Waa xaqiiq in tirro yar oo ubadan dhalinyaro xoog ahi u tahriibaan dhanka Yeman, balse badankoodu ku qanceen nolasha iyo dhaqaalaha ay ka helaan Somaliland
Qaybtii hore waxay inoo maraysay qiyaas ahaan dadka soogalaytiga ahi inta uu ka yahay dadka ku nool dalkan Somaliland oo lagu qiyaasay boqalkiiba (14%) waa marka laqaato tirade ugu yar ee soo gasha maalin walba oo ah 200 qof. Tobankii sanadood ee ugu danbeeyay waxaa lagu qiyaas inay xadka ka soo gudbeen tiro kabadan 400,000 (afar boqol oo kun) oo ah muhaajiriin sharci daro ah, kuwaasi oo ku baahasan dhamaanba Somaliland.
Su’aashu waxay tahay dalkani maqaadi karaa dad soo galayti ah oo ka noqonaya 14% guud ahaanba mujtamaca Somaliland ku nool? Dalalka hore u maray ee aynu taageerada dhaqaale weydiisano ayaan aqbalin soogalayti dadkooda ka noqoda wax kabadan 5% inagii oo baahi laf-dhabarta inajabisayna oodaynu ka rognay oo warba
uma hayno inta inaga dhex toosta.
Waa xaqiiq in tirro yar oo ubadan dhalinyaro xoog ahi u tahriibaan dhanka Yeman, balse badankoodu ku qanceen nolasha iyo dhaqaalaha ay ka helaan Somaliland taasi oo ah midaanay ku qabin dalkoodi inatay doontaba ha leekaatee. Waxay galaan nolol badankooda ilawsiisa mashruucii lagu soo hiyi kiciyay ee ahaa dhoofka iyagoo nafta u sheega innay inta ay ka heleen Somaliland kabadan tahay.
Maxaad ka weyday guri bilaasha oo adigii lacag laguugu darayo, markaad guriga isku hubsatana aad ku foofayso fursadaha kale ee aynu kor ku soo xusnay. Marka laga yimaado nolasha iyo dhaqaalaha ay ku qabaan oo ah mid aanay ku haysan dalkooda, waxay ogadeen inay qayb ka yihiin bulshada dalkan, dhulna ku yeelan karaan.
Waxaan qarsoonayn sidda ay awooda inoogu dhex yeesheen. Waxaynu xasuusanaa mudaharaadyo rabshada watay oo ay ku dhaawaceen askar boolisa, basle markaad eegto tariikhda Oromo waligood askari Itoobiyana dhaawac dayoo hadal kumay celin.
Waxay degeen dhul danguud ah oo marka layidhaah ka kacana ay ku doonayaan dhul loogu badalo oo ay iyagu xaq u yeeshaan. Waxay degeen dhul muwadiinin leedahay oo ay xoog ku degan yihiin dawladin wax ka qaban laadahay.
Waxaad arki kartaa sida ay durba kaaga doonayaan inaad waxa u ogolaato qaybna kaaga noqdaan islamarkaana u buun buniyaan oo aduunka u tusaan in caruurtooda ay dariiqyada Hargeysa ku siidayeen hoy la’aani ku haysto tacdiyana loogu gaysto, iyada oo caruur badan oo Somaliland u dhaltayba lawadaagan dhibka hoy la’aanta. Waxaad ka akhrisan kartaa warbixin laga diyaariyay bogga (http://ayyaantuu.com/horn-of-africa-news/outcome-persecution-ethiopia-3000-5000-oromo-homeless-kids-hargeisa/)
Waxaad isna ka daawan kartaa nin oromo ah oo isku dayay inuu buunbuuniyo arinkan bogga (http://www.youtube.com/watch?v=VX3oPzmw4Po)
Maxaynu dheef ku qabnaa?
Tiro aad u yar ayaa looga faa’idaystaa beeraha oo ah aqoonta kaliya ee ay leeyihiin maadma ay yihiin dad beeralay ah. Taasina maaha mid la’aantood dhib inagu haysa balse waa mid loogalay ‘idul timide beerta gal’ laakiinse maaha mid baahi xirfada ama xoog la’aani inoogaysay. Waxana hubaal ah haddii aynu dhalin yaradeen beeraha ku dhawdhaw u tababarno inaynu ka maarmi karno.
Maxay dhib inagu hayaan?
Dhibka ugu yar ee aad arki kartaa waa caruur iyo dumar dariiqyada kugu xanibaya, meheradihii alabaabada ka xanibay, dumarkii faraqa qabsanaya lacagana layskaga reebo ama layskaga dhaqaajiyo.
Camal la’aanta iyo dhaqaale xumadda ayay qayb ka yihiin. Waxaad arkaysaa dadkii wadanka oo camal la’aani hayso ayaa inta guryihii qolol looga dhex dhiso mushaharna loogu qoray iyadoon lawaayin muwaadin shaqadaas qabta.
Dhacadooyinka aad layaabayso waxa kamid ah nin Oromo ah ayaa reer guri dhistay u keenay mid cusub oo gurigooda ilaaliya, waxa deerka looga dhex dhisay laba qol mushaharna waxa lagula heshiiyay bishii $70 haddana wali waxa uu gorgortan ugu jiraa biyahana idinku bixiya, hadda waa booyad biyo ah oo uu bilwalba shubanyo waana kaligii. Biyahaas markii sheekadood laga dabatagyna waxa la’ogaaday inay dib u iibiyaan inta gurigu cidlada yahay kana sameeyaan dakhli dheeraada.
Umad ahaan waxaynu la ciir-ciiraynay qaadka inooga yimaada beerahooda, intii beeraha kasoo hadhayna waxay innaga daba keeneen khamri iyo daroogo kale oo ay dhalinteenii ku fasihiyeen.
Dhamaanba magaalooyinka waaweyn ee dalka cidda khamri ama daroogo ku iibisaa waa iyaga, mar lacag ayay kaa samynayaan marna wey ku baabinayaan, waxaa layaab leh waxay degeen goobo ay ahayd inuu muwaadinka dhaxanta jiifaa dego tuusale ahaan xarunta xisbiga dhismaha qabyada ah badankeed iyagaa degan waana goobaha khamriga iyo daraaga lagu kala iibsado.
Wagii wadaadkii Bilse dalka joogay ayaa la’odhan jiray magaalada fal ayuu ku aasayaa oo intay faqash qoday wadada halbalaw meelo kamida ayaa haddan dib loo aasay iyadoon waxa la’arki akro oo laga bedelay jirin, waxaa la’arki jiray isaga oo magaalda hareeraheed xoolo ku qalaya kagana tagaya, waxaa uu dadka u daadin jiray lacago. Maanta markaad aragto sidaynu Oromo ugu jajabanahay ayaad is odhanysaa malaha faalkii Bilisaa u shaqaynaya oo umadii ay dhibeena ka jeediyay.
Saadasha shanta ilaa tobanka sano ee inagu soo fool leh waxay noqon kartaa in boqolkiiba sagaal iyo labaatan noqdaan dadka ajaanibka ah ku nool JSL, haddaba isweydiintu waxay tahay maxaa inooga qorshaysan soo galaytiga xawliga ku socda ee Oromo ugu horayso.
Maxaa inooga qorshaysan?
Lasoco qaybaha danbe……
Axmed Maxamed Good
Ururka Miir Maalka Somaliland (UMMS)
miirmaal@outlook.com