mid yahay wadamada uu dhaqaalahoodu sii kordhayo.+

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa dhawrkii sanadood u dambeeyay, waxay ku talaabsatay horumar aad u balaadhan oo dhinacyo badan leh iyadoo ay taasina u saamaxday ama u suurto geliyeen arrimo dhawr ah.

Jabuuti waxaa saldhigyo ciidan ku leh dawladaha Faransiiska iyo Maraykanka, kuwaasi oo dhaqaale aad u badan soo geliya dalka Jabuuti. Sidoo kale meelaha uu dhaqaalaha ugu badani ka soo galo Jabuuti waa dekedaha,   iyada oo ay leedahay deked aad u weyn oo caalami ah. Waxaana wax kala soo degta dawladda Itoobiya oo si weyn ugu xidhan iyada oo aan Itoobiya wax deked ah lahayn.

Waxyaabaha kale ee la rumaysan yahay inay Jabuuti noqoto dal horumar weyn gaadhay muddo kooban waxay tahay dhinaca siyaasadda, iyadoo aanay siyaasadda Jabuuti wax is-bedel ah oo saamayn xun ku yeeshay dalka iyo dadka marnaba ka dhicin.

Waxaana dhinaca hogaaminta siyaasadda ee Jabuuti wixii ka dambeeyay markii ay xornimadeeda qaadatay soo maray laba madaxweyne, kuwaasi oo kala ah Xasan Guuleed Abti-doon, oo madaxweyne ka soo noqday Jabuuti intii u dhaxaysay 1977 ilaa 1999, iyada isla sanadkaasi 1999,   Ismaaciil Cumar Geelle oo xukunka dalkaasi loo doortay madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweyne Geelle, oo ah siyaasi aad loogu yaqaano dalalka Afrika ayaa mudadda uu Jabuuti u talinayay waxaa si weyn loogu amaanay horumarka uu dalkiisa gaadhsiiyay. Waxa uu sameeyey shaqo abuur, dhismeyaal cusub sida dekeddaha loo yaqaano Dooraale1, Dooraale2, Dooraale3 iyo waliba sidoo kale dekedaha Tojoora,dekedda dhoofinta xoolaha nool,iyo dekedda dhoofinta Milixda dalka ka soo baxda, iyada oo ay hore u jirtay deked weyn, hadana waxa uu dhisay dekedahaasi oo wax weyn ku soo kordhisay dhaqaalaha iyo horumarka dalka.

 

 

Waxa kale oo uu madaxweyne Geele hirgeliyay madaaradda diyaaradaha oo uu casriyayn ku sameeyay iyo sidoo kale dhinacyada dhoofinta wax soo saarka dalka iyo waxyaabo kale.

Horumarka la taaban karo ee uu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, ka hirgeliyay wadankiisa waxa uu noqday mid ay dareemeen, isla markaana ka faa’iidaysteen dawladaha la jaarka ah, taasi oo ay ugu mhiimsan tahay xagga nabadgelyadda, ganacsiga, dhaqaalaha iyo arrimo kale, kuwaasi oo intii uu dalkiisa ka talinayay si buuxda uga taabo galay.

Waxyaabaha kale ee Jabuuti ka dhigay hodanka ayaa ah iyadoo Jamhuuriyadda Jabuuti ku taallo bogcad istaraati ah, gaar ahaana dhinaca xuduudaha badaheedda oo ay ka mid yihiin badda Cas iyo gacanka Cadmeed. Sidaas darteed muhiimadda halka ay ku taallo ayaa waxay soo jiidatay dawlado badan oo reer galbeed ah, kuwaasi oo xarumo ganacsi iyo waxyaabo kale ka hirgeliyay dalka. Sidoo kale waxa ay taasi keentay inay noqoto dal ay ku xidhan yihiin ganacsato heer caalami ah, maalgashadeyaal shisheeye iyo dawladdo dekedaheeda wax kala soo dega. Sidoo kale Jabuuti waxay door aad u muhiim ah kaga jirtaa wadamadda Geeska Afrika, dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan, iyo xaga amaanka iyadoo lagu tilmaamo dalalka afrika ee ugu nabadgelyada wanaaagsan.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa dalkiisa waxa uu ka dhigay mid qani ah, isagoo gaadhsiiyay heer isku filaansho, dhaqaale ahaan iyo horumarba, waxaana lagu tilmaamaa inay Jabuuti la mid tahay dalalka qaniga ah ee yurub. Md. Geele ayaa dalkiisa iyo dadkiisuba ay si weyn ugu riyaaqsan yihiin xukunkiisa, waayo mudadda uu madaxweynaha ka ahaa waxa uu ku hogaamiyay siyaasad wanaag, hufnaan, karti, daacadnimo iyo aqoon, intaasi oo uu isku darsaday ayaa dalkiisa ka dhigtay mid barwaaqo ah, isla markaana ay dadkiisu ku jeclaadaan.

Siyaasadda wanaagsan ee Ismaaciil Cumar Geelle ku hagay dalkiisa ayaa waxay ku abuurtay shacabkiisa inay si weyn kalsooni ugu muujiyaan xukunkiisa, iyadoo tiraba saddex jeer ay dib u doorteen si aqlabiyad ah inuu sii ahaado madaxweynahooda.Xoriyadda iyo amaanka ay dadka ajaanibka ee aadka u tiradda badan ee ku nool Jamhuuriyadda Jabuuti iyo shacabka reer Jabuuti ayaa ah mid uu hirgeliyay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, isagoo ku sifoobay daacadnimo iyo hufnaan inuu bulshadiisa ugu adeego, isla markaana uu gaadhsiiyay inay barwaaqo iyo bashbash iyo horumar buuxa ku noolaadaan umadiisa.

Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa mudadda uu madaxweyne Geele xilka hayay waxa uu ka dhigay mid dhinac walba ka horumaray iyada oo koboca dhaqaale ee dalka Jabuuti uu sii korayo sanadba sanadka ka dambeeya.

Dhinaca siyaasadda Jabuuti waa dal aanay haba yaraatee ka jirin axsaab mucaarid ahi marka laga reebo nin kelidii shandad dalalka dibadda la wareega, waxaana la rumaysan yahay in taasi ay u sabab tahay hogaaminta wanaagsan ee uu madaxweyne Geele ku hogaamiyo umaddiisa. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele waxa tilmaami doonta taariikhda guud ahaan dalalka Geeska Afrika gaar ahaana ta Jabuuti isagoo baal dahaba kaga jira kaalin weyn iyo door wax ku ool ahna ka qaata dalkiisu siyaasad ahaan dhaqaale ahaan, xaga horumarka iyo amaankaba, waana ruugcadaa qayb libaax ka qaatay arrimaha dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo dalalka kale ee Geeska Afrika.

 

La soco qaybo kale……

Kobciye999@gmail.com

Axmed M.M.C

Telephon:0659118404-0634268588

Exit mobile version