|
|||||
WAJAALE NEWS
Denmark oo Hakad-gelisay Qayb Ka mid Ah Shirka Soomaaliya Ee Copenhegan
November 13, 2014 - Written by Editor:Denmark (Wajaalenews);Dowladda Denmark ayaa shaacisay in ay joojisay kulan hordhac u ahaa shirka 19-ka bishaan Somalia loogu qabanayo Copenhagen, iyadoo la sheegay in sababta joojinta kulankan ay ka dhalatay muran soo dhexgalay jaaliyadda dalka Denmark ku nool. Kulanka la joojiyay oo dhici lahaa 18-ka bishan oo maalin ka horreysa maalinta loogu talo-galay furitanka shirka Copenhagen ee Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya ayaa la sheegay inuu dhexmari lahaa madaxweynaha Somalia iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Denmark, kaasoo la sheegay inay qaar ka mid ah jaaliyaddu diideen, iyagoo ku andacoonaya inay ka soo qaybgalaan shirka Soomaalida dibadaha ku nool oo dhan ama la joojiyo. “Waxaanu hakinnay kulan dhici lahaa 18 Nov, 2014, kaasoo ay isku arki lahaayeen qurbo-joogta Soomaaliyeed iyo madaxdaxweynahooda,” ayaa lagu yiri war kooban oo wasaarada arrimaha dibadda dalka Denmark. iyadoo illaa hadda ay kulankaas isku qoreen 300-qof oo Soomaalida Denmark ku nool ah. Shirka Copenhagen ayaa oo muddo diyaarintiisa lagu howlanaa ayaa la sheegay inuu 19-ka bishan dhici doono, waxyaabaha looga hadli doonana ay ka mid yihiin; horumarinta, dib u dhiska, amniga, federaaleynta iyo sidii doorasho ay uga dhici lahayd Soomaaliya marka la gaaro sannadka 2016-ka. Kulanka Soomaaliya loogu qabanayo Denmark ayaa imaanaya xilli uu weli taagan yahay khilaaf khilaafka u dhexeeya madaxweyn, Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaarihiisa, C/weli Sheekh kaasoo soo if-baxay dhammaadkii bishii hore, sababayna in xildhibaannadu ay u kala jabaan laba garab, buuqna ku saabsan mooshin laga keenay ra’iisul wasaaruha uu ka dhaco gudaha xarunta baarlamaanka Soomaaliya. Dalalka Mareykanka iyo Britain ayaa walaac xooggan ka muujiyay muranka u dhexeeya madaxda sare ee Soomaaliya, iyagoo ka digay in khilaafkan uu sabab u noqon karo dib u dhac ku yimaada horumarka Soomaaliya iyo inay dalka ka dhaco doorasho sannadka 2016-ka.
WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|