Wuxuu iska indho tiray isagoo dhinaca Saaraya Wasiirka Maaliyada
Cadad ma leh rijaal ladan intay calal ku duubeen e
Ooy ciiddan meel loo qodqoday kaga carraabeen e
Aan camalki mooyee qabriga cid uga yeedheyn
Waa dhaartii Siilaanyo Waxaa igu Walaahi ah, Igu Tolaahi ah.
Inaan ammaano, kalsooni iyo hagar la’aan ugu adeego Shacbiga Soomaliland. Inaan kartidayda oo dhan ku difaaco Xorriyadda, Madax banaanida iyo Midnimada dalka, inaan danta guud ka horuumarina- yo dantayda gaar ahaaneed, inaan Dadka Soomaliland ku Dhaqo sinaan iyo Caddaalad hadii Illahay idmo.
Wuxuu qaaday waddo ka duwan, waxaa la fadhataystay oo la bililiqaystay Madaxweynaha xilkisii oo hadh cad rag iyo dumarba marorsday, horumarinta iyo daryeelka nolosha dadweynaha iyo Dalka JSL noqon kari maayo qalwo koox u qafilan oo
ay ugaxantay dhigtaan ugu dilaacdo. sheek iyo shariif maal iyo mood, siday donanan ka yeela oo jagi-jagi, jaawaysi iyo jaandheer ku ciyaara. jawr falada kibirka iyo islaweynida noocan ihi marka ay buuxsamaan waxa bulshadu huqaacd MAWJADO amni daro dillal fowdo iyo dembiyo qorshaysan oo maskaxda bini aadmiga lagu dirqiyo marka sharcigu cidd gaari laabto hoostana dhigato ama ay la noqoto inay ka sarayso sharciga, kuwaas oo haday faraha kabaxaan aan loo maaro helin. inkastoo maalmaha hore ay Siyaasiyiinta socd baradka ah la wanaagsan tahay oo aanay u dhego nuglayn wanaaga & taada hufana ay ku xajiimoodaan, hadana ma mahadaan kamana badbaadaan markay xaajo dhabaqdo ee dab iyo waabay soo tufto oo dhadhansiiyo ayaa garaad laawuhu baraarugaa waase goorma iyo goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen
Waxaynu ogsoonahay oo caqliga distoorka iyo waddaniyadda iyo diinteenuba ina faraysaa, Muwaaddin kasta waxaa waajib ku ah ilaaalinta iyo xoojinta hantida iyo difaaca u hiilinta danaha guud ee Qarranka. Wasiir ha dhibsan qormooyinkani waxay ka mid yihiin kuwo masuuliyiinta dalka lagu toosinayo lagu bidhaansanyo in la helo sed kan uga tayio fiican qarranka iyadoo waxyeeladiina lagu soo bandhigayo iyo waajib gudasho la’aanta jirta ee aad qaybta ka tihiin.
Dalku malaha gudiga la-dagaalanka musuqmaasuqa lamana xoojiyo kaalinta sharci ee lagu xafidayo Ilaalinta hantida guud qarranka. waa arrin si cad Dawladani uga lbadheedhay in aan waxba laga qaban. cidkasta oo soo qaada wax kaqabashada xatooyada dayacaasna loo cago jugleeyo oo haday wargeys tahay iyo haday shaqaale tahay iyo haday xildhibaan la doortay tahayba ay ku mutaysteen ciqaab iyo dhibaato loo geysto waa ayaan darro!
1-Majiro Nidaam cadaaladeed oo hagaya dowladda, isla markaana jidaynaya sifo iyo dariiq sharciyaynaya la xisaabtanka masuuliyiinta.
2. Majiro Nidaam garsoor oo shacabku isku halayn karo, ku kalsoonaan karo, loona siman yahay. Waxaa arrimahaas loo xidhay oo xabsi,galay wargeyskii hubka lagu weeraray oo la lee yahay waad hadashay. farbaa ku godan shirqoolkii hubaal.
3.Majiro Nidaam cadaaladeed oo keenaya kala sarraynta iyo u hogaansanka sharciga aan ka ahayn Cabudhinta iyo Xatooyada Qarrankan curdinka ah Ragaadisay.
4. Majirto Qorshe hindise Helitaanka nidaam maamul wanaag aqoon waayo aragnimo iyo qaderin ku dhisan oo hufan oo dhowraya xuquuqda aadanaha, iyo shuruucda jirta dalakana horumar ku jiheeya muwaadin kastana si sahlan u heli karo una damaanad qaada xaqiisa asaasiga ah.
Waa dhumay Dhawrista iyo kor u qaadista daryeelka caafimadka shaqaalaha, jidh ahaan iyo maskax ahaan, koritaankiisa tabobar ahaan aqoon ahaan iyo horumarka shakhsiga ah ee shaqaalaha dawladu waa mid muqadas ah. taasoo lagama maar maan ah in loo sinaado. laba qof oo shaqaale ayaa midna daryeel Caafimad darro u dhintaa, midna saddexdii biloodba mar ayaa loo diraa (medical check up) oo weliba qataa lacag dheeraada iyo shaqooyin halka midna cadaadis cudur ihaano eex iyo cadaalaad darro lagula kacayo ee uu Xarunta Maaliyadda Sannado fadhiyo Miyaanay dalka u sinayna miyanay isku dawlada ahayn.. Masuuliyiinta ku kacaysa arrimahaas fosha xun ficiladaa gaal iyo muslimba diidey oo ah. Mid xuquuqul insaanka ka baxsan. Mid Islaamnimada aan meella ka soo gelin. Mid dawladnimada iyo danimada ka fog… Ficilada iyo Maamulka Maaliyaddu waa mid unbaahan in Dhakhso isbedel logu sameeyo.. ama uu is casilo wasiirka guuldaraystay.
. Xoojinta ka qayb-qaadashada cadaalada u sinaanta fursadaha, Masuulkastaa ninkastaa wuxuu dalacsiinta, xilka iyo gunooyinka dhaqdhaqaayada shaqo siyaa inta ehelkiisa, dhawrida xushmada iyo karaamada xuquuqda aasaasiga ah ee qofku xaq u lee yahay inuu helaa waa waajibaadka masuuliyiinta lagu dhaariyo xaq loogu lee yahay oo laga rabo. haday ku fashilmaana xilka laga qaado balse Masuuliyaasi waxay gaabis iyo naafo ku ah xilgudashada Madaxweynaha oo bidhaan iyo adeenti aan xog iyo xaallaga hayn.
Waxaa lumay xulasho xilka Wasiir ilaa Waardiye qaynuun munaasibku ah waxa laqabanayo. Xaqa nolosha iyo nabadgelyada qofka oo noqday wax masuuliyiinta Siilaanyo ka yeelaan waxa maskaxdooda ku soo dhaca, oo ah wax ka xun ama ka hooseeya heerkii gacan ku dhiigle keli taliyihii Siyaad Barre mar haddii ihaanadii jawrfalkii Nidaamkaasi falayey mid lamida isla Hargeysa maanta Dowlada Silaanyo fulinayso samaynayso weliba uu hormuud ka yahay wasiirka Maaliyadu. Waa Maxay Sababaya iyo Baahida uu u qabo in Masuuliyiintiisu ku kacaan ama ku daydaan regime uu dagaal lagalay Masuuliyada iyo Xilka saaran Siilaanyo ma kagaga badbaadayaa inuu yahay Gacan ku dhiigle ama galay dembiyo aadane SNM masuul u ahaa oo horseeday in kumanaan dhintaan, maantana wuxuu dadkaasi ku dhinteen falal lamida kuwii taliskii siyaad Barre.
Miyaanu Masuul ka ahayn Dagaaladii faqashtu dadka ku laysay, iyo kuwa maanta Buuhdle iyo Sool mar haddii nidaamkiisu Hormuudu yahay eex, cadaalad darro, musuqmaasuq, boob hanti qarran, burburinta dimoqraadiyada Iyo xusbul xaakimkii ku tagrifal awoodo cashuureed oo malaayiin dolar lagu lunsaday, eex ganacsato ku hodmid sifo xaraana qandaraasyo iyo wax isdabo marin Miisaaniyadeed. Mar haddii waxaas oo dhan uu waxba ka qaban kari waayey masuuliyada dhibkasta oo ka dhacda gudaha Somalilan Siilaanyo ayaa ka masuula Colaad iyo Boob Tahriib Gaajo kaydoonto ha ahaatee.
Wuxuu iska indho tiray isagoo dhinaca Saaraya Wasiirka Maaliyada oo ah Dambiile Qarran Khainul Wadan Beeno waas ah oo Diinta Ku Gabada Siilaanyona waa lamid. Reer awdal, miyay doorteen Wasiirada? Reer awdal ma Waxy u cawdeen Wasiiro mise Cid bay is hayaan ? Reer Awdal yay u Cawdeen.. Xagee buu jiraa Cadami Muhanad iyo Janno Sowkuwa samaynaya Miisaaniyaddii Xaaraanta ahayd! Madaxweyne Is casil maanta ayay kagaag Haboon tahay 1990.
Marka Awdal Nocaas tahay Maxaad Reer Soola Odhan Ma Ciidamadaa Gogooshii nabada ugu dhiibtey!?
La xisaabtanka xukuumada iyo xubnaheeda. Musuqa eexda cadaalada darada khaladaadka waajib gudasho la aanta ku tagri falka awoodaha qaranaka iyo si guracan uga faa iidaysiga Waxa mussil ka ah.. Madaxweyanha layweydiinayo.
Wasiirka iyo Wasiir-ku-xigeenka uma bannaana muddada ay xilka hayaan, in ay qabtaan xilal kaloo guud oo aan ahayn xaqa cod-bixinta iyo xilka loo igmaday. Waxaa kale oo aan u baannaanayn in ay qabtaan meherad madaxbannaan ama hawl ganacsi, maaliyadeed ama warshadeed, ama in ay iibsadaan ama ijaartaan hanta dawladeed ama in ay hantidooda ka gadaan ama ka ijaaraan Dawladda
Wasiirradu waxay mas’uul ka yihiin dembiyada ka dhanka ah Gudashada xilalkooda
Xorriyadda ku-dhaqanka siyaaddada looma xilsaari karo qof, koox ama dabaqad mana jiro qof iskiis/iskeed isugu xilsaari kara, ama fulin kara awood dowladeed oo aan ka soojeedin Sharci.
Rajo miiqku maran amaanta iyo dhiiri gelinta dembiyada. ihaanada cadaadiska cabiidinta iyo in lugta-madaxa bulshada garashadeeda lagaga hayaa Waa nasiib darro. waxaa wehilisa musuqa iyo boobka ismahadinta beenta ah ku dhisan. Waa shufto iyo awr Siilaanyo dalka ku daawanaayo, Tani waxay soo dedejinaysaa hor kicid dembi ah in dadku gacantooda sharciga ku fuliyaan. Waxaa la abyey in Wasiiradu cudur qalooc iyo sadho gunteedu fog tahay doonayaan in loo noqdo doonyo qaad. taasina dhici kari mayso.
abdi weli <abbarkhad@gmail.com>