Wararkii Ugu Danbeeyay ; madaxweyne siilaanyo oo kulan la yeelanaya saraakiil millatari iyo diblomaasiyiin ingiriis ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wararkii Ugu Danbeeyay ; madaxweyne siilaanyo oo kulan la yeelanaya saraakiil millatari iyo diblomaasiyiin ingiriis ah
October 7, 2014 - Written by Editor:

Markab dagaal oo Dekedda Berbera jooga iyo ujeeddada kulan masuuliyiinta Somaliland iyo Britain yeelanayaan maanta & xogaha arrimaha la filayo in labada dhinac ka wadahadlaan

Berbera (Wajaalenews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la filayaa inuu saraakiil millatari iyo diblomaasiyiin u dhashay waddanka Ingiriiska kulan kula dul yeesho markab dagaal duleedka dekedda Berbera maanta.

ilaalada-badda

Markab ciidanka badda Ingiriisku leeyihiin oo ku xidhay meel u dhaw Dekedda Berbera gelinkii hore ee shalay, ayaa Madaxweyne Siilaanyo, xubno golaha wasiirradiisa ka mid ah saraakiisha ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland dushiisa kula kulmi doonaan safiirro ka socda dawladda Britain.

Safiirka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland Mr. Neil Wigan iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa wadajir u xaqiijiyey shalay in Madaxweyne Siilaanyo markab dushii kula kulmi doono diblomaasiyiin Ingiriiska maanta.

silanyo-iyo-markab

“Waa markii saddexaad ee markab Ingiriisku leeyahay halkan soo booqdo, taasoo muujinaysa wada-shaqaynta aannu la leenahay Somaliland. Waxaannu tababar siinnaa ciidammada ilaalada xeebaha Somaliland, waana markii saddexaad ee tababarkan aannu ku taageerno Somaliland, si fiicanna wuu u socdaa dhab ahaantii, sidoo kalena waxay arrintani muujinaysaa xidhiidhka siyaasadeed ee labada dal ka dhexeeya,” ayuu yidhi Ambassador Neil Wigan oo booqasho ku yimi caasimadda Hargeysa, kulan gaar ahna la yeeshay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo shalay.

Ilaa hadda si cad looma oga ujeeddada kulanka Madaxweynaha Somaliland markabka dagaalka dushii kula yeelanayaan diblomaasiyiin iyo saraakiil millatari oo ka socda dalka Ingiriiska, balse sida ilo-wareedyo kala duwan tibaaxeen waxa la filayaa in shirkaas labada dhinac kaga wada hadlaan arrimo la xidhiidha tababarrada dawladda Britain siiso ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland, iyadoo isla maantana qayb ka mid ah ciidankaas loo xidho doono tababar in muddo ah u socday.

Dalwadda Ingiriiska ayaa ka taageerta Somaliland tababaridda iyo kobcinta aqoonta iyo xirfadaha ciidanka ilaalada xeebaha, gaar ahaan dhinacyada ilaalinta ammaanka biyaha badda, la-dagaalanka budhcad-badeeda iyo xoojinta aqoontooda guud.

Ma aha markii u horraysay ee Madaxweyne Siilaanyo shir kula yeesho saraakiil iyo diblomaasiyiinta Ingiriiska markab dagaal ciidankooda baddu leeyahay duleedka Dekedda Berbera, waxaannu goor oo hore kulamo noocan oo kale ah markab dagaal dushiisa kula yeeshay bishii November ee 2013 iyo July 2011.

WAJAALENEWS DESK

 

COMMENTS
LINKS