|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawladda Sweden Oo Sheegtay Inay Aqoonsan Doonto Falastiin + Maraykanka Oo Ka Hor Yimi
October 5, 2014 - Written by Editor:Hargeysa -(Wajaalenews)- Xukuumada Cusub ee dalka Sweden ayaa sheegtay inay Aqoonsan doonto Dowlada & Qaranka Falastiin, arrintan oo keentay dhaliiceyn uga timid Maraykanka iyo Isra’iil. Raysalwasaaraha cusub ee dalka Sweden Stefan Lofven ayaa khudbadii ugu horeysay ee uu kasoo jeediyey Baarlamaanka Sweden Jimcihii lasoo dhaafay ku sheegay in dowladiisa ay dal gaar ah u aqoonsan doonto dowlada Falastiin. Hadalka kasoo yeeray Dowlada Sweden ayaa waxaa cambaareeyey dowlada Maraykanka iyo xukuumada Isra’iil. Balse xukuumada Sweden ayaa si adag uga jawaabtay dhaliilaha ka yimid Maraykanka. SWEDEN; Nooma Taliyo Maraykanka! Wasiirka Arrimaha Dibada ee Sweden Margot Wallström ayaa tiri “…Sweden loogama taliyo Washington, siyaasada iyo go’aanada Sweden waa mid ay iyadu u madax banaan tahay ….” Ayey tiri Wasiirka Arrimaha Dibada ee Sweden. Xukuumada Isra’iil ayaa u yeertay Safiirka Sweden u fadhiya Isra’iil oo ay kala hadleen go’aanka xukuumadiisa ku dhawaaqday. Dowlada Sweden go’aankeeda ayaa kusoo beegmaya xili Dowlada Falastiin ay wakhti u qabatay wadahadalka Bariga Dhexe, sida uu Shirweynihii Qaramada Midoobay ka sheegay Madaxweyne Maxamuud Cabaas. Inta badan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa taageersan in Falastiin loo aqoonsado dowlad madax banaan, balse waxaa weli arrintan caqabad ku ah Golaha Amaanka oo uu codka VITO ku leeyahay Maamulka Maraykanka ee arrintan kasoo horjeeda. Maraykanka ayaa ku doodaya in marka hore heshiis la dhex dhigo Yuhuuda iyo Falastiiniyiinta inta aan la aqoonsan dowlada Falastiin arrintaasi oo ay sheegeen inay keeni karto in labada dowladood ku heshiin waayaan dhulka ay isku heystaan. Related posts:UNHCR Oo Ka Walaacsan Xaalada Ay ku Sugan Yihiin Qaxoontiga Liibiya Iyo Muuqaalka Dad Xabsi Ku Jira ... Dadwaynaha Magaalada Boorama Oo Ka Dareen Celiyay Khilaafka Ka Dhex Taagan Golaha Guurtida Iyo Wakii... Burbur Iyo Dayactir La,aan Baahsan Oo Ka Muuqata Wadada U Dhaxaysa Caasimada Hargaysa Ilaa Abdaal+Wa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|