|
|||||
WAJAALE NEWS
Safiiradda Ingiriiska Iyo Maraykanka u Fadhiya Kenya & Itoobiya Oo Berbera Madaxweyaha Siilaanyo Kula Kulmaya
October 6, 2014 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)Safiirka Ingiriiska ee u fadhiya Addis ababa iyo ka Maraykanka u fadhiya Nairobi ayaa ku sugan caasimada Hargeysa, waxaanay kulamo la leeyihiin Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wasiirka Arrimaha Dibeda Maxamed Biixi Yoonis. Labada Safiir ayaa kulanka maanta kadib waxa ay magaalo Xeebeeda magaaladda Berbera kulan kale maalinta Berri ah kula yeelan doonaan Madaxweyne Siilaanyo, halkaas oo la isku dhaafsan doono Xogo qarsoodi ah. Kulanka labada dhinac ayaa ka dhici doona Markab dushii sida ay Waaheen wararka ku helayso, waxaanu la mid noqon doonaan kii ay sanadkii hore labada dhinac ku yeesheen mid ka mid ah Maraakiibta dagaalka eek u sugan Biyaha Badda Cas. Illaa hada ma jiraan Xogo faahfaahsan oo ka soo baxay kulanka aya Qasriga Madaxtooyadda ku leeyihiin Safiiradda safaaradaha Ingiriiska iyo Maraykanka iyo Madaxda Somaliland, hase yeeshee tibaaxaha soo baxaya waxay la xidhiidhaan Arrimo Siyaasadeed iyo kuwa Amni.
Related posts:DAAWO;Madaxweyne Siilaanyo Oo Dalka Ku Soo Laabtay kana Warbixiyay Waxa Uga Qabsoomay Socdaalka Dub... Madaxweynaha Jsl Oo Kormeer Iyo Xadhig-ka-jaris Ku Sameeyey Mashaariic kala Duwan Oo Laga Hirgeliyey... DAAWO;-Dadwaynaha Ku Dhaqan Degmada Geed Balaadh Oo Si Kulul Ucanbaareeyay Xadhiga Musharax Shucayb,... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|