xubin kasta oo kamid ah jidhkeenu waa muhiim,haba ahaato qanjidh ama xidide,waxaanu cuno xanuunku ka bilaabmaa cuduro kale oo meesha soo galay sida duray iyo kuwo kale oo lamid ah,waxaana la arkaa dhawr cisho kadib damqasho iyo dareen garaac oo saamayn ku leh cunaha, hadii loo fiirsadona Waxaa la arki karaa cunaha gudihiisa oo cas ama iskusoo dhawaaday barar dartiis, taasina waxay ku tusisaa inuu jiro xanuun haleelay xoqadaha.
Xoqaduhu waa laba qanjidh oo ku yaala labada dhinac ee cunaha dabadiisa,waxaana marka ay bukoodaan keenaan barar,xumad,dheecaan,iyo xanuun aad u badan ilaa heer uu qofku waxba liqi kari waayo,waxaana dhacda in xamadu gaadho 40˚.
Saamaynta xanuunkani ku leeyahay bulshada waxaa lagu qiyaasaa 80% inay u badantahay caruurta,taasi oo marka aad sababteeda u fiirsato aad ogaanayso in caruurtu ay had iyo jeer ay u nugushahay caafimaad darrada ka haleesha wixii jeermis ah ee afkooda iyo sankooda ka galaya ee si toosa usii maraya cunaha,iyadoo ay taas ka kow tahay nadaafad xumo ka timaada wixii ay dhex burqanayaan ee ku wareegsan deegaankooda,hadii ay noqoto wax la cuno ama la cabo.
Nadaafada caruurta oo sare loo qaado waxay aad iyo aad u yaraysaa in si toosa uu jeermis u haleelo kaas oo goor dhaw ay bukoodaan,waxaana nadaafad marka la sheegayo kow ka ah in aad loola socdo wixii caruurtu farahooda la galayaan, taasina waxaa lagu kaantarooli karaa in caruurta loo dhaqo farahooda maalintii ilaa lix jeer, hadii taas la kari waayo waa in loo dhaqo cuntada ka hor iyadoo loo adeegsanayo biyo iyo saabuun,waxaana taasi ay aad iyo aad uga haboon tahay marka danbe ee aad arkayso dadkeena oo saabuunta isticmaala cuntada kadib,halkii ay ka habboonayd marka hore khaasatan iyo marka danbaba.
Ilaalinta joogtada ah ee faraha caruurtu waa ka hortaga cuduro badan oo qanjo xanuunku ka kow yahay sidoo kale waxaa caafimaadka guud ee yar iyo waynba aasaas u ah nadaafad,waxaa kale oo iyadna muhiim ah in aaga uu ku nool yahay qof kastaa nadiif noqdo khaasatan caruurtaada iyo wixii ay isticmaalayaan oo dhan,iyadoo la ogyahay inaanay nadaafad xumada iyo faqrigu waxba isku ahayn, oo aynaan iska dhaadhicin karin kaliya inuu nadiif ahaado qofkii ladani,runtii taasi waa been,waxaana wax loo siman yahay ah inuu qofku ku dadaalo nadaafada nolosha uu haysto nooc kasta ha ahaatee,taasaa lagu gaadhi karaa deegaan uu ku yar yahay qashinka iyo duliga la huursanayo ee daadsan meelaha dadku ku nool yihiin khaasatan xaafadaha dan yarta,waana muhiim inuu qofku marka hore dadaalo intaanu xanuun iman haduu goordhaw raadin doono kharashka dawada,sidaa darteed ayaa nadaafada loogu tilmaamaa saaxiibka qof kasta iyo meel kasta,waxaanay raacdaa cidii kolba ku dadaasha ee ka shaqaysa,waligeedna meel ay joogto xanuun muu soo galin……
Waxaana wax caruuta in aad looga ilaaliyo ah inay afka galiyaan shay wasakh ah oo ay ka kow tahay lacagta,qalimaanta,biibiilaha,fataatiirta,biinanka timaha ee habalaha,iyo kuwo kale oo aad iyo aad u khattar ah,oo caruurtu had iyo jeer isticmaasho
Sidoo kale waxaa iyadna aan fiicnayn in caruurta la siiyo shayo aad iyo aad u qabaw oo keeni kara in qanjo xanuun ku dhaco ama ku kaco, sida isgiriinka,iyo qabqaboga kale,waayo hadii ay is khirlaafaan heerkulka cimilo ee ilmaha afkiisa iyo jawiga qabaw ee dibada ka yimid waxaa halkaas ka dhalanaya waxyeelo soo gaadha qanjidhadan dhareer ee aagaas ku yaala sida kuwan xoqodaha aynu u naqaan,markaas wixii aad u qabaw sidaasi ayaanay ugu fiicnayan caruurta da,doodu aanay wali gaadhin lix iyo taban sano waayo waxaan jirin da,daa inta kayar kulayl jidh oo uu cunuhu soo jilaaban karo markuu qabaw sidan oo kale ah cunayo, waxaa iyaguna aan fiicnayn shayo aad u macaan ama dhanaan oo uu had iyo jeer afka ku hayo sida nacnac iyo xanjo iyo xamarta dhanaan oo iyadu waliba geed aad u khattar ah xaga caruurta, markaa hadii aan laga ilaalin karayna waa inaanu ilmuhu joogtaynin,waxaana taas oo dhacdaa ay horseedaa in ilmaha uu ku dhaco duray ka yimid qabaw ama si aanay xattaa ilkuhuba u xanuunin oo aanay u dhicin xumad saamaysa aagaas cunaha oo dhan dabadeedna halkaas aanay qanjihiisu ka yeelan xanuun goordhaw noqda mid joogto ah oo bakteeriyadiisu ku gabbato gidaarka qanjidh dhareer ee ka danbeeya cunaha kaasi oo markasta oo ilmuhu taabto shay qabaw ama macaan ama dhanaan uu noqodo mid xasaasiyad ku qaba dabadeedna si dhib yar jeermiskii meesha ku gabanayay u kaco,waxaana la arkaa xattaa caruur hadii ay ooyaan ay maalintaas xumad iyo madax xanuun qaadaan ka dhashay qanjahooda oo shaqo iyo daal tirsanaya.
Taas oo kali ah kuma koobna aafooyinka ka dhasha qanjo iyo cuno xanuunku laakiin waxaan u dhaafaynaa bal in wax lagu xaliyaa jiro bacdamaaba ay caruur iyo dad waawayn oo badani u bukuun,had iyo jeerna la arko xaalado xanuuno oo markii hore kasoo bilaabmay xoqado xanuun,taasi oo ay ugu caansan tahay xanuunada ku dhaca habdhiska taranka,ee sababi karta dhasha oo kala fogaata oo qofku dhawrkii sanoba mar dhalo ama sideedaba ku tagta oo la waayoba,waxaanay u badan tahay dumarka,iyadoo aad arkayso in dhaqaatiirtu ay ku talinayaan marka ay xoqaduhu faa,iido beelaan in la qalo oo lasoo saaroba,waana figrad dhakhaatiirtu isku khilaaftay oo aan lagu dagdagi karin waayo qanjidhadani waa kuwo aan laga maarmi karin oo halbawle u ah qofka,waxaana hadii la qalo ay keenaan inuu xanuunkii hadana u gudbo qanjidho kale oo kasii fog iyaga, markaas xalku sidaasi ayaanu qaliin u ahayn,balse aan taas kasoo qaadano qodobka aan kor kusoo xusnay ee nadaafad,inagoo raacinayna qodobo ay ka mid yihiin in la ogaado in qofkastaa leeyahay qanjo ama xoqado,taasi oo marka ugu horaysa ee ay ku xunuunaan ay fiicantahay in xanuunkooda wax laga qabto oo qofku markaaba dhakhtar la aado si aanay u nuglaan oo aanu xanuunkoodu goordhaw faraha uga bixin,waayo waxaa dhakhaatiirtu haatan isku waafaqday in qanjidhadan ay yihiin kuwo hadii ay si wayn u bukoodaan aan loo taag helin oo marka ay xanuunkaa ka yara ladnaadaanba ay hadana si kadiso ah u kacdoomaan,taasna waxaa ugu wacan jeermiska aan dabar go,ayn ee meesha dagan.
Markaa waa in si dhaqso ah loo daweeyo xalku intaanay ku caabuqin ka hor,waxaa kale oo iyadna xalka kamid ah in qofku ku dadaalo inuu waqtiga daawaynta si fiican u dhamaystirto dawadiisa,waayo hadii aad tusaale ahaan ilmahaaga siiso dawada dhawr cisho oo marka uu yara xumad goostaba aad ka dayso,ogow hadana dhawr cisho gudohood wuu bukaaye,sidaa darteed waxaa kuu fiican xattaa hadii ay qanjihii ladan yihiin waa inaad ku dhamayso wixii dawo ah ee dhakhtarku usoo qoray.
Waxaa iyadna xalka kamid ah in aad joogtayso wixii cunto ama cabis gaar ahaan khudrad ah ee aad ka helayso fiitamiin (C) sida liinta,canbaha,cananiska,iyo kuwo kale waxaana habboon inaad adiga iyo caruurtaaduba ku barataan bilaa sonkor si aanay meesha uga bixin ujeedadii khudradeed iyo tayo ee la lahaa,markaa isticmaalka VC gu waa xalka qanjo xanuun kahor iyo kadinba,waxa iyadna muhiin ah inaad naftaada iyo caruurtaadaba ka fogayso qiijinta sigaarka oo khattar wayn ku ah qanjo xanuunka, taasi oo horseeda qufac xad dhaaf ah oo markaaba saamaynta u gudbiya sanbabada iyo habdhiska neefsashada oo dhan,markaa hadii qofku uu qabo ama la nool yahay qof qanjo xanuun qaba waa inuu ka reebtoonaado sigaarka iyo buuriga ama badeecada.i.w.m
Markasta oo duray dhaco waa in xumada iyo qufaca joogtada ah lagu dadaalaa sidii hoos loogu dhigi lahaa waxaana fiican inaan markaaba qofka lagu bilaabin wax jeermiska dila ee la siiyo ‘asbiriin’iyo wixii lamid ah waayo waxaaba hadii xumadu tagto ama qufucu yaraado hoos u dhici kara xanuunka qanjidhada,waxaana taas loo raacin karaa luqluqashoon dhanaan sida biyo milix leh oo yara kulul,khaasatan marka uu qofku tooso aroorta hore intaanu quraacan.
Waxaa had iyo jeer isna jira xanuun kale oo cunaha ku dhaca siiba qanjidhadan xoqodaha oo la yidhaa stereb waxaanu aad ugu badan yahay caruurta iyo dhalin yarada waxaana isagu ku yimaadaa iyadoonay qofka ku dhicin duray taasi oo la arko barar dushan sare ah iyo kacdoon ku dhacay qanjidhada,waxaanay u muuqdaan sidii wax cas iyagoo keena ur qadhmuun, waana kan xanuunka ay wax ka tarto benisiliintu ee lagu dawayn karaa,waxaana qofka qabaa uu u baahan yahay ilaalin gaara khaasatan caruurta ayaa fiican in la kaantaroolo si aanay caruurta kale u qaadsiin waayo waxaaba lagu dawayn karaa isaga todoba cisho oo dawo qaadasho ah,waxaana xanuunkani hadii la iska dhayalsado uu keenaa roomatiisan iyo xanuuno kale oo ay ka mid tahay xasaasiyad iyo snaboor hindhiso wata aad u kacdoon badan oo marna dagan marna booda.
Waxaan kusoo gabagabaynayaa xalka cuna xanuunku waa xalka dhaqan bulsho oo sare loo soo qaado iyadoo markasta oo hooyada wax la baraa ay tahay talaabo hore loo qaaday dhinicii saxda ahaa,waxaana taas kow ka ah in qoraalada caafimaad ay gaadhaan guryahayeena si dumarku u akhristaan ama loogu akhriyo,taasna Waxaa masuul ka ah raga iyagu suuqa imanaya ee la kulma kolba wixii muhiim ah ee la baahinayo waayo hadii xanuun aanad qabin wuu kugu soo socdaa,sidaasayna sare ugu kici kartaa qaabka daawayneed ee xanuun kasta,waxaana maanta alxamdulilaahi ah in hooyooyin badan iyo caruurtooduba si joogto ah ugu xidhan yihiin goobaha caafimaadka….
Waxaa diyaariyay
Sh.jabir herbalist